Samaale
| Meelaha ay ku badan yihiin | |||||||||
|---|---|---|---|---|---|---|---|---|---|
|
| |||||||||
| Luqada | |||||||||
|
Af-Soomaali iyo Af-Carabi | |||||||||
| Diinta | |||||||||
| Dadka ay dhalyo wadagaan | |||||||||
Samaale (Af Ingiriis : Samale; Af Carabi: سأملي) sidoo kale loo qoro: Samaal, Samaali, waa beelo dhowr ah oo ka tirsan dadka Soomaalida, kuwaasi oo deegaan ku ah wadanka Soomaaliya, Kiinya iyo Itoobiya.[1] Samaale waxaa la aaminsan yahay inuu yahay meesha uu ka yimid magaca Soomaali.
Hordhac
Samaale, waa aabaha faraca koox beelo waaweyn oo ka tirsan Soomaalida. Beelahaasi waxaa ka mid ah Dirta, Hawiyeha, Gardheere, Meyle, Maqarre, Ajuuraanka, Yahabur, Hubeer, Gariife, Hammarre, Harire, iyo Karuur; kuwaasi oo dhamaantood laga helo deegaano badan oo ka tirsan Geeska Afrika.[2] Intaas waxaa dheer, beelaha Samaale waxay si rasmi ah u degaan Soomaaliya, Itoobiya . Sidoo kale waxaa tiro fiican degan tahay gobolka NFD ee wadanka Kiinya.
Beelaha
Sida lagu sheegay buugaag taariikhi ah, Bahweynta Samaale waa labo meelood dadka Soomaalida, waxayna salka ku hayaan sagaal oday oo uu dhalay Samaale, kuwaasi oo kala ah:
Dir
Dir, magaca saxda ah: Abukar waa beelweyn ka tirsan qabiilada Soomaalida taasi oo juquraafi ahaan degta afar wadan oo ku yaala Geeska Afrika. Beesha Dir waxaa laga helaa dhamaan deegaanada Shanta Soomaaliyeed kuwaasi oo kala ah: Djibouti(ahaan jirtey: French Somaliland(1)), Soomaaliya(ahaan jirtey: British Somaliland(2) iyo Italian Somaliland(3)), wadanka Kenya, Gobolka Waqooyi Bari(4) iyo dalka Itoobiya, deegaanka Soomaali Galbeed, iyo sidoo kale Deegaanada Oromia iyo deegaanka Canfarta(5).[6][7][8][9]
Hawiye
Hawiye (Af Carabi: بنو هوية) waa beel ka mida qabiilada Soomaalida, kuwaasi oo ku dhaqan deegaano ka tirsan wadanka Soomaaliya, Itoobiya, iyo Kiinya. Sida lagu xusay taariikhda, beesha Hawiye waxay walaalo yihiin Beesha Dir iyagoo ku wada abtirsada odayga Irir Samaale. Hawiye ayaa kow[10][11] ama laba[12][13] kaga jira badnaanta tirada qabiilooyinka soomaalida, waxay degaan caasimada Muqdisho[14].
Gardheere
Gardheere Samaale (waa curadka Samaale). Waxaa ka farcamay oo uu dhalay Garjante Gardheere, Riyale Garjante, Mataan Riyaale, oo isna dhalay Saransoor Mataan. Ilma Saransoor waa afar oo kala ah: Gaaljecel Saransoor, Dagoodiye Saransoor, Ciise Saransoor iyo Masarre Saransoor.[15]
Sidoo kale fiiri
Tixraac
- ↑ Somalia at the Crossroads. Adonis & Abbey. 2007. p. 10.
- ↑ Chapin Metz, ed., Helen. "Somalia: A Country Study". The Federal Research Division of the Library of Congress. Retrieved 18 June 2016.
{{cite web}}:|last1=has generic name (help) - ↑ Ahmed, Ali Jimale (1995-01-01). The Invention of Somalia (in Ingiriisi). The Red Sea Press. p. 131. ISBN 9780932415998.
- ↑ Ahmed, Ali Jimale (1995-01-01). The Invention of Somalia (in Ingiriisi). The Red Sea Press. p. 122. ISBN 9780932415998.
- ↑ Ahmed, Ali Jimale (1995-01-01). The Invention of Somalia (in Ingiriisi). The Red Sea Press. p. 130. ISBN 9780932415998.
- ↑ http://dspace-roma3.caspur.it/bitstream/2307/4150/1/Clanship,%20conflict%20and%20refugees_An%20introduction%20to%20Somalis%20in%20the%20Horn%20of%20Africa.pdf Archived Oktoobar 13, 2016 // Wayback Machine CLANSHIP, CONFLICT AND REFUGEES: AN INTRODUCTION TO SOMALIS IN THE HORN OF AFRICA Guido Ambroso Page 6
- ↑ Garre live in Southern Somalia, North Eastern Kenya and Southern Ethiopia. In Southern Somalia, they live in Kofur near Mogadishu and El Wak District in Gedo Province. In Ethiopia, they live in Moyale, Hudet and Woreda of Liban zone. In Kenya, the Garre inhabit Wajir North and Moyale. UNDP paper http://www.undp.org/content/dam/kenya/docs/Amani%20Papers/AP_Volume1_n2_May2010.pdf Archived May 17, 2018 // Wayback Machine
- ↑ Hayward, R. J.; Lewis, I. M. (2005-08-17). Voice and Power (in Ingiriisi). Routledge. p. 242. ISBN 9781135751753.
- ↑ The Quranyo section of the Garre claim descent from Dirr, who are born of the Irrir Samal. UNDP Paper in Keyna http://www.undp.org/content/dam/kenya/docs/Amani%20Papers/AP_Volume1_n2_May2010.pdf Archived May 17, 2018 // Wayback Machine
- ↑ http://www.lib.utexas.edu/maps/africa/somalia_ethnic_grps_2002.jpg
- ↑ https://web.archive.org/web/20160818134833/https://www.hrw.org/reports/1990/WR90/AFRICA.BOU-09.htm. Archived from the original on 2016-08-18. Retrieved 2016-10-29.
{{cite web}}: Missing or empty|title=(help); Unknown parameter|ciwaan=ignored (help); Unknown parameter|dead-url=ignored (|url-status=suggested) (help) - ↑ https://web.archive.org/web/20051112233808/http://www.dnd.ca/somalia/vol1/v1c11e.htm. Archived from the original on 2005-11-12. Retrieved 2016-10-29.
{{cite web}}: Missing or empty|title=(help); Unknown parameter|ciwaan=ignored (help); Unknown parameter|dead-url=ignored (|url-status=suggested) (help) - ↑ https://web.archive.org/web/20110716081350/http://www.asylumlaw.org/docs/somalia/ind01b_somalia_ca.pdf. Archived from the original (PDF) on 2011-07-16. Retrieved 2016-10-29.
{{cite web}}: Missing or empty|title=(help); Unknown parameter|ciwaan=ignored (help); Unknown parameter|dead-url=ignored (|url-status=suggested) (help) - ↑ http://news.bbc.co.uk/2/hi/africa/6483427.stm
- ↑ https://xmilsom.files.wordpress.com/2015/03/soomaalya-saxsaxxx115-cover.pdf Waxaa qoray: xuseen Axmed Salaad
| Wikimedia Commons waxee heysaa war la xiriiro: |
