Alab arsalaan

Ka Wikipedia

Al-Suldaan Abuu Shujaac Muxamad Alab arsalaan bin Jagri bek wuxuu ahaa suldaankii labaad ee boqortooyada Salaajiqada, waana mid kamid ah hogaamiyaasha ugu muhiimsan Taariikhda islaamka, wuxuu ka taliyay laga bilaabo xuduudka shiinaha ilaa geyska fog ee shaam.

Bilaawgiisa[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Alab arsalaan magaciisa saxda ah waa Muxamad bin Jagri bek Daa'uud bin Miikaa'iil bin Suljuuq, waxa uu dhashay Muxarram 420H/20 Janaayo 1029, Aabihiis waa Jagri bek oo ka mid ahaa aasaasayaasha Salaajiqada walaalna la ahaa Dogrol bek Suldaanka Salaajiqada, wuxuuna mudo dheer ahaa talyaha Khuraasaan, markuu dhintay 451H waxaa booskiis badalay wiilkiis Alab arsalaan.

Jagri bek aabaha Alab arsalaan wuxuu dhintay 451H/1060, Alab Arsalaan ayaana beddelay booskiis guddoomiyaha Khuraasaan. Adeerkii Dogrol bek waxa uu dhintay 1063 wuxuuna ahaa badalkiisa inuu u magacaabay Suleymaan walaalka Alab Arslan. Arslan iyo adeerkiis Kutalmish labaduba waxay ku loolameen dhaxalkan kaas oo lagu xalliyay dagaalkii Damghan ee 1063. Arslan wuxuu ka adkaaday Kutalmish carshigii wuxuuna ku guuleystey 27 April 1064 inuu noqdo suldaankii Boqortooyada Seljuk