Daarood

Ka Wikipedia
Diiriye Guure, Suldaanka Dhulbahante iyo Darawiish
Daarood
دارود
Meelaha ay ku badan yihiin
 Soomaaliya,

 Itoobiya,  Kenya,

Luqada

Soomaali

Diinta

Sunni Islam, Suufi, Ghair Muqallidiinta, Jama'atul Muslimin

Dadka ay dhalyo wadagaan

Dir, Hawiye, Isaaq, Raxanweyn iyo qabiilo Soomaali kale

beelaha darod

Daarood (Af Ingiriis : Darod; Af Carabi : ar‎) waa beel ka mid ah beelaha Soomaalida kuwaasi oo degan Geeska Afrika. Beesha Daarood waxaay degtaa wadanka Soomaaliya , Jubaland Galmudug iyo Puntland wadanka Itoobiya iyo deegaano ka tirsan wadanka Kiinya. Guud ahaan, beesha Daarood waxaa ka farcama reero badan oo ka mid ah Mareexaan: Absame, Harti (Warsangeli, reer-Darawiish, Dishiishe iyo Majeerteen) Abdi Koombe(Jambeel,Waleenbo Cabdi, Garwayne) Lailkase iyo beelo kale.

Daaroodku Wuxuu ku hadlaa lahjad isku mid ah waase jiri karaan waxyaabo yar yar oo lagu kala gedisnaan karo taas oo intii hadba isku deegaanii ay ereyada qaybtood isku si u adeegsadaan'ama ugu dhawaaqaan.

Hordhac

Asal ahaan shacabka Daarood waxay ka yimaadeen Dawlada Jabarta. Ismaaciil Jabarti wuxuu ahaa amir horseed iyo hogaamiye oo faafiyey diinta Islaamka gaar ahaana waxa uu ka soo degay meel u dhaw degmada Laasqoray ee gobolka Sanaag waxaa uu mudo diinta Islaamka ka faafinayey dhulka Bariga iyo Bartamaha Geeska Afrika. Daarood waxaa dhashay Doombiro Dir.

Muuqaalo

Haylaan
Qabriga oday Daarood

Odaygii ay ka soo tafiirmeen beesha Daarood wuxuu ku aasan yahay magaalo la yidhaahdo Haylaan, taasi oo 35 km u jirta magaalada Badhan ee waqooyi-bari gobolka Sanaag, Soomaaliya.

Sidoo kale fiiri

Tixraac

Wikimedia Commons waxee heysaa war la xiriiro: