Imaam Axmed Guray

Ka Wikipedia
Axmad ibn Ibrahim
Imam iyo abaanduule boqortooyada Adal
Xilkac. 1527 – February 21, 1543
Ka horeeyayMahfuz
Ku xigayNur ibn Mujahid
Dhashayc. 1506
Harar, Adal Sultanate
DhinteyFebruary 21, 1543
Dagaalkii Wayna Daga
XaaskaBati del Wambara
HoygaWalashma dynasty
DiintaIslam

Axmad bin Ibrahim al-Ghazi (Af Ingiriis : Ahmad ibn Ibrahim al-Ghazi, Af Carabi : ar‎) sidoo kale lagu naanaysi jiray Axmed Guray, Abaanduulihii Weynaa"[1] (dhashay 1506, dhintay February 21, 1543)[2] wuxuu ahaa imaam, hogaamiye, abaanduule, sheekh iyo suldaankii boqortooyadii Adal taasi oo ku duushay dowladii awooda badneyd ee ka talin-jirtey Abyssinia isla markaana jebisay hogaankaasi kana qabsatey dhul badan.[3] Imaam Axmed Guray Magaciisa oo saxani waa Axmad ibn Ibrahim Al-Ghazi (Af Carabi : ar‎), Waxa lagu qiyaasaa in uu dhashay sanadkii 1507 - February 21, 1543.


Sida Culumada reer Harar iyo Madxafka Itoobiya laga xaqiijiyay, Axmed Gurey ama Axmed Garaad Ibraahim wuxuu kasoo jeeda beesha Karanle Hawiye, gaar ahaan beesha Saxawle. Waxaad faahfaahin ka helikartaa sida Axmad Al Shaami caalinka Harar ee qoray kitaabka "Fatxul Madiinat Harar" oo xaqiijinaya abtiriskii Axmed Gurey fii kitaab "Yaa Gragn Waraara" sanadkii 1961 ee uu leeyahay qoraa sare Tekletsadik Mekuria oo Xayle Selassie wasiirkiisa taclinta sare iyo agaasimaha madxafka Qaranka u ahaan jiray.

Waxa uu ahaa Imaam Axmed Gurey Ragii ducaada ahaa ee aadka ugasoo horjeeday in jihaadka laga joojiyo gaalada itoobiya ,waxa aay muslimiinta ugaysanayeen awgeed,taasoo keentay in musliimiinta laga qaadijiray markaas lacag baad ah (Jizya) .

Dagaalo badan kadib waxaa dhacday in Imaam Axmed guray lawareegay Harar, dabadeedna wuxuu bilaabay weeraro jihaad ah oo isdaba jooga.Waxa uu galay dagaalo ba,an mudona socday ,mahadhana reebtay ,ilaa hadana laxasuusto lana ilaawi karinin..

Faallo

Imaam Axmed Guray Magaciisa oo saxani waa Axmad ibn Ibrahim Al-Ghazi. ahmed gurey waxa uu ahaa nin magac wayn le oo waxa lagu qiyaasaa in uu dhashay sanadkii 1507 - February 21, 1543. Waxa uu ahaa Imaam Axmed Gurey Ragii ducaada ahaa ee aadka ugasoo horjeeday in jihaadka laga joojiyo gaalada itoobiya ,waxa aay muslimiinta ugaysanayeen awgeed,taasoo keentay in musliimiinta laga qaadijiray markaas lacag baad ah (Jizya) . Dagaalo badan kadib waxaa dhacday in Imaam Axmed guray lawareegay Harar, dabadeedna wuxuu bilaabay weeraro jihaad ah oo isdaba jooga.Waxa uu galay dagaalo ba,an mudona socday ,mahadhana reebtay ,ilaa hadana laxasuusto lana ilaawi karinin.. kumuu ahaa Axmed Gurey? Axmed Gurey wuxuu ahaa nin Islaama waxa uu ahaa nin u dagaalamayay Diintiisa asalna kasoo jeeda mid ka mid ah qabaa ilada soomaaliyeed ee dega dhulka hada Itoobiya gumeysato, dhinaca kale waxa uu ahaa nin daaci ah oo dadka Diinta suuban gaadhsiinayay Imaam Axmed Gurey waxaa la sheegay in uu ku dhashay dhulka u dhexeeya Saylac iyo Harar. Waxaana askari Boortaqiis ahi ku dilay Suudaan sanadkii 1543kii. Dagaalka Boqortooyada qabiilada dhulkaas deggan kula jirtay, waxa uu markastaba ahaa mid xukun iyo saldana raadis salka ku haya, si hadaba damacaasi ugu suurto galo waxa ay Boqortooyadu mar walba isticmaali jirtey diinta Kiristaanka oo ay calool jileec iyo taageero kagaga raadinaysay waddamada reer galbeedka ee Kiristaanka ah. Boqor kasta oo Xabashida maamulana waxa hal hays u ahaa “Itoobiya waa Jasiirad Kiristaan ah oo ku dhex-taalla Bedweyn Islaam ah.” Taas oo ay ula jeedeen in Kiristaanka dhulka deggan laga badan yahay oo ay ku dhex nool yihiin badweyn islaam ah. Sababta Axmed Gurey ku dhalisay inuu xabashida la dagaalamaana waxay ahayd isagoo u arkayaay in ay wadaan fidno ay markaasi ay ku doonayaan inay dadka islaamka ah diinta kaga saarayaan , taasi xabashida waxay mar walba u aheyd fursad ay wadamadii xooga badnaa ee Kiristanka ahaa waqtigaa dunida ilaa iyo hadana ay wax badan iska bedelin xaaladaas iyada ah, uga gurtaan hub iyo saanad ay kula dagaalamaan muslimminta ayagoo mar walba ku beer laxawsanaya ineey difaac iyo fidin ugu jiraan diinta Kiristanka.

Sidoo kale fiiri


Sidoo kale fiiri


  1. R. Michael Feener. ABC-CLIO. p. 219 https://books.google.com/books?id=zsjuQaGLRUkC&printsec=frontcover&source=gbs_ge_summary_r&cad=0#v=onepage&q&f=false.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  2. Imam and General
  3. Saheed A. Adejumobi. Greenwood Publishing Group. p. 178 https://books.google.com/books?id=-U7aydmefrgC&printsec=frontcover&source=gbs_ge_summary_r&cad=0#v=onepage&q&f=false.  Maqan ama ebar |title= (caawin)