Af-Soomaali

Ka Wikipedia
U bood: gooshitaan, raadi
Somali
Af-Soomaali
اللغة الصومالية
Ku hadla Dad udhashay Somalia, Djibouti, kiinya itoobiya
Afkiisa hooyo Ku hadla 15 million  (2007)[1]
Luqadda kudhow
Hab qoraalka Latin (Rasmi), carabi, Farta Cismaaniya, Borama, kadariya
Heer caalami
Luqadda rasmiga ah ee  Somalia
Luqada astaamaheed
ISO 639-1 so
ISO 639-2 som
ISO 639-3 som
Somali map.jpg
Meelaha looga hadlo soomaaliga
{{{1}}}

Af- Somali waxa soo aas asay nin la dhihi jiray Sadik Ali Hashi

Far Soomaali.

Hordhac[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Soomaaligu waa mid ka mid ah afafka ugu muhiimsan Geeska Afrika, waana ka rasmi wadanmada [Soomaaliya] iyo Jabuuti,waxaa kaloo si wayn loogaga hadlaa qaybo ka mida Itoobiya iyo Kenya. Waxuu ka tirsan yahay afafka loo yaqaan [[Kusheetik] oo ah laan ka tirsan bahda luqadaha Afro-Aasiya.Kusheetikna wuxuu ka sii yahay Kusheetik Bari, waxaana ku hadla qiyaastii 15 milyan oo qof. oo ku nool waddamada Soomaaliya, Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya.

Qoristii Af Soomaaliga[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Af soomaaliga waxaa la qoray Sanadkii 1972-kii. Af soomaaliga waxa lagu qoraa xuruufta laatiinka ka dib 11 sano markii la magacaabay guddigii Af Soomaaliga sanadkii 1961. Dood dheer ka dib, guddigu wuu talo gafay. Dowladii Kacaanka ayaa dib boorka uga jaftay guddiga waxaana muddo 2 sano ah lagu hirgeliay qorista iyo barashada Af Soomaaliga.

18 nooc oo far Soomaali loo damacsanayaa ayaa waxaa soo bandhigay af yaqaano kala duwan. Guddigii Af Soomaaliga ee shaqaynayay 1961 ilaa 1972 ayaa doortay fartii afyaqaan Shire Jaamac Axmed taas oo horay uu ugu tijaabiyay buugaag, biirayaal bille ah sida "Iftiinka Aqoonta" iyada ay jireen tartan balaaran oo dhanka xaruufta Carabiga ah maadama Soomaalidu Quraanka ku barato Alif, Ba. Xaruufta Laatiinka waxaa loo door biday arimo dhaqaale, qalabkii wadanka yiil iyo asbaabo kale.

Olalihii Horumarinta Reer Miyiga iyo Qoristii Af Soomaaliga[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Olalihii Horumarinta Reer Miyiga ayaa lagu balaariyay tirada bulshada ee taqaan qorista iyo akhrinta Af Soomaaliga.

Barnaamijyo kumanaan saacadood oo ka baxay idaahadaha Radio Hargaisa iyo Radio Mogadishu iyo barayaal 20,000 (labaatan kun) oo ay ku jiraan ardaydii dugsiyada sare ayaa u howl galay in aqoonta aas aaska ee bulshada laga qaado 2% lana gaarsiiyay 55% mar ay UNESCO baaris ku samaysay isbadalka uu ummada gaarsiiyay Ole Olihii Horumarinta Reer Miyiga.

Wakaalada Madbacada Qaranka, Tiyaatarka, Wakaalada Filimida iyo wasaarado badan ayaa ka qayb qaatay barnaamijka qorista iyo horumarinta Af Soomaaliga. Bardera Polytechnic Languages Department

Lahjadaha Af Soomaaliga[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Lahjadaha Af Soomaaliga in kasta oo ay badanyihiin, hadana waxaa la yiraah, "Waxaa jira Maxaa Tiri iyo May." Afka Soomaaliga waxa loo qaybiyaa labo qaybood oo kala ah:

  • 1.af maxaa tiri.
  • 2.af maay

Maxaa Tiri waa af Halbeega Soomaaliyeed ee cilmiga iyo culuunta lagu barto ahna kan qoran lalaman barbardhigi karo Maay maxaa yeelay Maay waa lahjad sida Banaadiri, Baraawe, iyo lahjadaha kale ee eray amaahda ku badanyihiin. Lahjada Maay waxay sidaas uga mid tahay lahjadaha waxaa ku ha waxayna labadooduba leeyihiin afguriyo(lahjado) dhawr ah.

Af soomaaligu waa af ka kooban erayo,tiraab iyo hawraar soomali ah oo ay kol kolka qaarkood ku darsamaan erayo carabi ama ingriisi ahi. Af Soomaligu waa luqadda ugu fudud qoraal ahaan iyo codeynba hase ahaatee ku hadliddeedu way adagtahay, kolka la barbardhigo afafka uunka qaar ka mida.

Far Soomaali[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Qoriddii Af-soomaaliga waxa ka qayb qaatay Aqoonyahanno Soomaaliyeed oo aad u fara badan. Xarfaha higgaadda Af-soomaaligu waa Shaqal 5 xaraf ka kooban iyo Shibbane 21 xaraf ah.

Shibbane oo kala ah:

  • B T J X KH D R S SH DH C G F Q K L M N W H Y ama b t j x kh d r s sh dh c g f q k l m n w h y

Shaqal oo kala ah - Shaqal gaab:

  • A E I O U ama a e i o u

Shaqal dheer:

  • AA EE II OO UU ama aa ee ii oo uu

[2]

Afka Soomaaliga marka laga fiiriyo falalka waxay ku dhamaadaan, laakiin ayadoo loo eegayo amar ahaan waxa uu ku dhamaado ayaa waxaa suura gal ah in ayu dhamaadaan kuwo kale sida fal amar ah oo ku dhamaado "o" da waxaa lagu bedelayaa "A" waxaana la raacshaa "SHO". Tusaale: baxsasho(baxso), dhimo(dhimasho), seexo(seexasho), fadhiiso(fadhiisasho).

Si la mooda waxaa kale oo jiira falal ku dhamaada "N", kaa oo amar haan marka aan ka soo gano uu ku idlaado "Y" ama "I". Tusaale: xooji(xoojin), sii(siin), beer darey(beer dareyn). Waxaa laga reebaa kuwoo amar ahaan ku dhammaada "OOW", laakiin isu bedesho "AANSHO". Sida: jecloow(jeclaansho), ogoloow(ogolaansho).

Hadii la fiirayo, meelaha ugu fudud waa tirooyinka:

  • 1 Kow = Koowaad
  • 2 Labo = Labaad
  • 3 Saddex = Saddexaad
  • 4 Afar = Afaraad
  • 5 Shan = Shanaad
  • 6 Lix = Lixaad
  • 7 Todobo = Todobaad
  • 8 Sideed = Sideedaad
  • 9 Sagaal = Sagaalaad
  • 10 Toban = Tobanaad
  • 20 Labaatan = Labaatanaad
  • 30 Sodon = Sodonaad
  • 40 Afartan = Afartanaad
  • 50 Konton = Kontonaad
  • 60 Lexdan = Lexdanaad
  • 70 Todbaatan = Todbaatanaad
  • 80 Sideetan = Sideetanad
  • 90 Sagaashan = Sagaashanaad
  • 100 Boqol
  • 1000 Kun
  • 1000000 Milyan

Waxaa kale oo aan wax ka sheegi karna tilmaameyaasha. Ka soo qaad: kan (kaas), tan (taas), kuwan (kuwaas). Sidoo kale kama maaranno waxyaabaha aan albaab ahaan u balaqeyno (this is a pen) in aan u fasirno afkeena sidii la doono ayadoon ahayn(kan qalin waaye/kan waa qalin)

  • This = kan
  • Is = waaye/waa
  • Pen = qalin

Laakiin (my pen) sideen u isticmaali karaa ma(kan qalin)baa? Jawaabtu waa may ee waa lays daba mariyaa (qalin + kan)

  • Aniga - kayga (qalinkan (this pen) waa (is) kayga (mine))
  • Adiga - kaaga
  • Asiga - kiisa
  • Ayada - keeda
  • Anaga - keena
  • Idinka - kiina
  • Ayaga - kooda

Tirada Dadka ku hadla Af-Soomaaliga[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

  • Tirada dhabta ee dadka ku hadla Af-soomaaliga lama yaqaan, waxaase lagu qiyaasaa ilaa 19.65 Milyan oo qof kuwaas oo ku kala firarsan Caalamka, waxaana kaloo jira aragtiyo kale oo gaarsiiya ilaa 25 Milyan oo qof.


Français Af-Soomaali Italiano Carabi
terre dhulka terra ارض
ciel cirka cielo سماء
eau biyo acqua ماء
gens dad popolo الناس
garçon lab maschio ذكر
fille dhadig femmine الإناث
homme nin uomo رجل
femmes dumar donne نساء
manger cun mangiare أكل
je mange waan cunayaa io mangio أنا آكل
boire cab bevi شرب
je bois waan cabayaa io bevo أشرب
grand wayn grande عظيم
petit yar piccolo صغير
nuit habeen sera/notte ليل
jour maalin giorno يوم

Meelaha lagaga hadlo[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

iyo sidoo kale waddamada caalamka oo dhan, afka soomaaliga waxaa kale oo ku hadlo dad badan oo asal ahaan soomaali eheen, qaarkood weeba ku heesaan. somali - english - turkish aniga - I - ben adiga - you - sen asaga - he - o ayada - she - o anaga - we - biz adinka - you - siz ayaga - they - onlar. qaybaha falalka(ficilada) soomaaaliga: kuwo ku dhamaado ..-id,..-asho,..-aansho,..-n sida afka soomaaliga hadaan tusaalooyin ka bixino: fal dhacay (aniga

Sidoo kale fiiri[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Lahjadaha looga hadlo Soomaaliya

  1. Nationalencyklopedin "Världens 100 största språk 2007" The World's 100 Largest Languages in 2007
  2. hab qorka