Sablaale

Ka Wikipedia
U bood: gooshitaan, raadi

Sablaale waa] degmo ka mid ah Gobolka Shabeelada Hoose. Waxaa ku nool oo degan qabaa'il kala duwan oo beeraley iyo xoolo dhaqato ah, qabaa'ilka degan waa: Tunni, Biimaal iyo Jiiddo. Sablaale waxey u dhowdahay magaalada Baraawe. Waxayna leedahay dhul beereed aad u wanaagsan,[1] Gobolka Shabeelaha Hoose wuxuu ahaan jirey gobolka 2aad ee ugu degmooyinka badan wadanka Soomaaliya marka laga reebo gobolka Banaadir oo asaga ah caasimada muqdisho Sablaae waxay ka koobneyd ka hor dagaaladii sokeeye 15 xaafadood, waxay leedahay dhul beereed aad u baaxad weyn oo waraab iyo beero cirka ahba leh, maxay kaloo hodan ku tahay xoolaha nool sida Lo,da iyo ariga, geelu badanaa kuma noola sida caadiga ah sablaale maadaama ay dhooboy tahay gosha iyo gendiguna ku badan tahay, laakiin bilaha janaayo ilaa maarso ayuu geela ugu faraha badani yimaadaa nawaaxiga sablaale sannad kasta oo daaq iyo biyaba usoo doontaa.

Degmada Sablaale waxaa deris la ah tuulooyin badan waxaana ka mid ah,Haawaay, deemaay, laabkaban,arbow heerow, Eerile, Mariinyigubaay iyo owdheegle.

  1. Sablaale News