Astaanta Dawladda Puntland

Ka Wikipedia
Astaanta Dawladda Puntland
Habka

Astaanta Dawladda Puntland waa calaamada rasmiga ah ee ay isticmaasho Puntland, taasoo ku taalla Geeska afrika, balse caalamku wuxuu u aqoonsan yahay inay ka tirsan tahay Soomaaliya, tan iyo sannadkii 2009-kii.

Gaashaanka dhexda uga yaal calaamaddaan waxaa ku dheggan calanka Puntland oo ku taagan xagal 90° digrii ah. Qaybta sare ee gaashaanka oo uu ku xardhan yahay calanka Puntland, waxaa korkiisa ku dheggan taaj carbeed gidaar oo kale ah, Kaas oo ka turjumaya qaranimada. Gaashaanka waxaa haya laba faras oo midabkooda dabiiciga ah leh, labada faras waxay ay eegayaan xagga gudaha, lugaha dambe labo waran ayay ku kala taagan yihiin waxayna ku sugan yihiin meel farshaxan ah. Gunta gashaanka hoose waxaa ku yaal laba waran oo dhinacba u taagan, kuwaas oo ay farduhu ku taagan yihiin lugohooda dambe. Halka ay waramadu si safafaysan isugu yimaadaan, waxaa ku yaal laba caleemood oo geed timireed ah oo ay u kala taagan midig iyo bidix, una taagan nabadda. Duubka dahabka ah ee lagu laab laabay warmaha waxaa lagu arki karaa guntiisa hoose ee astaanta calaamadda waxaana loo isticmaalaa ujeedooyin farshaxameed qurxin ah.

Astaanta Puntland waxay aad moodaa inay u eg tahay ama laga misaalay Astaanta Qaranka ee Soomaaliya. Talaabadaan, Puntland waxay ku muujinaysaa inay isu aragto inay ka mid tahay midnimada jamhuuriyadeed ee ka kooban Soomaaliya, kaasoo ah haykalo kala madax bannaan.

Sidoo kale arag[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Lingaxyada dibadda[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Xigasho[wax ka badal | wax ka badal xogta]