Absame

Ka Wikipedia
Jump to navigation Jump to search
Absame
Meelaha ay ku badan yihiin
 Soomaaliya
 Itoobiya
 Kiinya
Luqada

Af-Soomaali

Diinta

Islaam (Sunni, Suufi)

Dadka ay dhalyo wadagaan

Beelaha Daarood, iyo Beelaha Soomaalida

Absame waa qabiil ka tirsan beelaha Daaroodka, ee Dadka Soomaalida. Absamuhu waa magaca guud ee beelo ka farcama Daaroodka. Kuwaasi waxaa ka mid ah Beesha Ogaadeen taasi oo deegaan ku ah wadanka Soomaaliya (gaar ahaan koonfur), Itoobiya (meelo ka mid ah deegaanka Ogaden) iyo wadanka Kiinya.[1]

Hordhac

Beesha Absame waxay ka mid tahay qabiilada ugu waaweyn dadka Soomaalida.[2] Intaasi waxaa dheer, Absamuhu wuxuu deegaan ku yahay magaalooyin badan oo ku yaala koonfurta Soomaaliya, gaar ahaan deegaanada Jubooyinka.[3]

Ogaadeenka

Ogaadeenku waa qabiil ka tirsan beelaha Daaroodka, ee Dadka Soomaalida. Ogaadeenku waxay deegaan ku yihiin wadanka Soomaaliya (gaar ahaan koonfur), Itoobiya (meelo ka mid ah deegaanka Ogaden) iyo wadanka Kiinya.[4]

Daarood

Daarood waa beel ka mid ah beelaha Soomaalida kuwaasi oo degan Geeska Afrika. Beesha Daarood waxaay degtaa wadanka Soomaaliya (gobolada dhexe iyo Gedo), wadanka Itoobiya iyo deegaano ka tirsan wadanka Kiinya. Guud ahaan, beesha Daarood waxaa ka farcama reero badan oo ka mid yihiin: Absame, Ogaadeen, Harti (Dhulbahante, Majeerteen iyo Warsangali), Dishiishe, Lailkase, Mareexaan iyo beelo kale.

Lahjadaha ay ku hadlaan daaroodku waa ay kala duwan yihiin oo iskuma dhowa, tusaale ahaan meesha ay kuwa dega Itoobiya lahjad gooni ah uga hadlaan kuwa dhinaca bari degana lahjad gaara ayay ku hadlaan, kuwa sanaag segana lahjad gaara ayaabay ku hadlaan. Asal ahaan odaygii Daarood ahaa waxa uu ku yimid Yaman Jabarti Ismaaciil isaga oo sheekh ah oo faafinaya diinta Islaamka gaar ahaana waxa uu ka soo degay meel u dhaw degmada Laasqoray ee gobolka Sanaag waxaa uu mudo diinta Islaamka ka faafinayey dhulka Bariga iyo Bartamaha Geeska Afrika. Daarood waxaa dhashay Doombiro Dir.

Sidoo kale fiiri

Tixraac

Commons-logo.svg
Wikimedia Commons waxee heysaa war la xiriiro: