Cabdullaahi Caddoow

Ka Wikipedia
File:Cadow-pr2.gif
Cabdllahi Axmed Caddoow

Cabdullahi Axmed Caddoow waa siyaasi iyo diblomaasi rugcaddaa ah ee Soomaaliyeed. Wuxuu ku dhashay 15 Meey 1936, degmada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose ee Soomaaliya. Wuxuu mar ahaa wasiirkii maaliyada (1959-1965). Wuxuu kaloo ahaa danjiraha Soomaaliya ee u fadhiya dalka Maraykanka (1970-1980) hadana (1986-1988). Wuxuu kaloo ahaa wasiirka maaliyada Soomaaliya (1980-1988). Laba jeer ayuu u sharaxnaa xilka madaxweynenimada Soomaaliya, sanadkii 2000 markay socotay shirka dibuheshiisiinta Soomaaliyeed ee ka dhacday degmada Carta ee dalka Jabuuti iyo 2004 marka lagu qabtay dalka Kiiniya