Astaan TV
| Dalka | Soomaaliya |
|---|---|
| Xarunta | Soomaaliya |
| Milkiyadda | Cabdimaanan Yuusuf |
| Afka (luqada) | Af-Soomaali |
Astaan TV waa hawlwadeenka nidaamka telefishinnada Soomaaliyeed oo leh talefishin dhijitaalka ah.[1] Waxay bixisaa kanaal badan, oo ay ku jiraan Star Plus, Cartoon Network, MTV, HBO, Star Movies, BBC World, Aljazeera, Ten Sports, AXN, Discovery Channel iyo CNN. Astaan TV waxa kale oo ay leedahay u gaar ah, Astaan Drama, Astaan Action, Astaan Ubad, Astaan Music, Astaan Sports, Astaan Hidaaya iyo Astaan Film, oo bixiya barnaamijyo kala duwan.[2][3]
Dulmar
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Astaan TV ayaa baahiyey barnaamijyo badan oo talefishin ah oo tayo sare leh, waa mid ka mid ah nidaamka telefishinada ugu caansan Soomaaliya.
Astaan Drama
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Astaan Drama waa kanaal ka baxa taxanah Turkiga iyo Hindiya oo ku baxa afka Soomaaliga.
Astaan Music
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Ku takhasusay baahinta heesaha iyo tartamada heesaha iyo sidoo kale muuqaallada muusiga. Astaan music sidoo kale waxay martigelisaa fannaaniinta bandhig faneedka.
Astaan Sports
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Waa kanaalka ciyaaraha oo si buuxda diiradda u saara kubbadda cagta, gaar ahaan kubbadda cagta Soomaaliya. Ciyaaraha ka dhaca garoonka Muqdisho Stadium iyo garoomada kale ayaa si joogta ah looga sii daayaa Astaan Sport.
Astaan Hidaaya
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Waa kanaal diineed islaami ah. Kanaalka wuxuu diiradda saarayaa gebi ahaanba arrimaha diinta.
Astaan Film
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Astaan Film waa kanaal caan ah oo ku takhasusay baahinta filimada Hollywood-ka iyo Bollywood-ka waana mid ka mid ah kanaalada fara ku tiriska ah ee Soomaalida ee soo tebiya filimada Hollywood-ka.
Taxanah iyo filimada Soomaalida
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Astaan ayaa sidoo kale soo saarta filimaan iyo taxana Soomaali ah, filimaanta inta badan waa sheeko gaaban oo bulshada guud ahaan ku saabsan. Taxane iyo filimaan labadaba waxaa lagu duubaa Soomaaliya, badan Muqdisho.
Taxane xusid mudan
Barnaamijyada telefishinka
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Astaan TV waxa uu leeyahay barnaamijyo badan oo dhamaantood ay soo diyaariyaan. Barnaamijyada ayaa ah majaajillo,caafimaad,waraysi dad caan ah iyo kuwo kale. Barnaamijka Marwo, waxa uu ku saabsan yahay haweenka Soomaaliyeed iyo doorka ay ku leeyihiin horumarka dalka iyo bulshada.
Xusid mudan
Heello; barnaamij muusiga
Qaraaxo; sanad walba barnaamij Ramadaanka.
Marwo; barnaamij haweenka