Category:Ganacsi

Ka Wikipedia

U bood: navigation, raadi

Ganacsi Garissa

magaalada Garissa ee ku taala Gobalka waqooyi bari ee Dalka kiinya oo aay soomaalidu degto, ayaa waxaa ka jiro waxsaar, xagga Beeraha iyo Xoolaha ah, waxsoosaarkaasi dadka Soomaalida ah ee Degmadaasi degan si wanaagsan ugama faa'iidaysan jirin waxaayna u beec geyn jireen waxsoo saarka xagga Beeraha iyo Xoolaha Wadanka Kiinya Goboladiisa kale ee uu ka koobanyahay, dadkaasi oo lacag adag ku iibsan jiray inta aay dibadda u iibgeeyaan.

1991 wixii ka dambeeyay soomaali fara badan ayaa ka soo hayaantay dhulkoodii soomaaliya kadib markii halkaasi aay ka dhaceen dagaalo sakeeyo, kuwaasi oo ilbaxnimo badan iyo ganacsi kala duwan baray soomaalida ku dhaqan Gobalka waqooyi Barri, gaar ahaan Degmada Garissa oo aay ku yaalaan 3 xero oo ku xaraysan Qaxooti fara badan oo dhulkoodii ka doo tagay.

dabayaaqadii sanadkii 2006-da, waxaa bilawday gobalka waqooyi bari ee Kiinya ka Ganacsiga wax soosaarka Beeraha oo dibadda loo beec geeyo sida, Muuska, Cambaha, Babayga, liin Balbeelmada iwm. taas oo ilbaxnimo iyo ganacsi weyn u abuurtay soomaalida Kiinya.

Soomaalida waxaa caado u ah in aay isku daydaan haddii aay arkaan ganacsi cusub oo aayna horey u arag, taas oo caqab ku noqoto kor u socodkii waxqabadkooda hadda dad badan ayaa ku biiray, dadka soomaalida oo aad u fara badan lagana yaabo in aay beecsharadooda hoos u dhogto.

This category currently contains no pages or media.