Marka

Ka Wikipedia
U bood: gooshitaan, raadi
Bartamaha magaalada Marka
Marka & Soomaaliya

Marka (Carabi: ماركا, Ingiriis: Merca, Talyaani: Merca) waa magaalo ku taala gabaldhaca magaalada Xamar ama loo yaqaan Muqdisho una jirto 90 km. Marka waa caasimadda gobolka Shabeellaha Hoose waxaana lagu yaqaan quruxdeeda iyo dhaqanka eey dadka degan haaystaan kaasoo aad uga duwan kuwa kale. Waxaa bariga ka jirta Badweynta Hindiya taasoo aad dalxiisa yaalka u jeclaa jireen waagii hore.

[Wax ka bedel] Taariikhda

Marka waxaa la aasaasay qarniga 5aad waxaana aasaasay qabiilka Biimaalka. Markii Talyaaniga uu imaaday dhax bartamihii qarniga 19aad uuna gumeeysi ku bilaaway, qabiiladda Biimaalka iyo Asharaafta ayaa la dagaaltami jiray dagaal kaasoo socday 20 sano iyo in ka badan. Dagaalkaas ayaa ahaa mid caan ah oo loo aqooni jiray Dagaalka Asharaafta iyo Biimaalka. Askar badan oo Talyaani ah ayaa lagu dilay laguna dhaawacay intii uu socday dagaalka. Sidoo kaleeto, dagaalyahan badan oo Soomaali ahna waa la dilay ku waasoo weli sanam yo xasuus ah eey ku yaalaan magaaladaasi.

Qabiilo badan ayaa daga magaalada Marka sida Tuni, Shiikhaal gendershe,Shaanshi,Jareerweyne, iyo Kuwa aadka looga yaqaan waxaa ka mid ah Asharaaf ta kuwaasoo Shariif yada magaalada ah iyo Biimaalka. Qabiilo kale waxaa ka mid ah duruqbo ay ka mıd yahay sheekha cali maye

ıyo  Raxweynta qeybeheeda kala duwan.

Waqtigii hore xataa markii uu dagaalka dhacay, magaalada nabadeedu weey fiicneeyd haddii loo fiiriyo caasimada laakiin hadda aad ayaa qatarta ugu badatay sababtoo ah waxaa galeen Al-Shabaab kuwaasoo sharciga dadka eey haystaan badalay kuna xukumaya kuwa diiddo in la dilo. Al-Shabaab waxeey wiilasha yar yar ku dhiirri geliyaan in aay iyagoo kale noqdaan oo aay jihaad sameeyaan.

[Wax ka bedel] Tacliinta

Dadka Marka jooga badanaa weey tacliin badanyahiin waxeeyna ka shaqeeystaan badda una dhoofaan wadamada Carabta sida Yemen si eey usoo iibiyaan badeecaadkooda kana soo iibsadaan kuwa kale. Badanaa waxeey yihiin Injineeryo iyo Macalimiin. Sidoo kale waxaa dadka Marka badanaa ka yimaado lagu yaqaan Qaalli iyo Ganacsada yaal. Dugsi tacliin iyo Quraan labado weey ku badanyihiin magaalada Marka waxaana caruurta lagu dheerri geliyaa inay tacliin tooda ka fikiraan si eey u caawiso mustaqbalkooda inkastoo uu hadda dowlad la'aanta eey ka tanbadisay waalidiinta meesha dagan ku waasoo dhib eey ku tahay in eey bixiyaan lacagta dugsiga ama jaamacadda.

Magaalada Marka

magaalaga marko waxey la kooban tahay sadex xaafadood 1 horseed 2 wadajir iyo 3 hoolwadaag xafadahaas waxaa hoos tag xaafado yar 1- horseed waxaa hoostag --- bulajaan buufow iyo lumabardi 2 wadajira waxaa hoostago ---- saraha beyturaas ceel bashiirow iyo awbale 3 hoolwadag waxaa hoostago----- rusia sheekh abroone absiiwo

sidoo kale magalda marko waxey leedahay hotelo caan ah dalxiis loogu imaadoi

sida hotel aaran - hotel salsabiil -- hotel madiina sido kale magaalad marko waxey leedahay maqaayado caan ah sida maqaayad jeylaan jiis iyo maqaayad awuukar cumar iyo maqaayad xsarmeyn sidoo kale magaalad marko waxey leedahay 2suuq mid wa suuqa waa cuneenaa waa cebeena ku yaalo horseed midna wa suuqa weyn magaalad marko sido kale magaalad marka waxey caan ku tahay kuluunka iyo muufada

[Wax ka bedel] Sidoo kale fiiri



Magaalooyinka Gobolka Shabeellaha Hoose Calanka Soomaaliya
Afgooye · Awdheegle · Baraawe · Kurtunwaarey · Marka · Qoryooley · Sablaale · Shalaanbood · Wanlaweyn
Degmooyinka Gobolka Shabeellaha Hoose Calanka Soomaaliya
Afgooye · Awdheegle · Baraawe · Kurtunwaarey · Marka · Qoriyooley · Sablaale · Wanlaweyn
Qalabkaaga
Xarun magaceedyada

Variants
Waxa dhacaayo
Gooshitaan
Qalabka shaqada
Luqadaha kale