Dagaalkii Dunida Kowaad
Dagaalkani wuxu bilaabmay sanadkii 1914 wuxuuna dhamaaday sanadkii 1918kii, marka Versailles lago saxiixey heshiis nabadgelyo. Dagaalkani wuxu dhex maray dawladdo badan ay ka mid yihiin: maraykanka oo sanakii u dambeeyay ku soo biiray dagaalka, Ingriiska, Faransiiska, Jarmalka, Dawlada Cosmaniya, Ruushka, iyo dawlada kale oo aad ubadan. Dagaalkan waxaa lagu jabiyey, lagaag adkaaday, dawladaha jarmalka iyo cusmaaniyiinta. way sii socotaa qore; Abdalle bile ahmed

Dagaalkii 1aad ee dunida
Wuxuu ka bilowday dagaalkan magaalada sarayevo caasimada dalka bosnia 28 june 1914 waxaana sabab u ah wiil xag jir ah oo Serbian ah uu toogtay dhaxal sugihii dalka austri arshiidiq fransis Ferdinand iyo xaaskiisi.
Balse asbaabtu taa wey ka weyneyd waxaana lagu soo kooba asbaabta oo ee dhabta ah ee keentay dagaalkii koowaad ee dunida tobodo qodob
1- Dagaalkii ka dhacay yurub ka dhacay todobaatameeyadii qarningii 19aad oo looga guuleystay dalka faransiiska waxey fransa qorsheyneysa mudo dheer iney mar uun aar gudato iyadoo laga heystay dhul baaxad weyn, sidoo kale waxey ka baqeysay inuu mar 2aad kuso rogaal celin doono jermal oo horey uga adkaaday
2- Dowladaha waaweyn oo ku loolamayay dalalka ey gumeystaan iyadoo uu jarmalku dareemayay in laga sad badsaday taaso mar naba aan u cuntamin, iyadoo dhaqaalaha jarmalku uu baahna dhul cusub uu qeyraadkiisa gurto hadana waxaa sadkiisa qaatay wadamada fransiiska iyo ingiriiska
3- Khilaafka dhanka xuduuda badda ah ingiriiska ayaana ahaa awooda ugu weyn dunida dhanka ciidamada badda iyadoo ciidamada badeedu ey joogeen dhamaan daafaha dunida oo inteeda badan ey gumeysaneysay balse jarmalka ayaa isna bilaabay inuu xoojiyo ciidamadiisa bada sanadii 1989 waxaase libinta uga dambeeyay ingiriiska markii uu sameeyay markabkii dagaal ee abid dunida ugu weynaa ee la oran jiray dreadnought kaaso la soo saaray sanadii 1906
4- Loolan dhanka xuduudaha oo u dhaxeeyay ruushka iyo jarmalka iyo austari waxey ruushku iyo jarmalku isku heysteen sidii ey u kalaqeybsan lahayeen dhulka Poland hada loo yaqaano halka austari iyo jarmalku iyo ruushkuba ey isku heysteen gobolka lagu magaacabo jalesia
5- Loolan dhanka wadamada la isku yiraahdo balkens kuwaaso ka go aydowladii cusmaaniyiinta sanadii 1908 ayey austari qabsatay wadanka bosnia iyadoo ku goodisay iney qabsaneyso Serbia
6- Xulufeysa balaaran oo bilowday waxey u kala qeybsanayeen triple alliance oo ey ka mid ahaayeen wadamada jarmalka austri iyo hungry halka kooxda kalena eyaheyd triple entente waxaana isugu yimid france ingiriiska iyo ruushka .
7- Wadamada xooga badan oo sameystay ciidamo aad u xoog badan waxaana aad isku hubeeyay wadamada ruushka iyo jarmalka si ey u qaataan qeybo ka mid ah wadama balkaniska .
Hadaba maxaa keenay in dagaalkan loogu yeero dagaalkii koowaad ee dunida
Dagaalkan oo dhacay inta u dhexeysay 28 june 1914 ilaa 11 nov 1918 ayaa waxey kasbatay in loogu yeero magaca caalami
Iyadoo u dagaalka socday 51 bilood oo aan kala go’ laheyn
Waxaa ka qeyb qaatay 28 dowladood 24 ka mid ah ey ahayeen dhinaca xulufada halka 4 ka mid ahna ey ahayeen dhinacii jarmalka
93% dadka dunida ku nool ayaa si toos ah iyo si aan toos aheyn uga qeyb qaatay dagaalkan
Dagaalkan ayaa ka wada dhacay 3 qaaradood oo kala ah yurub Africa iyo asia
Yurub waxa uu ka dhacay balconska talyaaniga iyo daanta galbeed iyo tan bari ee qarada yurub
Asia wuxuu ka dhacay wadamada masar falastiin ciraaq dardanil iyo dhulka loo yaqaano qooqaaz
Afrikana wuxuu ka dhacay galbeedka Africa
Halka pasicific oo ka dhacay jasiirado uu gumeysan jiray jarmalku
Waxey aheyd dagaalkii ugu horeeyay ee la iska weeraro dhulka cirka iyo bada
Waxaa la isku adeegsaday hubkii ugu casrisanaa waqtigaa
Iyadoo la isku adeegsaday gaas sumeysan sidoo kale waxaa la isku adeegsaday dhufeysyada daahsoon iyo telgraphka oo ka qeyb qaatay is gaarsiinta ciidmada ku kala sugnaa meelo kala duwan
Ciidamada ka qeyb qaatay
Xulufadu waxuu dhamaa ciidamdooda 42 188 000 waxey ahaayeen 65 %
Halka mixwarkana ay ahayeen 2 850 000 oo ah 35 %
Marka la isku daro wadarta ciidamada ka qeyb qaatana waxey noqonayaan 65 038 000
Waxaa khasaarada lagu qiyaasay xulafada waxaa ka dhintay 22 104 000
Ciidamada mixwanka waxaa ku naf waayay 15 404 000
Halka guu ahaana ey tahay 37 508 000
Dhanka dhaqaalaha waxaa ku baxay 10 milyaan oo doolar saacad walba
Lacagaha tooska ah ee agabka dagaalka waxaa ku baxay 186 bilyan oo doolar
Halka qasaaraha dadweyne uu gaaray 151 bilyan ooo dolar
Marka la siku darana uu garayo qasaaraha 337 bilyan oo doolar
Maxamed Cabdiweli Yuusuf (Otaange)