Boland

Ka Wikipedia
U bood: gooshitaan, raadi
Boland
Boland

Boland (Af-Bolandi: Polska) ama Jamhuuriyadda Boland (Af-Bolandi: Rzeczpospolita Polska) waa wadan ku yaalo bartamaha Yurub. Dalka jamhuuriyada Poland. Dalka Poland waxa uu kamid yahay wadamada qaarada yurub gaar ahaan kuwa dhaca badhtamaha. Dalalka la jaarka ah dalka Poland waxa kamid ah jarmalka (Germany, Ukraine, Belarus, Slovakia,Czech Republic, Ruushka (Russia) iyo Lithuania. Dhinca waqooyi galbeedna waxa kaga talaa bada Baltic-ga (Baltic Sea). Caasimada dalka Poland waxa layidhaa Warsaw.

Qoraalka gudaha oo kooban

[Wax ka bedel] Bedka

Bedka uu ku fadhiyo dalka jamhuuriyada Poland waxa lagu qiyaasaa 120,728.35, (mayl laba jibaaran) una dhiganta 312,685.00, oo (kiiloo mitir laba jibaaran). Qiyaas ahaan baaxada dalka Poland waxa ay ku dhowdahay bedka uu ku fadhiyo gobolka ( New Mexico) ee dalka Maraykanka.

[Wax ka bedel] Dadka

Dadka ku dhaqan dalka Poland waxa ay tiradoodu ka badantahay 38-milyan oo ruux, waana tirakoobkii la qaaday sanadkii 2010-ki. Sidoo kale saadaasha dadka reer Poland ee sanadka 2050-ka waxa lagu wadaa in ay hoos ugu dhici doonto 33-milyan oo ruux, taas oo ka yar tiradii 2010-kii ee dadka Poland 5-milyan oo ruux.

[Wax ka bedel] Afka

Luuqada lagaga hadlo dala Poland waa luuqada maxaliga ah ee Polish-ka. Aqoonta: Dadka aqoonta leh ee u dhashay dalka Poland waxa ay gaadhaan boqolkiiba 99.0%.

[Wax ka bedel] Diinta

diimaha ay kala haystaan dadka reer Poland waxa kamid ah diinta kiristanka gaar ahaan mad-habta Roman Catholiga oo ay haystaan dad gaadhaya boqolkiiba 95% oo boqolkiiba 75% ka mid ahi ay ku dhaqan yihiin dhica bari ee dalka mad-habta Orthodox iyo Protestant-ka oo lagu daray diimaha kale ee dadka tiro yari haystaan waxa dadka haystaa dhanyihiin boqolkiiba 5%.

[Wax ka bedel] Cimriga

Ragga reer Poland waxa da’doodu gaadhaa 69-sano, halka dumarka Polish-ka ah ay da’doodu ka gaadho 77-sano.

[Wax ka bedel] Dowlada

Dowlada dalka Poland waxa ay u shaqaysaa nidaamka jamhuuriga ah (Government Type republic).

[Wax ka bedel] Lacagta

Lacagta dalka Poland wax la yidhaa zloty (Zl).

[Wax ka bedel] Warshadaha

Warshadaha dalka waxa lagu farasameeyaa alaab ay kamid yihiin mashiinada dhismaha, dhuxul dhagaxda, kiimikooyinka, dhismaha maraakiibta, cunto diyaarinta, birta, quraarada, sharaabka iyo dunta.

[Wax ka bedel] Beeraha

Beeraha jamhuuriyada Poland waxa laga beeraa dalagyo ay kamid yihiin khudaarta kala duwan Qamadiga, baradhada iyo midhaha.

[Wax ka bedel] Xoolaha

dadka polish-ka ee u dhashay jamhuuriyada wxa ay dhaqdaan khaansiirka iyo digaaga.dhulka la adeegsado ee dalka Poland waa boqolkiiba 47%. Khayraadka: Khayraadka dabiicia ah ee dalka waxa kamid ah macdanaha dhuxul dhagaxda, gaaska dabiiciga ah(natural gas), sulfur, copper, qalin, lead, iyo cusbada.


Dalalka Yurub Qaarada Yurub
Albania • Andorra • Armania • Aserbiijaan • Austriya • Belarus • Beljim • Boland • Midowga Boqortooyada • Bortuqaal • Bosniya • Bulgaria • Denmark • Estoniya • Faransiiska • Finland • Giriig • Holland • Hungaria • Isbania • Islofaakiya • Isloveeniya • Iswisarland • Iswiidhan • Jarmalka • Joorjiya • Kosofo • Kroatia • Latfiya • Liechtenstein • Lithuaniya • Luksemburg • Makedonia • Malta • Monako • Montenegro • Norway • Romania • Ruushka • San Marino • Serbia • Talyaaniga • Jamhuuriyadda Tashik • Turki
Qalabkaaga
Xarun magaceedyada

Variants
Waxa dhacaayo
Gooshitaan
Qalabka shaqada
Luqadaha kale