Cabdulqaadir Axmed Ibraahim Xarago

Ka Wikipedia
Cabdulqaadir Axmed Ibraahim Xarago
Afhayeenka Dhaqanka Gobolka Bari Ahna Nabadoonka guud ee Beesha Reer Ugaas ee Dishiishe
Xilka2003
DhashayBoosaaso Woqooyi Bari Soomaaliya
Diinta Islaam (sunni)

Cabduqaaldir Axmed Ibraahim Xarago (Af Carabi : ar‎) loo yaqaan Nabadoon Xarago Wuxuu ka mid yahay Isimada Soomaaliyeed, waa Afhayeenka dhaqanka gobolka Bari. Nabadoon Xarago wuxuu caan ku yahay howlaha Nabdaynta Iyo xalinta khilaafaadka, wuxuuna qayb, xubin muhiim ah Iyo hogaamiye dhaqan ba ka ahaa Arrimo badan oo nabdayn ah laguna guulastay.

Waxqabadka[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Nabdoon Xarago wuxuu ku dhashay magaaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari. Nabadoonku wuxuu had iyo jeer u taaagan yahay arrimaha nabdaynta iyo islaaaxinta umadda Soomaaliyeed, Wuxuu ka qayb qaatay arrimo badan oo dhaqan Iyo Nabadayn ah meela badan oo Dalka gudihiisa ah. Iyadoo Dalku burbur ku jiray muddo dheer Nabadoonku wuxuu go'aansaday inuu umaddiisa u adeego, la isku hayo lagan shaqayo midnimada umada soomaaliyeed iyadoo loo maraaayo dhanka dhaqanka oo ah dhanka ugu muhiimsan marka ay timaado isku haynta, nabdaynta iyo adkaynta midnimada bulshada soomaaliyeed maadaama ay meesha ka baxday dowladii dhexe ee hawshaan hirgelin lahayd ama gacan ka gaystan.

Nabadoonku wuxuu waqtiyo kala duwan u tegay meelo kala duwan oo dalka gudihiisa Nabadaynta Ummada Soomaaliyeed iyo daminta khilaafaadyada ragaadiyay ummada soomaaliyeed.

Nabadoonku wuxuu safaro soo noqnoqday ku tegay Magaala madaxda dalka ee Muqdisho wuxuuna qayb ka ahaa shirar looga hadlayey Dib-u-heshiisiinta Ummada Soomaaliyeed oo qayb tood Dowladdu soo qaban qaabisay. Wuxuu shirar la qaatay qaybaha dhaqanka ee Halkaas.