Garoowe

Ka Wikipedia
U bood: gooshitaan, raadi


Garoowe waa caasimadda Gobolka Nugaal,waana caasimada dowlada Puntland waxayna ka kooban tahay ilaa 8 xaafadood waana sidaan¨: 1. HANTI WADAAG 2.WAABARI 3.WADAJIR 3.HODAN 4.ISU RARANTA 5.BUULO 6.QAXOOTIGA 7.SAXAN SAXO 8.MIRRE AWAARE oo isagu Ka arrimiya Dhanka Waqooyi Bari ee dalka Soomaaliya. Garoowe ayaa waxay soo martay maraxalado kala gedisan. Haatanna waxay maraysaa heerkeedi ugu sarreeyay. Magaalada Ayaa kadhaxaysa soomaliyoo idil ammaankeeduna aad iyo aad ayuu usuganyahay waxaana kajirtaa Nabadgalyo kala dambayn iyo isxaq dhowr noocii ugu dameeyay. Taasoo uu ku naaloon karo shakhsi kasta oo u tix galin, maamuus, iyo wanaag u haya bulshada soomaaliyeed iyo isku duubnideeda. Midnimadeeda iyo wada noolaansheheeda,oo aan looga shakisanayn inuu khal khal galinayo dalka iyo amnigiisa. Garowe waxaa ku yaal Meelo aad iyo aad u qurxoon suuqaaq iyo bacadlayaal aad iyo aad u camiran Jawiga ayaa had iyo goorba ah mid aan qaboow saa'ida iyo kulayl saa'idana aan lahayn qorraxda ayaa inta badan waxaa ku dahaaran cadar iyo daruuro. Taasoo ku kalliftah shakhsigii bartah cimiladeeda inuusan meelaan iyada ahyn uusan uba xiisin. Si kastaba ha ahaatee,maciishadda Magaalada Garowe ayaa ah mid aad iyo aad u jaban taasoo u masaabaxaysa qofkasta inuu si sahlna ugu noolaado. Garoowe waa magaaldii lagu dhisay dawlada puntland 1dii august ee 1998, waxay caan ku tahay nabadda, waxaana lagu qabtay shir nabadeedyo badan xiligii burburka. waa magaalo ku taal dhexbartanka puntland 3 ka mid ah 5 gobol ee puntland ay ku hareeraysan yihiin, dhinacna waxaa ka mara badweynta caanka ah ee India. magaalooyinka xeebta ugu dhoow ee gobolka nugaal ayaa ah Eyl, godob. Nugaali waa dhul carrosan oo biyo had iyo goor qulqulayaan, buuro gaagaagana leh, ha yeeshee bannaan u badan,


Garowe dadka ku nool waa ilaa 250.000 QOFOOD

Magaalada Garowe waxay xarun u tahay Dawlada Puntland waxaana sidoo kale ay fariisin u tahay dhamaan Ha,adaha ka hawlgala deegaanada Dawlad Gobaledka Puntland,

WAXBARASHADA[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Garowe waxaa kafuran iskuulo , jaamacado ,heerar kaladuwan leh waxaa ugu caansan iskuulada

ALWAXA SECONDARY SCHOOL ,waxaa la furay 1993, GAMBOOL SECONDARY SCHOOL, HAMDAN SECONDARY SCHOOL , NUGAAL SECONDARY SCHOOL, IMAAMU NAWAAWI SECONDARY SCHOOL , ALWAHA PRIMARY , DARWIISH PRIMARY , NUGAAL PRIMARY, HAMDAN PRIMARY , HAJI CABDI PRIMARY ,

PUNTLAND STATE UNIVERSITY EAST AFRICA UNIVERSITY GAROWE TEACHER TRAINING UNIVERSITY MOGDISHO UNIVERSIY (BRANCH)


Warbixin ku saabsan Jaamacada Garoowe ee Puntland State University (PSU)


Garowe:-Waxaan maanta booqday Jaamacada Garoowe ee Puntland State University (PSU). Waxaan xafiiskiisa kula kulmay maamulaha Jaamacada Siciid Aadan cilmi (Siciid Waayeel) wuxuu warbixin iga siiyay Jaamacada.

Mr.Siciid wuxuu ii sheegay in ay haatan wax ka bartaan Jaamacada 150 Arday Waxaana wax ka dhiga 9 Macalin oo isugu jira Ajanabi iyo Soomaali, lotka ugu horeeya waxay bilaabeen sanadkii labaad horayna waxaa Sadex ilaa 2 sano dhamaystay 150 arday oo kale, waxaa kaloo tababaro ku qaatay in ka badan 300 oo qof oo ka mid ah shaqaalaha Dawlada Puntland dhamaan dadkii ka baxay iyo kuwa dhigtaba waxay u badan yihiin dad ka shaqeeya Hay’addaha Caalamiga ah iyo kuwa sida gaarka ah loo leeyahayba.

Dhanka kale waxaa haatan loo dhamaystiray PSU manhajkii iyo siyaasadii iyo waliba qorshihii 5 sano ee soo socota lagu socodsiin lahaa taas oo ay diyaariyeen khuburo ka socota Jaamacadda United State International University (USTU).

Jaamacadda Puntland state University (PSU), waxay ka kooban tahay sadex kuliyadood oo kala ah :-

1. Business administration 2. Public administration 3. Information technology

Jaamacadu waxay xiriir fiican la leedahay oo gacan ka heshaa DGPL, Hay’adaha Caalamiga ah gaar ahaan DIAKONIA Sweden oo ilaa iyo aasAaskeedii si fiican uga qayb gashay, waxaa kaloo dhinaca manhajka iyo tababarada shaqaalaha Dawlada maal gelisay Hay’adda UNDP.

Xarunta Jaamacadda Puntland state University (PSU) waxay marti gelisaa workshops-yada iyo tababarada inta badan Caasimada Puntland ee Garoowe ka fuliyaan Hayadaha Caalamiga ah.

Jaamacadda Puntland state University waxaa si weyn u taageera Bulshada iyo Jaaliyadaha dibada ee Gobolka Nugaal waxayna kagaga duwan tahay Jaamacadaha iyo Machadyada ee dalka ka jira iyadoo ka soo bilaabantay heer Dugsi Garoowe School of Management waxayna soo martay Heer machad Puntland Community College (PCC) haddana waxay gaartay Jaamacad PSU.

Xarunta Jaamacadda ayaa ah mid aad u qalabaysan, una bilicsan, in kastoo ay u baahan tahay in la sii fidiyo.

Waxaa kaloo haatan la sugayaa in la soo bandhigo, diyaarintii la dhameeyey wax qabadkii labada sano ee soo socda, kaasoo la filayo in ay gacan ka gaysandoonaan Hay’adaha Caalamiga ah Sida DIAKONIA, UNDP iyo Jaaliyadaha dibada.

Jaamacada laftigeedu waxay leedahay wax soo saar haday ahaan lahayd Fee-ga laga qaado ardayda, Dakhliga ka soogala koorsooyinka gaagaaban, iyo shaqooyinka kale ee ay qabato, sida marti gelinta workshops-ka.

Jaamacada oo la aas aasay 1999-kii ilaa iyo hadda waxaa gacan ku haya Ururka wadaniga ah ee KAALO inkasta oo hadda la sameeyey, sida uu dhigayo Barnaamijka Cusub ee Jaamacada Board of Directors (BOD) oo ay xubno ka yihiin hay’adaha Caalamiga ah, Wasaaradda Waxbarashada Puntland Ururka KAALO iyo Bulshada, waxaana qorshaysan labada sano ee soosocota in dhinaca dhismaha macalimiinta iyo qalabka waxbarashadaba la kordhiyo.

Waxyaalaha ugu waa weyn ee hadda jaamacadu u baahan tahay waxaa ka mid ah Computer-laps iyo Library ka weyn kuwa ay hadda haysato, iyadoo horayna loo gaday dhulkii lagu fidin lahaa Jaamacadda.

August 2005 ayaa la filayaa, in Jaamacadu qaadato arday Cusub tiradana waxaa la gaarsiin doonaa in ka badan 300 oo arday oo wax ka barata Kuliyadaha kala duwan ee PSU.

Jaamacadu waxay ka kooban tahay Xafiisyo, Fasalo, Book shop library lap Computers, Cafeteria, qolalka matoorada (Room machine), Garoomada Ciyaaraha iyo qolalkii waardiyeyaasha.


Magaalada Garowe ee aka waka koekoe choco latta caasimada puntland ayaa waxaa ay la ciirciiraysaa dad aad u tiro badan oo halkaasi u tegay si ay goob joog uga noqdaan doorashooyinka dhawaan lagu wado in ay halkaasi ka dhacaan .

Ciriiriga dhinaca dadka ah ee magaalada caasimada ah laga dareemayo ayaa ah mid si weyn sameyn ugu yeeshay Garowe oo ah magaalo wax ka yar 10cisho ka dib ay ka dhici doonto doorasho taariikhi ah oo ay jagadeeda ugu sareysa isu soo taageen murashaxiin 20ka badan .

Goobaha laga cunteeyo ayaa ah kuwo mashquul badan oo wakhti hore cuntadu ka dhamaato ,waxaana sidoo kale ay adagtahay in aad hoteelada magalada ee hurduda aad ka hesho sariir aad jiifato ciriiriga dhinaca dadka ah ee magaalada ka jira awgeed , dadka ugu badan ee magaalada soo galay ayaa waxaa ugu badan taageerayaasha sida kal iyo laabta ah ula kala safan musharaxiinta 20ka badan ee isu soo taagay jagada madaxtinimo ee puntland .

Meelaha laga qaxweeyo ee caasimada ku yaala ayaad ku arki kartaa dad weyne aad u tiro badan oo hadalhayntooda ugu badani tahay arimaha doorashada oo marba marka ka danbaysa soo xoogeysanayaan wararka ku saabsan , badina dadka aad ka uga dhex muuqda Garowe Caasimada isu diyaarinaysa wax ka yar laba todobaad ka dib in ay doorasho ka dhacdo ayaa ah Isimadii , Siyaasiyiintii iyo Aqoonyahanadii laga yaqaanay Deeganada Puntland .

Doorashada puntland dadka daraadeed u yimi kama kala iman oo qur gobolada punltand iyo somalia laakiinse waxaa ka mid ah dadka magaalada soo buuxdhaafiyey Qurbe joogtii somaliyeed gaar ahaan kuwa reer puntland, oo u yimi halkan 8bisha janaayo si ay goob joog uga noqdaan doorashada punltand ee xasaasiga ah

Si kasta oo ay tahayba maalinba maalinta ka danbaysa waa ay soo siyaadayaan dadka soo gelaya caasimada Puntland ee Garowe , waxaana dadka soo buux dhaafiyey magaalada ay sameyn ku yeesheen maciishada ka jirtay Garowe oo ay kor u kac kusameeyeen iyo Ganacsatada magaaluna ay wakhtigan u arkaan fursad dahabi ah oo soo martay .


Degmooyinka Gobolka Nugaal Calanka Soomaaliya
Baarwayn · Budunbuto · Burtinle · Dangorayo · Eyl · Garoowe · Qarxis · Sunajiif · Xasbahal