Dishiishe

Ka Wikipedia
Jump to navigation Jump to search

Hordhac[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Dishiishe waa qabiil ka mid ah qabiilada Mooracase ee Daarood kana sii ah Harti. Qabiilkaan waxuu ku badanyahay woqooyiga gaar ahaan gobolada Bari & Sanaag, degaano ka mid ah dalalka Cumaan iyo Yemen. Beeshaani waxay leedahay Ugaastooyo soo jireen ah oo maamuli jirtay deegaanada beeshu degto, sidoo kale beeshaani waxay gundhig u tahay Horumarka dhaqaale, Ilbaxnimo iyo Amni ee ka hana qaaday gobolada Woqooyi Bari soomaaliya wixii ka dambeeyay Burburkii dowladii dhexe ee dalka, Waana beel bulshooyinka Soomaaliyeed ku soo dhoweysay deegaanadeeda oo ay ugu horayso Magaalada Boosaaso.

Daarood[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Daarood waa beel ka mid ah beelaha Soomaalida kuwaasi oo degan Geeska Afrika. Beesha Daarood waxaay degtaa wadanka Soomaaliya (gobolada dhexe iyo Gedo), wadanka Itoobiya iyo deegaano ka tirsan wadanka Kiinya. Guud ahaan, beesha Daarood waxaa ka farcama reero badan oo ka mid yihiin: Absame, Ogaadeen, Harti (Dhulbahante, Dishiishe, Majeerteen iyo Warsangali), Lailkase, Mareexaan iyo beelo kale.

Lahjadaha ay ku hadlaan daaroodku waa ay kala duwan yihiin oo iskuma dhowa, tusaale ahaan meesha ay kuwa dega Itoobiya lahjad gooni ah uga hadlaan kuwa dhinaca bari degana lahjad gaara ayay ku hadlaan, kuwa sanaag segana lahjad gaara ayaabay ku hadlaan. Asal ahaan odaygii Daarood ahaa waxa uu ku yimid Yaman Jabarti Ismaaciil isaga oo sheekh ah oo faafinaya diinta Islaamka gaar ahaana waxa uu ka soo degay meel u dhaw degmada Laasqoray ee gobolka Sanaag waxaa uu mudo diinta Islaamka ka faafinayey dhulka Bariga iyo Bartamaha Geeska Afrika. Daarood waxaa dhashay Doombiro Dir.