Itoobiya
| Itoobiya Federal Democratic Republic of Ethiopia |
||||||
|---|---|---|---|---|---|---|
|
||||||
| Qaarada | Afrika | |||||
| Astaanta Calanka Wodefit Gesgeshi, Widd Innat Ityopp'ya |
||||||
| Caasimada | Addis Abeba | |||||
| Luuqada(ha) Looga hadlo | Amxaari soomaali Af-oromo af Tigreey |
|||||
| Dowlada | ||||||
| - | Madaxweyne | Girma Wolde-Giorgis | ||||
| - | Ra'iisul wasaare | Hailemariam Desalegn, | ||||
| Area | ||||||
| - | Total | 637,661 km² 246,201 sq mi |
||||
| - | Biyo (%) | 1.6 | ||||
| Cadadka Dadka | ||||||
| - | 2006 qiyaas | 75,067,000 | ||||
| Lacagta | Birr | |||||
| Wakhtiga | EAT | |||||
Itoobiya waa wadan ku yaal Geeska Afrika, waxa uuna Xuduud la leeyahay wadamada Jabuuti, Suudaan, Ereteriya, Soomaaliya iyo Kiinya, Caasimada Itoobiyana waa Addis Abeba,
Itoobiya waa wadan weyn oo bad laheen, waxa uu leeyahay 4 wabi oo waaweyn kuwaas oo kala ah:- wabiga Niil,omo, Awash, iyo Wabiga Shabeelle. itoobiya markeeda hore waxaa la dhihi jiray ( Abessinia), laakiin waxaa lagu badalay itoobiya, oo micnaheedu yahay (mugdi ama waji gubtay). waayadii hore madaxdii gariis iyo Roman. waxee la shaqeen jireen madaxda itoobiyaanka.
Qoraalka gudaha oo kooban |
Juquraafi [Wax ka bedel]
Itoobiya waxee ku taalaa Geeska afrika, waxeena xuduud la leedahay, wadamada, Eratareya, Jabuuti, Soomaaliya,Kiinya iyo Suudaan. itoobiya waxaa dhaxmaro, wabiga ween ee looyaqaan Wabiga Niil. Itoobiya waxaa ka baxo Bun iyo qamadi. Eratareya sida ee uga go'day itoobiya wax xeeb ah badda kumalahan.
Jawiga [Wax ka bedel]
Itoobiya waa dhul cagaaran laakiin waqooyiga itoobiya aad ayee u kulushahay, roob badan maka dao. xili yaasha oo roobka ka dao itoobiya waxaa ka mid ah, bisha maarso iyo abriil, oo roob aad u yar ka dao, juun ilaa Sebteembar neh, waxaa ka dao roob xoogaa ween. waqooyiga itoobiya waa meel qaleel ah, meelo badan oo ka mid ah neh waxaa lagu magacaabay, meesha aduunka uugu kulul. gobalka somaalidu waa gobalka 2aad ee ugu wayn dalka ethiopia marka laga reebo gobalka oromia. waana qowmiyada 3aad somalidu ee ugu badan dalka ethipoa. 1 oromada. 2Amharada. 3Somaalida. 4 Tigrey.
shacabka [Wax ka bedel]
wadanka itoobiya, waa wada ajnabi. waxaa u badan Oromo 40% iyo Amxaaro 25%%. kuwa kale oo ka mid ah, soomaalida iyo tigrayga oo 6% kala ah.
Luqadaha [Wax ka bedel]
dadka degen wadanka Itoobiya waxee ku hadlaan luqado gaaraayo 70 ilaa 80 luqadood oo kamidtahay afka soomaaliga.
luqada ugu ween oo lagu hadlo waa Amxaari.
Diimaha laga caabudo [Wax ka bedel]
itoobiya waxaa laga caabudaa diimo aad u badan. 62.8% waa karishtaan, 33.9% neh, waa Muslimiin. 3,2 % neh waa diimo kale, oo laga caabudo.
Kalandar [Wax ka bedel]
Itoobiya waxee leedahay, kalandar u gooni ah. sanadkooda waa 13 bilood, 11 Sebteembar waa maalinta uugu horeeyso sanadka. 12 sebteembar waa maalinta labaad markii oo buleerka la riday. kalanderka itoobiya, waxoo raacsanyahay, waqtigii oo nabi ciise, dhashtay kadib. 8 sano ee ka danbeeyaan kalanderka wadamada galbeedka. ayaga marka ee sanadkooda cusub 2003 ee soo dhaweenaayaan, wadamada galbeedka waxee u tahay 11 sebteembar 2010.
dhaqaale [Wax ka bedel]
Itoobiya waxee ku dadaaloosa kordhinta dhaqaaloheeda, waxeena sanadihii nasoo dhaafay noqotay wadanka kaliya ee qaarada afrika oo wax saliid ah ku xirneen oo dhaqaalohiisa kor u kacay.Dhinaca kale siyaasiinta itoobiya ma ku dadaalaan horumarinta bulshada ku nool dalka itoobiya. Wadanka itoobiya waxaa ka jirto abaar aad u badan, waana wadan beero iyo wabiyaal badan leh. Dadka ku nool itoobiya 100kiiba 80 waa reer baadiye. Marka aa fiirino gobolka soomaali galbeed kaliya, run ahaantii gobolkaan waa gobol ismaamulo, oo wax caawin ah ka helin siyaasiinta itoobiya, waxaana ka jiro dagaal.Waxaa u maleenaa dhaqaalaha gobolkaan in ee ku tiirsantahay dalka soomaaliya, sababto ah, waxyaabaha laga gado dalka soomaaliya, wee ka raqiisanyihiin kuwa itoobiyaanka.
cafimaad [Wax ka bedel]
wadanka itoobiya wuxuu ka mid yahay wadamada Afrika cudarka HIV AIDS-ka saamayn aad u weyn ku yeeshay
Taariikh [Wax ka bedel]
| Wikimedia Commons waxee heysaa war la xiriiro |
| Dalalka Afrika | |
|---|---|
| Aljeeriya · Angola · Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika · Benin · Botswana · Burkina Faso · Burundi · Eratareya · Gaana · Gabon · Gambia · Guinea · Guinea-Bissau · Ikweetiga Guinea · Itoobiya · Jabuuti · Jad · Kab Ferde · Kamiruun · Kiinya · Komoros · Jamhuuriyadda Kongo · Jamhuuriyada Dimuqaraadiga Kongo · Koonfur Afrika · Lesotho · Liberia · Libiya · Maali · Madagaskar · Malaawi · Marooko · Masar · Mauritania · Mauritius · Musanbiig · Nambiya · Nayjar · Nayjeeriya · Ruwanda · Saambiya · Sao Tome iyo Prinsipe · Seyshelles · Sierra Leone · Simbaabwi · Sinigaal · Soomaaliya · Suudaan · Swasiland · Tansaaniya · Togo · Tunisiya · Xeebta Foolmaroodi · Yugandha | |