Baraawe
Ka Wikipedia
Baraawe waa Degmo Ka Tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose. Xaqiiqdii way adag tahay sida looga faaloodo magaladan iyo dadka daganba. Waayo dadkan waykaduwanyihiin soomaalida inteeda badan xagga dhaqamadooda marka la,eego .
Baraawe waxaa dagan in kabadan 27 000 oo qofood intooda badan dadkan sida lasheego waa soo galooti barawaani loogu yeero oo waxey ku hadlaan af gooni ah. Afka barawaanida waxaa uu u dhow yahay afka sawaxiliga. Dadka barawanida ah waxey kala sheegtaan sawaaxili iyo bortoqiis. Sanado badan kadib is dhex galkooda bulshada Soomaliyeed aad buu u yar yahay dadkan.
Somalida intooda badan baa lagu sheegaa dad soogaloti ah haba lasoo kala horeeyee. Barawaanidu waxay ku dhagan yihiin dhaqamadii ay la imaadeen oo waa ka dhaqan kadisan yihiin Somalida inteeda kale. way yareyd is guursiga barawaanida iyo somalida laakiin xiliyadii dagalaada kadib xoogaa waxaa la arkay qaar boobay gabdhahooda oo ka guursada inkastoo aysan badneyn iyaguna way guursadeen somalida.
Barawe waxey u dhaxeysaa Marka iyo Kismaayo. Barawe waxey badda ka sareysaa qiyaastii 13. moh. Dadka magaladan dagan waxey isku heystaa shanta nicmo ee dunida ugu qaalisan.
- Jawiga magaladan oo ah mid u dhexeeya 25 / 35.
- Badda oo ay ka kalumeystaan ganacsigooduna ugu kala socdo.
- Waxay leeyihiin qaar xoolo dhaqato ah sida somalidu u badan tahay.
- waxey beertaan dhulka beerashada wacan koofurta Somalia.
- Biyaha oo ah kuwa ugu qaalisan Somalia.
Barawe waxey caan ku tahay ganacsiga sida kaluumeysiga iyo farsamada gacanta sida dharka alindiga iyo kabaha. Barawe waxaa ku yaal dhowr iskuul iyo dhowr dugsi quraan.