Shabeellaha Hoose

Ka Wikipedia
U bood: gooshitaan, raadi
Shabeellaha Hoose
Shabellaha Hoose
Dhacdaa: 1°46′6″N, 44°23′24″E
Dalka  Soomaaliya
Caasimada Marka
Baaxadda
 • Guud ahaan 25,285 km2 (9,763 sq mi)
Tirada dadka (2007)
 • Guud ahaan 1 399 868
 • Tiro Badnaan 55.36/km2 (143.4/sq mi)
Saacad EAT (UTC+3)

Gobolka Shabeellaha Hoose (Carabi:شابيل السفلى, Ingiriis: Lower Shabelle, Talyaani: Basso Scebeli) wuxuu ku yaalaa koonfurta dalka Soomaaliya waxaana magaalo madax u ah Magaalada Marka, dhaqaalihiisa wuxuu ku tiirsanyahay beeraha, xoola iyo Kaluumeysiga. Gobolkaan waxa uu xaduud la yeeyahay gobolada kala ah Banaadir, Shabeellaha Dhexe, Bay, Jubadda Dhexe iyo Badweynta Hindiya. Waxaa mara Wabiga Shabeelle. Shabeellaha Hoose wuxuu gobol ahaa waagii hore1884 kadib talyaniga ayaa exbaadir ku daray

Dalxiiska[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Run ahaantii Gobolkaan wuxuu ka mid yahay gobolada ugu quruxda badan dalka Soomaaliya. sababtoo ah wuxuu leeyahay deegaaano aad u ballaaaran oo doog ah, sidoo kale waxaa ku yaalo beeraha waawayn ee loo yaqaano aseendooyinka kuwaasoo inta badan dacalka ku haaya webiga shabelle oo dhex mara gobolka, deegaannada ayaa ah kuwo aad usoo jiita dadka dalxiisayaasha ah. deegaannada dalxiiska ku wacan waxaan ka xusi karnaa Beeraha Afgooye taasoo isku xirta caasimada iyo xarunta gobolka ee Marka. Sidoo kale waxaa lagu yaqaan kaluumeysiga oo aay dadka aad uga helaan. woxoo leeyahy dhul aad u qurux badan iyo xeebo indhahaaga soo jiidanaayo.

Dhanka wax soosaarka[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

gobolka shabeellaha hoose waa gobolka ugu horeeya dalka Soomaaliya ee dhanka wax soo saarka beeraha. Gobolkani waxa uu RABBI ku manaystay khayraad fara badan oo isugu jira bad iyo barriba. waxaa ku yaalo beerah ugu badan dalka kuwaasoo laga soo saaro dalaga kala duwan ee laga isicmaalo inta badan wadankeenna. gobolka waxa uu caan ku yahay beeraha qudaarta, qudaarta ayaa ah miro u baahan biyo joogto ah oo lagu waraabiyo sidaasi daraadeed ayaa ILAAH waxa uu gobolkani ugu deeqay wabi biyihiisu qul qulaaan bilaha sanadka oo dhan taasna waxay sahashay in la abuurto beerahaas waqti kasto. qudaarta iyo noocyada kale ee fawaakihda ee gobolka kasoo baxdo waxaan ka xusi karnaa, yaanyada, basasha, barbarooniga, kabsar caleen, basbaaska, bocorka, iyo waxyaabaha kale ee la midka ah. sidoo kale dhanka fawaakihda ama qudaarta aan la karin ayuu gobolku caan ku yahay, sida Cambaha, Muuska,Isbaandheyska, Canabka. Babaayga, iyo Qaraha. waxaana xusid mudan in dalka dhaqaale xoog badan kasoo galo dhoofinta Moooska oo gobolkan kaliya laga soo saaaro intiisa badan. sidoo kale waxsoo saarka gobolkan waxaa ka mida, kheyraadka badda oo ah mid ka mida ilaha dhaqaale ee gobolkani caanka ku yahay. waxaa uu gobolkani leeyahay xeeb dheer oo kalummeysatadu ka jalaabtaaan.

Lahjadaha looga hadlo gobolka[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Gobolkaan waxaa looga hadlaa lahjado badan ku waasoo ku xiran qabiilada ay kasoo kala jeedaan. dadka meesha dagan. Lahjadaha looga hadlo waxaa ka mid ah afka maxaa tiri, af baraawe, maay maayga iyo afka marka iyo afaf kale oo yaryar waxaana kala dega qabaa,ilada kala ah Dir oo ugu badan sida biimaal dabruube sure tuni jiido garre oo wada Dir ah iyo digil iyo 12 koofi

Degmooyinka gobolka Shabeellaha Hoose waa 11

Golweyn,Janaale,Awdheegle,Mubaarak,Basra,Jeerow,Cabdi cali,Farxaani.

Moordiile,bariire,baladul amiin,Daarusalaam,Ugunji,jilib Marka,Gaaywarow.

Leego,yaaq bariweyne,warmaxan, Farsooleey ,Tortooroow, Dugule,Garasjeereed, Tugaareey.

Commons-logo.svg
Wikimedia Commons waxee heysaa war la xiriiro:
Gobolada Soomaaliya Flag of Somalia
Awdal | Bakool | Banaadir | Bari | Baay | Galguduud | Gedo | Hiiraan | Jubbada Dhexe | Jubbada Hoose | Mudug | Nugaal | Sanaag | Shabeellaha Dhexe | Shabeellaha Hoose | Sool | Togdheer | Woqooyi Galbeed