Budunbuto

Ka Wikipedia

Budunbuto Waa tuulo ku taal Degmada Dangorayo waxa ay ku taal inta u dhaxaysa Tuulooyinka Baarweyn iyo Qarxis, waxayna Garoowe u jirtaa (120KM). Budunbuto Waa tuulo ku caan ah dhul caro san ah una bdan xoolo daaqiin waxaana ku yaala dooxooyin waaweyn oo waqtiga naqa ah aad u camirma degmadaan waxa ay biyaha ka hesha baraago badan oo ku yaal, Budunbuto waxaa asaastay marwadii madaxweynihii hore ee Soomaliya Adan Cabdule Cisman sanadii 1962,waana deegaanka taariikhi ah, kadibna waxaa degay dad kooban oo deegaanka Budunbuto kasoo jeeday, iyo dad kale oo hada intooda badani aysan ifka ku sugnayn. Dadkaas waxaa kamid ahaa Allaha unaxariistee: Abshir Cismaan, Faarax Cali Karood, Ilma Muuse Mataan, Maxamed Ciise Gurey, Axmed food iyo dad kaloo badan kuwaas oo halkaas berkedo ka dhistay. Deegaanka Budunbuto waa deegaan istiraatiiji ah kuna haboon falashada beeraha waxayna caan ku tahay caro san oo aad u jilicsan....Nugaal.