Jump to content

Mooracase

Ka Wikipedia
Mooracase
مورأاسي
Meelaha ay ku badan yihiin
Wanlaweyn waa magaalo qadiimi ah oo taariikh dheer leh. Waa degmo ay wada degaan Soomaalida oo dhan, hase yeeshee asal ahaan degmada waxaa degan Shanta Caalimood, oo u kala baxaan shan beelood:

1. Hubeer 2. Barbaare 3. Jambaluul 4. Erdho 5. Hiifmuge

Beelahaas waxay degaan magaalada iyo tuulooyinka ku xeeran degmada. Guddoomiyaha degmada wuxuu ka tirsan yahay beesha Erdho, oo ah beesha ugu badan ee dega magaalada gudaheed. Degmada Wanlaweyn waxay hoos timaadaa 597 tuulo, waxaana ay caan ku tahay ganacsiga xoolaha iyo dhaqashadeeda.

Dadku waa dad ku fiican dhaqashada xoolaha iyo beeraha, waxayna dhaqdaan geela, lo'da, iyo ariga. Wanlaweyn waxay sidoo kale caan ku tahay wax soo saarka beeraha, iyadoo degmo barwaaqo ah oo nabadeed ah.

Sidoo kale, dadka deegaanka waa xoolo-dhaqato, waxaana ay si weyn ugu mashquulsan yihiin wax soo saarka beerahooda. Degmada Wanlaweyn waa mid ka mid ah degmooyinka ugu horeeya ee hoos yimaada gobolka Shabeelaha Hoose.

Wanlaweyn waxaa ku yaal saldhigga milatari ee Belidoogle, oo ay ku sugan yihiin ciidanka gaarka u tababaran ee Soomaaliya iyo tababarayaal Mareykan ah. Wanlaweyn sidoo kale waa magaalo Soomaali u ilbaxsan, oo ka tirsan maamulka Koofur Galbeed ee Soomaaliya.

 Yemen
 Cumaan
Luqada

Af-Soomaali & Af-Carabi

Diinta

Islam Sunni

Dadka ay dhalyo wadagaan

Reer Darawiish, Majeerteen, Meheri, Warsangali, Ogaadeen, Yemeni iyo reero kale oo Daarood ah.

Mooracase (Af Ingiriis : Morase, Af Carabi : ar‎), Ahmed Harti Amaleh Abdi Muhammad Abdirahman Jaberti; sidoo kale loo qoro Moorasse, Moor'ase, Mourase waa qabiil ka tirsan beelaha Daaroodka ee Dadka Soomaalida. kuwaasi oo deegaan ku ah wadamadda Soomaaliya, Cumaan iyo Yemen. Beelweynta Mooracase waxaa ka farcama dhamaan qabiilada Axmed Hartiga ee kala ah: Gabtaanle, Tiinle, Maganlabe, Iyo Dishiishe.[1][2]

Geed Harti

Daarood waa beel ka mid ah beelaha Soomaalida kuwaasi oo degan Geeska Afrika. Beesha Daarood waxaay degtaa wadanka Soomaaliya (gobolada dhexe iyo Gedo), wadanka Itoobiya iyo deegaano ka tirsan wadanka Kiinya. Guud ahaan, beesha Daarood waxaa ka farcama reero badan oo ka mid yihiin: Absame, Ogaadeen, Harti (reer Darawiish, Dishiishe, Majeerteen, Mooracase iyo Warsangali), Lailkase, Mareexaan iyo beelo kale.

Lahjadaha ay ku hadlaan daaroodku waa ay kala duwan yihiin oo iskuma dhowa, tusaale ahaan meesha ay kuwa dega Itoobiya lahjad gooni ah uga hadlaan kuwa dhinaca bari degana lahjad gaara ayay ku hadlaan, kuwa sanaag segana lahjad gaara ayaabay ku hadlaan. Asal ahaan odaygii Daarood ahaa waxa uu ku yimid Yaman Jabarti Ismaaciil isaga oo sheekh ah oo faafinaya diinta Islaamka gaar ahaana waxa uu ka soo degay meel u dhaw degmada Laasqoray ee gobolka Sanaag waxaa uu mudo diinta Islaamka ka faafinayey dhulka Bariga iyo Bartamaha Geeska Afrika. Daarood waxaa dhashay Doombiro Dir.

  1. http://allsbc.com/guddiga-qaban-qaabada-shirweynaha-beesha-axmed-harti-ee-uk-oo-london-kulan-ku-yeeshay/ Archived Luuliyo ama Luulyo 1, 2020 // Wayback Machine
  2. "Nuqul Archive". Waxaa laga kaydiyay the original 2020-07-19. Soo qaatay 2020-07-19.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin)