Awrtable

Ka Wikipedia
Jump to navigation Jump to search
Awrtable أورتبلي
Meelaha ay ku badan yihiin
 Soomaaliya

 Itoobiya

Luqada

Soomaali iyo Carabi

Diinta

Islam (Sunni)

Dadka ay dhalyo wadagaan

Reer Darawiish, Mareexaan, Warsangali, Dishiishe, Majeerteen, Ogaadeen, kuwo kale oo Daarood, Beelaha Soomaalida

.Meesha ey degan Reer Muse Ibrahim (Awrtable)
Caryes Ciise Kaarshe, oo ah abwaan caan ah oo Soomaaliyeed oo caan ku ah gabayada "Hooyo waa lama huran" iyo "Wan iyo Waraabe" wuxuu ka soo jeedaa beesha Muuse Ibraahim ee Awrtable.
Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdi Yuusuf wuxuu sidoo kale ka soo jeedaa beesha Muuse Ibraahim ee Awrtable

Awrtable ama looyaqaana Beesha Yuusuf Darood, (Yuusuf bin Cabdirahman bin Ismaciil bin Ibrahiim al Jaberti, Af-Carabi: أورتبلي; sidoo kale loo qoro: Ortable, Aurtable or Owrtable)

Hordhac[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Awrtable ama Yuusuf Daarood waa beel Soomaaliyeed oo ka soo jeeda qabiilka Daarood. Dhul-dhaqameedkiisu wuxuu ka kooban yahay Mudug, Nugaal, iyo meelo ka mid ah Bari. Xubnaheeda waxay ka kooban yihiin qayb ka mid ah qoyska qabiilka Daarood, waxayna inta badan degan yihiin Puntland ee waqooyi-bari Soomaaliya.Waxaa sidoo kale laga heli karaa Soomaali Galbeed iyo Jubaland. (Qaybta cas ee khariidadu waa halka uu degan yahay Reer Muuse Ibraahim. Dhammaan meelaha kale ee Awrtable degan lama qorin)

Awrtable waxay ku yaalliin inta badan magaalooyinka Burtinle, Jalam, Xaarxaar, Meeraysane, Dogob, Garowe, Gacanfale, Godobjiraan, Godod, Roox, Eyl, Rabaable, Dhuusomareb (Samareeb), Bacadweyne, Jamaame, Afdheer, Shilaabo iyo Gaalkacyo.

Jifada ugu badan ee Awrtable waa Muuse Ibraahim. Daaroodka iyo Soomaalida kale, Awrtable waxaa loo arkaa mid ka mid ah qabiilooyinka ugu nabdoon Soomaaliya uguna aqoonta badan. Xilligii dagaalka ka hor, Awrtable wuxuu ka koobnaa inta badan dadka Daarood ee deggan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Qaabdhismeedka Reeraha Beesha (Ma dhameysna)[wax ka badal | wax ka badal xogta]

  • Darod
    • Awrtable (Yusuf Darod)
      • Reer Muse Ibraahim
        • Reer Guled Muse
          • Reer Bidaar
        • Reer Sugaal Muse
            • Reer Salah Sugaal
              • Reer Fiqi-Idiris
                • Reer Axmed Fiqi-Idiris
                  • Reer Maxamad Axmad
                    • Reer Shucayb
                    • Reer Hussien Maxamad (Jirac)
                    • Reer Isaaq
                  • Reer Xaji Ciise
                  • Reer Maxamuud-Weyne
                  • Reer Maxamuud-Yare
                  • Reer Cali Madoobe
                  • Reer Cusman
                • Reer Hassan Fiqi-Idiris
                • Reer Maxamed Fiqi-Idiris
                • Reer Cusman Fiqi-Idiris
                • Reer Cabdulle Fiqi-Idiris
                • Reer Cali Fiqi-Idiris
      • Jamac Ibraahim
      • Geedi Ibraahim
      • Maxamed Ibraahim
      • Guled Ibraahim

Dadka Caanka ah ee Awrtable (Yuusuf Daarood)[wax ka badal | wax ka badal xogta]

  • Maxamed Axmed Cabdulle waa suldaanka hadda jira ee Awrtable[1]
  • Gelle Mohamed Kanee waa ugaaskii hore. Wuxuu aasaasay magaalada Buurtinle.
  • Ugaas Cumar Ugaas Geele Ugaas Mohamed waa ugaaska Beesha Yuusuf Darood. Oo ah Wiilka Ugaas Gelle Ugaas Maxamed Ugaas Kaneec
  • Xaaji Diiriye Xirsi wuxuu ahaa xubintii aasaaska ururkii dhalinyarada Soomaaliyeed iyo asaasay nidaamka wax barashada Soomaaliyeed[2]
  • Maxamed Maxamuud Gaani waa borofisar ku takhasusay caafimaadka xoolaha, wuxuuna hore u soo noqday madaxa Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.
  • Cabdi Yuusuf wuxuu ahaa qofkii ugu horreeyay ee Soomaali ah ee la dilo intii uu socday kacdoonkii Dhagaxtur ee lagaga soo horjeeday gumaysigii Talyaaniga 1943.
  • Cabdi Asis Nuur Xersi waa wasiirkii hore ee Shaqada iyo Isboortiga sanadihii 1970-1977.
  • C / Raxmaan Nuur Xersi waa wasiirkii hore ee maaliyada Soomaaliya iyo gudoomiye ku xigeenka Bangiga Qaranka Carabta.


Tixraac[wax ka badal | wax ka badal xogta]

[3] [4]

Tixraac[wax ka badal | wax ka badal xogta]

  1. (PDF). Ururka Guud ee Odayaha Soomaaliyeed http://doorashada2016.so/wp-content/uploads/2016/09/Liiska-Oday-Dhaqanka-ee-Saxiixan-135_SOMALI.pdf.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  2. www.dierklange.de http://www.dierklange.de/horn-of-africa/haji-dirie-hirsi.html. Soo qaatay 2021-04-15.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  3. Gilkes. Patrick. September 1994. The Price of Peace: Somalia and the United Nations 1991-1994. Bedfordshire, UK: Save the Children Fund, UK.
  4. Samatar, Said (1987). ISBN 9780865315556.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
Commons-logo.svg
Wikimedia Commons waxee heysaa war la xiriiro: