Dalweyn

Ka Wikipedia
Dalweyn

Dalwayn
Lua error in Module:Location_map at line 414: No value was provided for longitude.
Dalka Soomaaliya
GobolBari
Tirada dadka
 • Dhammaan2,000
Aag saacadeedUTC+3 (EAT)

Dalweyn (Af Ingiriis : dalwain, Af Carabi : ar‎). Waa magaalo ku taal Gobolka Bari Soomaaliya Waxay 135 Kilomitir ka xigtaa dhanka Koonfureed Magaalada Bosaso

Taariikhda & Nolosha[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Magaaladan waxaa la assaasay qiyaastii 1950, Magaalada Dalweyn oo markii hore ku bilaabatay berkedo reer guuraagu ka cabaan ayaa si tartiib tartiib ah isugu rogtay meel laga helo waxyaabo yar yar oo kamida waxyaabaha qiimaha u leh nolosha aadanaha sida daawada, raashinka, dharka iyo waxyaabaha gol-gol ahaanta loo isticmaalo qaybtood, Sidaas ayeey ku koray magaalada dalweyn ilaa ay ka noqotay bar weyn oo caan ah loona soo doonto waxyaabo badan oo qiima u lahaa nolosha dadkii ku xeera degaanada ka agdhow magaalada oo badidood Reer guuraa ahaa. Dalweyn iyo inta badan deegaanada ku xeeran waa dhul Illaahay waxaase reer ahaan dega ama ay deegaan u tahay beesha reer Zekeriye oo kamida beelaha Dishiishe.

Jewiga[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Dalweyn waa mid kamida magaalooyinka ugu qaboow dalka, Xilliga qaboobaha Caddaadiska Heer kulku wuxuu gaaraa 6°C taas oo ah qabow aad u daran. Inta badan saddexda xilli ee kale waxaa jira jewi aad u wanaagsan oo aan qabow iyo kul aad u daran lahyn.