Wabiga Niil

Ka Wikipedia
U bood: gooshitaan, raadi
Wabiga niil

Wabiga Niil waa wabiga ugu dheer caalamka waxoona dhaxmaraa qaarada Afrika.Wabigaan Dhirirkiisa waxoo gaaraa ilaa 6,650 km,waxa uu u qaybsamaa laba qaybood oo kala ah niilka buluuga ah iyo niilka cad. niilka cadi waxa uu kasoo bilaabmaa halka looyaqaano harooyinka waawayn oo ah badhtamaha Afrika halka ugu fog ee wabigani uu kasoo bilaabmaa waa wadanka Ruwanda waxa ay kayimaadaan biyaha soraca wabiga niilka cadi wadanka gaar ahaan harada wayn ee Harta Fiktooriya waxa uu soomaraa wadmada Yugandha. koonfurta Suudaan. halka niilka buluuga ahi uu kasoo bilaabmo harada Taana ee wadanka Itoobiya waxa uu soo gaadhaa wadanka Suudaan waxa ay ku kulmaan labada wabi meel u dhaw caasimada wadanka Suudaan ee Khartuum. waxa uu wabigani isaga gudbaa dsagaal dawladood oo kuyaala qaarada Afrika

Qoraalka gudaha oo kooban

[Wax ka bedel] Halka uu kasoo jeedo magacu

Magaca niil waxa loomalaynayaa in uu kasoo jeedo magaca giriiga ah ee "Neilos" (Νειλος).Waxa kale oo giriigii hore ay u yaqaaneen magaca Aigyptos oo ah magaca uu kasoo goay magaca ingiriisi ahaan loo yaqaano wadanka Masar

[Wax ka bedel] Niilka cad

Goobta aasaasiga ah ee uu kasoo bilawdo niilka cadi waa harada looyaqaano Harta Fiktooriya waxa ay haradani kutaalaa oo ay xuduud u noqotaa wadamada Yugandha.Tansaaniya Kiinya waxaanay tahay haradani mid kamida harooyinka waawayn ee Afrika. marka wabiga niil uu kasoo baxo harada fiktooriya waxa looyaqaana niilka fiktooriya. waxa uu socdaa ilaa 300klm kadib waxa uu soogaadhaa harada looyaqaano Harada Albert kadib marka uu kabaxo harada Albert waxa lagu magacaabaa niil albert.kadib waxa uu soogaadhaa wadanka suudaan sidaasna waxa uu ku qaataa magaca niilka cad

[Wax ka bedel] Niilka buluuga ah

Niilka buluuga ahi waa $85 biyaha wabiga niil taas macneheedu waxa weeye wabiga niil $85 waxa uu ka imaadaa niilka buluuga ah. niilak buluuga ahi waxa uu ka imaadaa amaba kasoo bilaabmaa harada Taana ee wadanka Itoobiya waxa uu magaca niilka buluuga ah labaxaa kadib marka uu soo gaadho wadanka suudaan inta ka horaysa waxa lagumagacaabaa magaca (Ababay)

muuqaalka guud ee wabiga

[Wax ka bedel] Niil

[Wax ka bedel] Kulanka labada niil

Kadib marka labada qaybood ee niilka cad iyo niilka buluuga ahi ay kulmaan ayay waxa ay sameeyaan wabiga caanka ah ee niil.sida aynu ognahay wabiga niil waxa uu kudhamaadaa oo uu kudaraa Bada Dhexe.

[Wax ka bedel] Ahmiyada uu leeyahay

Wabiga niil waxa hareerihiisa kunool dad aad u badan oo uu u yahay meel ay irsiq ka raadsadaan sida beeraha iyo cabitaanka meelaha ugu badan waxa kamida wadanka masar oo laba meelood oo meeli ay kunooshahay wabiga niil dadkaasi waxa ay dagaan ka dhigteen wabiga hareerihiisa.

[Wax ka bedel] Dawladaha wadaaga

Wabiga niil waxa wadaaga dawlado badan waxaanuu isaga gudbaa dhul aad u dheer. waxa kamida dawladaha wadaaga

Qalabkaaga
Xarun magaceedyada

Variants
Waxa dhacaayo
Gooshitaan
Qalabka shaqada
Luqadaha kale