Harti

Ka Wikipedia
Jump to navigation Jump to search

Harti (, ), micnaheedu tahay "nin adag", waa magaca looyaqaano beel ka mid ah Daaroodka.[1] oo kala ah Axmed Harti Dishiishe, Maxamed Harti Majeerteen, Siciid Harti reer darawiish, Maxamuud Harti Warsangeli Iyo beelo kale

Sharaxaad

Harti waxaa lagu naaneysaa harti koombe, waxaana ka mid ah Beesha Darawiish, Majeerteen, Dishiishe iyo Warsangeliga. Jilibada oo Harti ah ee ugu weyn waa Biciidyahan (oo Majeerteen ah), Ugaadhyahan (oo reer darawiish ah), Siwaqroon (oo Majeerteen ah), Baharsame (oo reer darawiish ah), Wabeeneeye (oo majeerteen ah), Qayaad (oo reer daraawiish ah), Dubays (oo Warsangeli ah), Bah Nugal (oo reer darawish ah), Cismaan Maxamud (oo Majeerteen ah), Jama Siyad (oo reer daraawish ah), Cumar (oo Warsangeli ah), Reer Hagar (oo Reer Darawiish ah), Ogayslabe (oo Warsangeli ah), Cali Gheri (oo Reer Darwiish ah), Cawramale (oo Warsangeli ah), Hayaag (oo reer darawiish ah), Ciise Maxamud (oo Majeerteen ah), Ararsame (oo reer darwiish ah), Jibraahil (oo Majeerteen ah), Barkad (oo reer darawiish ah), Gumasoor (oo Majeerteen ah), Naleeye Axmed (oo reer daraawiish ah).[2]

Daarood

Calanka Dhulbahante

Daarood waa beel ka mid ah beelaha Soomaalida kuwaasi oo degan Geeska Afrika. Beesha Daarood waxaay degtaa wadanka Soomaaliya (gobolada dhexe iyo Gedo), wadanka Itoobiya iyo deegaano ka tirsan wadanka Kiinya. Guud ahaan, beesha Daarood waxaa ka farcama reero badan oo ka mid yihiin: Absame, Ogaadeen, Harti (Beesha Darawiish, Dishiishe, Majeerteen iyo Warsangali), Lailkase, Mareexaan iyo beelo kale.

Lahjadaha ay ku hadlaan daaroodku waa ay kala duwan yihiin oo iskuma dhowa, tusaale ahaan meesha ay kuwa dega Itoobiya lahjad gooni ah uga hadlaan kuwa dhinaca bari degana lahjad gaara ayay ku hadlaan, kuwa sanaag segana lahjad gaara ayaabay ku hadlaan. Asal ahaan odaygii Daarood ahaa waxa uu ku yimid Yaman Jabarti Ismaaciil isaga oo sheekh ah oo faafinaya diinta Islaamka gaar ahaana waxa uu ka soo degay meel u dhaw degmada Laasqoray ee gobolka Sanaag waxaa uu mudo diinta Islaamka ka faafinayey dhulka Bariga iyo Bartamaha Geeska Afrika. Daarood waxaa dhashay Doombiro Dir.

Sidoo kale fiiri

Tixraac

  1. Drake-Brockman, p.55.
  2. Nuur, A., AfQarshe, A. D., Fiqiburaale, D., & Jaamac, A. (2013). Fardo-Cavalli.
Commons-logo.svg
Wikimedia Commons waxee heysaa war la xiriiro: