Degoodi

Ka Wikipedia
Jump to navigation Jump to search
Degoodi
Meelaha ay ku badan yihiin
 Kiinya
Luqada

Af-Soomaali

Diinta

Sunni Islam, Suufi

Dadka ay dhalyo wadagaan

Abgaal, Habargidir iyo beelo kale Hawiye

Dagoodi (Af-Ingiriis: Dagodi; Af-Carabi: دغودي) waa beel ka mid ah Beelweynta Gardheere Samaale[1] ee dadka Soomaalida, kuwaasi oo deegaan ku ah wadanka Soomaaliya, Kiinya iyo Itoobiya.[2]

Hordhac

Beesha Degoodiya waxay ka tirsan tahay beelweynta Saransoor Gardheere Samaale ee laga helo deegaano badan oo ka tirsan Geeska Afrika.[3] Ilma Saransoor waa afar oo kala ah: Gaaljecel Saransoor, Dagoodiye Saransoor, Ciise Saransoor iyo Masarre Saransoor.[4]

Shaxda Beesha

  • Gardheere Samaale[5]
    • Degoodiya
    • Gaaljecel
    • Masarre
    • Ciise
    • Cowrmale

Samaale

Samaale, waa aabaha faraca koox beelo waaweyn oo ka tirsan Soomaalida. Beelahaasi waxaa ka mid ah Dirta, Hawiyeha, Gardheere, Meyle, Ajuuraanka kuwaasi oo dhamaantood laga helo deegaano badan oo ka tirsan Geeska Afrika.[6] Intaas waxaa dheer, beelaha Samaale waxay si rasmi ah u degaan Soomaaliya, Itoobiya . Sidoo kale waxaa tiro fiican degan tahay gobolka NFD ee wadanka Kiinya.

Sidoo kale fiiri

Tixraac

  1. Somali clans, Cali Jimcaale Axmed, 2001
  2. Somalia at the Crossroads. Adonis & Abbey. 2007. pp. 10. https://books.google.co.uk/books?id=CXUwAQAAIAAJ. 
  3. Chapin Metz, ed., Helen. "Somalia: A Country Study". The Federal Research Division of the Library of Congress. Retrieved 18 June 2016. 
  4. https://xmilsom.files.wordpress.com/2015/03/soomaalya-saxsaxxx115-cover.pdf Waxaa qoray: xuseen Axmed Salaad
  5. https://xmilsom.files.wordpress.com/2015/03/soomaalya-saxsaxxx115-cover.pdf Waxaa qoray: xuseen Axmed Salaad
  6. Chapin Metz, ed., Helen. "Somalia: A Country Study". The Federal Research Division of the Library of Congress. Retrieved 18 June 2016. 
Commons-logo.svg
Wikimedia Commons waxee heysaa war la xiriiro: