Jabuuti
| Jamhuuriyadda Jabuuti Gabuutih Ummuuno جمهورية جيبوتي République de Djibouti |
||||||
|---|---|---|---|---|---|---|
|
||||||
| Qaarada | Afrika | |||||
| Astaanta Calanka Jabuuti |
||||||
| Caasimada | Jabuuti | |||||
| Luuqada(ha) Looga hadlo | Af-Soomaali,Af-Cafari,Af-Faransiis | |||||
| Dowlada | ||||||
| - | Madaxweynaha Jabuuti | Ismaaciil Cumar Geelle | ||||
| - | Ra'iisul wasaare | Dileita Maxamed Dileita | ||||
| Ka xoroobey | Gumeystihii Faransiiska | |||||
| - | Taariikhda | 22 Juun, 1977 | ||||
| Area | ||||||
| - | Total | 23,200 km² 8,958 sq mi |
||||
| - | Biyo (%) | 0.09 | ||||
| Cadadka Dadka | ||||||
| - | 2010 qiyaas | 724,622 | ||||
| Lacagta | Farank | |||||
| Wakhtiga | EST+3 | |||||
| Furaha debeda | +253 | |||||
Jabuuti ama Gabuuti ama Djibouti, loona yaqaan Jamhuuriyada Jabuuti waa dal yar ee ku yaala bariga Geeska Afrika. Jabuuti waxaay xad la leedahay Iritareeya xaga waqooyi, Itoobiya xaga galbeed iyo koonfurba iyo Soomaaliya oo ka xigta koonfurbari. Dhinaca kale Jabuuti waxaa ka xiga Bada cas iyo Gacanka Cadmeed.
Qoraalka gudaha oo kooban |
[Wax ka bedel] Taariikh
Jabuuti waxa soo maamuli jiray beelo kala duwan beelahaas oo ahaa , ciise iyo canfar. waxayna ka dagaan koonfurta ay ciisuhu dagaan iyo waqooyiga ay canfartu dagto ilaa hadana isla labadaa qomiyadood aya daga . Beelahakan waxa ay wax kala gadan jireen caraba taas oo sababtay in ay jabuutti noqoto wadan islaam ah laga bilaabo markay asaxaabtu usoo haajirtay dulka loo yaqaano ardul xabasha. 1832-ayaa faransiiska waxaa ay qabsatay dhinaca waqooyi ee jabuutti kadibna waxay kusii fiday dhamaan wadanka intiisa kale, waxa ayna magac uga dhigtay dhulka soomaalida ee faransiiska.100 sano kadib waxaa bilawday dhaqdhaqaaq gumaysi diid ah kaas oo ku fiday dhamaan dalka intiisa kale, waxaa bilawday axsaab u ololaynaysay sidii la,iskaga dulqaadi lahaa heeryada gumaysiga waxaaana ka madax ahaa marxuum maxamuud xarbi oo looyaqaano halyaygii jamhuuriyada jabuuti isaga oo taariikh wayn ku leh dalka ,waxaa kaloo ka mid ahaa raggii usoo shahiiday xornimada jabuuti sida Faarax xaad ,sheekh Cismaan,cagoole , gasha male,. waxa garabsocday halgankaas, jabhado koonfurta wadanka kadagaalami jiray sanadkii 1977 jabuutti waxay heshay xornimadeedii ay muddo dheer usoo halgantay, waxaa jooga ciidamo faransiis ah oo gaaraya 2000 askari oo loogu talo galay in ay ka difaacaan Ethiopia oo damacsaneed in ay qabsato, waxaa madax wayne kanoqday marxuum Xasan Guuleed Abtidoon.oo looyaqaano aabihii umada jabuuti , raiisul wasaare ayu u magacaabay marxuum (Axmed diini Axmed) ,baarlamanka ayaa isagu ka kooban 61 kursi aw ka koobaadi yahaw madax waynaha , madax waynaha waxaa lasoo doortay 6 diisanbar mar xagga baarlamankana lagasoo doorto 5 tii sanoba mar. muddo kaddib waxaa bilaabmay is afgaranwaa dhinaca siyaasada ahaa madaama aw xisbi kalaatahay katalinaayay dalka waa RPP , Koox aw hogaaminayo Axmad diini Axmed ayaa kabilaabay dagaal jabhadayn ah waqooyiga dalka kadib markii la,isku af garan waayay siyaasadda 1991 ayay bilaabeen dagaalka , dowlada jabuutti ayaa dhineceeda kawaday wada hadal iyo is afgarad siyaasadeed waxayna ku guulaysatay sanadkii 1994. waa wadanka ugu yar geska africa waxa madaxwene ka ah ismacil cumar gelle
[Wax ka bedel] siiyaasada
wadanka jabuuti, waa wadan jamhuuriyad ah, waxoona leeyahay,Madaxtooyo iyo baarlamaan. waxaana madax ka ah, dad soomaaliyeed. madaxweeynaha wadanka jabuuti, hadda waxaa la dhahaa Ismaaciil Cumar Geelle, oo madaxweyne noqday 1999dii.
madaxweeynihii labaad Guuleed, waxoo codsiga shacabka reer jabuuti ka helay 100% waxaana codsaday 78.9% shacabka jamhuuriyadda jabuuti. baarlamaanka jabuuti waxoo leeyahay 65 xildhibaan, oo la doorto 5tii sano ilaa 9kii sano mar. jabuuti waxaa joogaan, militari ajnabi oo u badan frasiiska iyo mareykanka. oo halkaas ku leh xero militari.
[Wax ka bedel] shacabka
dadka jabuuti ku nool waa CIISE (AQLABIYADA) iyo canfar, waxaa u badan CIISAHA 00 ka badan 67% shacabka jabuuti oo dhan, dadka cafariga waa 31%, dadka kale oo ka yimaaday wadamada SOMAALIYA Yurubiyaanka iyo carabta iyo wadanka itoobiya neh wee joogaan.
[Wax ka bedel] luqada looga hadlo
wadanka jabuuti waxaa looga hadlaa Afka Faransiiska IYO CARABIGA oo ah luqada rasmiga ee dalka jabuuti.waxaana ku xiga luqada afka Soomaaliga iyo Afka Cafariga oo ah luqadaha labaad oo la aqoonsaday.Afka soomaaliga waxaa loo adeegsadaa, heesta calanka jabuuti iyo idaacadaha oo ku baxo sadaxda luqadood iyo af carabi iyo heesaha. waxeena soomaalida jabuuti(CIISAHA) IYO WIXII SO RAACA isku dayaan in ee ku hadlaan afka soomaaliga. Afka faransiiska waxaa loo adeegsadaa tabeelooyinka, elektrooniga iyo waxyaabaha caalamiga, waxaana badanaa wadooyinka looga hadlaa afka faransiiska.luqada afar waxaa loo adeegsadaa idaacadaha, heesaha iyo wixii la mid ah.cafariga jabuuti neh waxee isku dayaan in ee ku hadlaan Afka cafariga.Luqada afka cafariga waxaa looga hadlaa gobolka Cafar oo ku yaalo woqooyiga itoobiya.
[Wax ka bedel] Juquraafi
Jabuuti waxee ku taalaa bariga afrika, waxeena xuduud la leedahay, [[itoobiya,Ereteriya iyo Soomaaliya, iyo bada cas iyo gacanka cadmeed. weeninkeeda waa 23,200 km oo wareeg ah. jabuuti waxee xuduudka ugudheer la leedahay wadanka itoobiya oo dhirirkeeda yahay 349 km, waxaa ku xiga Ereteriya oo ah 109 km waxaa ku siixiga Soomaaliya oo ah 58 km. xeebta jabuuti dhirirkeeda waa 314 km.
[Wax ka bedel] Jawiga
jawiga Jabuuti waxoo u dhaxeeyaa 31 ilaa 45 garaado. waa wadan aad u kulul oo saxaaro leh.
[Wax ka bedel] Dhaqaale
jabuuti waa wadan yar oo ku yaalo jidka ganacsiga. waxee la shaqeesaa wadamada Caalamka dhinaca dhoofista alaabta iyo dhinaca shidaalka. dekada jabuuti waa dekad aad u camiran. alaabta itoobiya waxee uuga soo degtaan dekada jabuuti.
[Wax ka bedel] Milariga
wadanka jabuuti waxoo leeyahay ciidanka dhulka, ciidanka badda, iyo ciidanka cirka. Militariga jabuuti waxee gaarayaan, 16,763askari
- 8,260 waa niman
- 8,503 waa naago
[Wax ka bedel] Diinta laga caabudo
wadanka jabuuti 100kiiba 94 waa muslimiin. dad waxaa jiro inka yar 6% oo karishtaa ah.
| Wikimedia Commons waxee heysaa war la xiriiro |
| Dalalka Afrika | |
|---|---|
| Aljeeriya · Angola · Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika · Benin · Botswana · Burkina Faso · Burundi · Eratareya · Gaana · Gabon · Gambia · Guinea · Guinea-Bissau · Ikweetiga Guinea · Itoobiya · Jabuuti · Jad · Kab Ferde · Kamiruun · Kiinya · Komoros · Jamhuuriyadda Kongo · Jamhuuriyada Dimuqaraadiga Kongo · Koonfur Afrika · Lesotho · Liberia · Libiya · Maali · Madagaskar · Malaawi · Marooko · Masar · Mauritania · Mauritius · Musanbiig · Nambiya · Nayjar · Nayjeeriya · Ruwanda · Saambiya · Sao Tome iyo Prinsipe · Seyshelles · Sierra Leone · Simbaabwi · Sinigaal · Soomaaliya · Suudaan · Swasiland · Tansaaniya · Togo · Tunisiya · Xeebta Foolmaroodi · Yugandha | |