Lufthansa Duulimaadkii 181

Ka Wikipedia
U bood: gooshitaan, raadi
86 qof oo kabadbaaday afduubkii 1977

Lufthansa Duulimaadkii 181 Waa shirkad duulimaad oo xarunteeda ku taalo magaalada koolen Cologne ee dalka Jarmalka. Lufthansa oo afka jarmalka lagu yiraa Luftensa waa diyaarad laga leeyahay dalk jarmalka, diyaaradaan waxa ay ka hawl gashaa magaalooyin dhowr ah oo ay ka midtahay Frankfurt, Barliin, Hamburg iyo Munikh.

Xarunta dhexe ee Lufthansa

Qoraalka gudaha oo kooban

Afduubkii Lufthansa Duulimaan N 181, 13/10/77 [Wax ka bedel]

Lufthansa Duulimaadkii 181 waxa ay ahayd Lufthansa Boeing 737-230 Adv aircraft oo lagu magacaabi jiray Landshut oo la afduubay 13 Oktober, 1977 jabhadda xuraynta falastiin

Sababta lagu sheegay in loo af duubay [Wax ka bedel]

Sababta aad looma oga ilaa iyo hadda sababo badan ayaa la sheegaa oo ay ugu horeeyso afduubayaasha waxa ay xiriir la lahaayeen koox qas wadayaal ah ee ka jirtay jarmalka galbeed oo shuuciyada sheegan jiray ee loo yaqaan RAF Rote Armee Fraktion, iyadoo la sheegay in nin madax ka ahaa oo laga xiray hadii aan la sii dayn ay dili doonaan dhamaan rakaabka saaran diyaarada.

Airbus A300

Meelaha ay ku soo hakatay ama istaagtay [Wax ka bedel]

Abbaarihii 11:00am qamiistii 13 oktober, 1977 Duulimaadkii LH181 Landshut, Boeing 733 ee ka socotay Palma de Mollorca kuna socotay Frankfurt oo ay saarnaayeen 86 basajeeri iyo 5 ka mid ah shaqaalaha diyaaradda diyaradda waxaa waday Jürgen Schumann, 30 daqiiqo kadib waxaa dhacay afduub, af duubayaashii waxa ay isku magacaabeen "Commando Martyr Halime" waxa ayna kala ahaayeen 2 falstiinyiin ah iyo 2 Lubnaan ah, waxa ayna usheegeen duuliyihii in uu aado Qubrus duuliyihii waxa uu ku andacooday in aanuu haysay shidaal ku filan kuna qasbanyahay in uu rooma ku dego. Roma shidaal bay ka qaadatay kadaibna waa ka duushay waxa ay tagtay Qubrus saacaddu marka ay ahayd 8:28PM Waxa ay ka sii duushay qubrus 10:50 pm waxa ayna ujihaysatay Bayruut, waxaa loo sheegay kadib bayruut in ay diiday kadibna Dimishiq, Bagdaad iyo Kuwayt. Waxa ay soo caga dhigatay Baxrayn 1.52 am Kaidbna dubeey waxa ayna halkaas joogtay 80 saacadood waxaa yimid Ciidanka sida gaarka ah utababaran ee loo yaqaan GSG 9, kadib markii lagu guul daraystay wada hadalka waxa ay uduushay Cadan 12:20 am 17 oktober, 1977 Cadan markii la yimid way diideen in ay soo degto diyaarada laakiin si kadis ah bay ugu dagatay xaalad degdeg ah, waxaana halkaas lagu dilay Jürgen Schumann. 6:00 am Waxa ay udhuushay Muqdisho waxa ayna soo caga dhigatay 6:20 Saacadda Muqdisho.

Imaashihii Garoonka Muqdisho [Wax ka bedel]

Lufthansa Duulimaad N181 Oktober 1977 waxa ay soo cagadhigatay garoonka muqdisho saacaddu marka ay ahayd 6:20am saacadda muqdisho. Soomaalia markaa waxa ay ku jirtaa dagaal abaabulkiisa oo ay rabto in ay ku qaado Etopia

Jarmlka galbeed waxa uu soo magacaabay nin wada hadal la fura somalia gaar ahaa Siyaad barre ninkaa oo lagu magacaabo

Jürgen Wischnewski

Waxaana howlgalka fulin doona GSG 9 oo ah ciidanka sida gaarka ah utababaran ee ka hortagga argagixasada oo gaaraya 30 askari oo uu madax u ahaa Ulrich Wegener.

Howl galkii GSG 9 [Wax ka bedel]

Ulrich Wegener waxa uu la kulmaya jeneral Maxamed siciid xirsi "Moorgan" oo ahaa xiligaas taliyaha ciidanka komandosta ah waxa uuna dalbaday in ay fuliyaan howl galka ciidan GSG 9 ah wada hadal dheer ka dib waxaa la isla gartay in ay ahaadeen ciidanka soomaalida caawiyeyaal oo kaliya waxaa la soo diyaariyey 200 askari kumandos waxaana la howl galay sidii lagu talo galay 5 kamid ah ciidanka GSG 9 ayaa diyaadada koray howlgal biloowday 2:00 am socdayna ilaa 4:00 Habeenimo waana la dilay dhamaantood. Maalmo kadib waxaa isdilay ninkii xukumay kooxdii jermalka ahayd Red Army Faction gaarigiisa ayaa laga dhax helay waxaa kale oo isdilay ayaa la sheegay ninkii lagu andacoonayey in la soo daayo oo isna ka tirsanaa kooxdaas.

Badbaadintii 86 Rakaab [Wax ka bedel]

Diyaaradii la afduubtay waagaas oo joogta Brasil qaabkiina laga badalay

Waxaa meeshaas lagu bad baadiyey 86 bassejeri ah iyo 4 kamid ah shaqaalihii diyaaradda waxaana meeshaas lagu dilay afduubayaashii dhamaan.

  • Waxaa soo xaadiray Garoonka diyaaradaha
  • Madaxwayne Maxamed Siyaad Barre
  • M Kuxigen Xuseen Kulmiye Afrax
  • Sareye Gas Maxmed Cali Samatar
  • Jeneral Maxamed Siciid Xirsi (MoorGan)
  • Gudoomiyaha Gobolka Banadir Yuusuf Ibraahim Cali (Abuuraas)

Xiriirkii Jarmalka Galbeed iyo soomaalia [Wax ka bedel]

Isku day inaad naga caawiso

Somali Airlines iyo xiriirkii Lufthansa [Wax ka bedel]