Bahamas

Ka Wikipedia

Coordinates: 25°4′N 77°20′W / 25.067°N 77.333°W / 25.067; -77.333

Bahamas waa wadan jasiirad ah oo ka kooban 700 oo jasiiradood, waxoona ku yaalaa Badweynta Atlaantik, waxee u dhaxeeyaan koonfurta bari ee gobolka Florida iyo woqooyiga Kuuba. wadanka waxaa degan dad gaaraayo 330000 oo qof (dad tiriskii 2007). wadanka waxaa soo gumeesan jiray Ingriiska, waxoona xornimadiisa siiyay 10 Luuliyo 1973. shacabka ku nool jasiiradahaan, waxee asalkooda ka soo jeedan afrikaan oo ah kuwa ugu badan,waxaa ku xiga yurubiyaan iyo aasiyaan.Dalka Bahamas (Commonwealth of The Bahamas), dalka Bahamas wax uu kamid yahay wamada jasiiradaha Caribbean-ka, dalka Bahamas wax uu ka kakooban yahay jasiirado tiro badan oo dhinaca waqooyi kaga yaal dalka Cuba, xaga koonfur barina kaga beegan dalka Maraykanka (United States of America). Caasimada dalka Bahamas waxa layidhaa Nassau, waana magaalo ay ku dhaqan yihiin dad gaadhaya (241,207), oo ruux, sida lagu sheegay tirakoobkii la qaaday sanadkii 2010-kii. Bedka: Bedka ay ku fadhiyaan jasiiradaha uu ka koobanyahay dalka Bahamas waxa lagu qiyaasaa 5,382.26, oo (mayl laba jibaaran) una dhiganta 13,940.00, oo (kiiloo mitir laba jibaaran). Dalka Bahamas waxa u ku dhowyahay baaxada gobolka (Connecticut) ee dalka Maraykanka.

Plaja en Emerald Bay, Bahamas.

Dadka[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Dadka ku dhaqan jasiiradaha Bamahas waxa tiradooda lagu qiyaasaa 310,428 oo ruux, waana tirakoobkii laqaaday sanadkii 2010-

Note[wax ka badal | wax ka badal xogta]

==Dalka== Bahamas waxa ka jira arimo saamayn wayn ku yeeshay korodhka dadka waxna kamid ah cudurka AIDS-ka, dhimasha caruuta xiliga da’doodu ka yartahay 5-ta sano oo aad u badan (higher infant mortality and death rates) iyo guud ahaan korodhka dadka reer Bahamas, oo aad u hooseeya. Dadka reer Bahamas ee sanadka 2050-ka wax la filyaa in ay gaadhi doonaan (318,301), oo ruux.

Afka[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Luuqadaha lagaga hadlo dalka waxa kamid ah Ingiriisiga (English), luuqada Creole, oo ay ku hadlaan dadka kasoo haajiray dalka Haiti (among Haitian immigrants).

Aqoonta[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Diinta[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Dadka aqoonta leh ee dalka jasiiradaha Bahamas waxa lagu qiyaasaa boqolkiiba 98.2%. Diimaha ay kala haystaan dadka reer Bahamas waxa kamid ah diinta Baptist oo ay dadka haystaan dad lagu qiyaasob boqolkiiba 32%, diinta Anglican waxa haysta boqolkiiba 20%, Roman Catholic boqolkiiba 19%, Methodist boqolkiiba 6%, Church of God boqolkiiba 6%, Protestant boqolkiiba 12%, dadka bilaa diinta ah ee reer Bahamasa waxa lagu qiyaasaa boqolkiiba 3%, dadka haysta diimaha kale ee aan ahayn inta sare ku xusan waxa ay tiradoodu gaadhaa boqolkiiba 2%. Cimriga: Ragga u dhashay dalka jasiiradaha Bahamas da’doodu waxa ay gaadhaa celcelis ahaan 67-sano, halka dumarkana da’doodu ka gaadho 73-sano. Dawlada: Qaabka ay ku shaqayso Dawladda Bahamas waa nidaamka baarlamaniga ah (Government Type constitutional parliamentary democracy).

Lacagta[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Lacagta laga isticmaalo dalka waxa layidhaa Bahamian dollar (B$). Warshadaha: Warshadaha jasiiradaha Bahamas waxa lagu farsameeyaa; sibidhka, saliida, cusbada, dawooyinka (pharmaceuticals), beebabka (spiral-welded steel pipe), Irum iyo aragonite.

Dalxiiska[wax ka badal | wax ka badal xogta]

dalka jasiiradaha Bahams waxa ka jira goobo dalxiis oo soo jiita dalxiisayaal u yimaada daawashada quruxda jasiirada dalka Bahamas.

Beeraha[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Beeraha jasiiradaha Bahamas waxa ka baxa dalagyo ay kamid yihiin khudaarta dhanaan ee loo yaqaan (citrus) iyo khudaarta caadiga ah.

Beeraha[wax ka badal | wax ka badal xogta]

dalka Bahamas waxa laga dhaqdaa xoolo ay kamid yihiin Digaadu, dhulka la isticmaalo ee dalka Jasiiradaha Bahamas waxa lagu qiyaasaa boqolkiiba 1%.

Khayraadka: Khayraadka dabiiciga ah ee dalka waxa kamid ah Cusbada (salt), aragonite, geedka timber-ka, iyo dhul badan oo wali dihin.




Dalalka Woqooyiga Ameerika Qaarada Woqooyiga Ameerika
Antigua iyo Barbuda · Bahamas · Barbados · Belise · Banama · Dominika · El Salfador · Grenada · Guatemala · Haiti · Honduras · jamhuuriyadda Dominika · Jamayka · Kanada · Kosta Rika · Kuuba · Gobolada Isku Tegay ee Ameerika · Meksiko · Nikaragua · St.kitts iyo Nevis · St. Lukia| · St. Finkent iyo Grenadines · Trinidad iyo Tobago