Jump to content

Dagaalkii jaaldiiraan

Ka Wikipedia

Dagaalkii jaaldiiraan (Afka carabiga; معركة جالديران), waa dagaal dhacay 23 Agoosto 1514, wuxuuna dhex maray dawlada cusmaaniyiinta oo hogaminaayay suldaan saliim iyo safawiyiinta oo shaah ismaaciil hogaaminaayay, waxa oona ku dhamaaday guusha cusmaaniyiinta iyo inay qabsadeen tibriiz caasimada safawiyiinta.

Hordhac[wax ka badal | wax ka badal xogta]

markii ay Safawiyiinta qabteen xukunka iiraan oona ka taqalusayn dawladii Aaq qooyonloo wuxuu iclaamiyay hogaamihaood Shaah ismaaciil in dawladiisu tahay mid shiico ah wuxuuna u la dhaqmay ahlu sunada qaab xun, dhib badan ayuu gaarsiiyay masaajidood buu la wareegay culumadoodna wuu laayay wuxuu gubay kutubadood, Sanadkii 1508 markii uu qabsaday Baqdaad wuxuu dumiyay qubuurta culamada sunniga wuxuuna ka geystay xasuuq aad u ba'an. Dhanka kale waxaa carshiga cusmaaniyiinta fuulay 1512 Suldaan Saliim waxa uuna ahaa mid indhaha ku haaya qatarta safawiyiinta ka imaan karto, waxaa si is daba joog ah u soo gaareesay cabshada suniyiinta iyo baaqa culamada ee ahaa ka hortagida safawiyiinta.

Saliim oo u arkay in waajib ka saaran yahay difaacida sunada ayaa wuxuu go'aansaday inuu ku duulo Safawiyiinta, gaar ahaan markuu helay fatwada shiiqul islaam oo baneeneesa dhiiga safawiyiinta, wuxuu hishiisyo nabadeed la saxiixday dawladaha reer galbeedka sida Hangari iyo Bunduqiya.

Saliim waxaa walwal galiyay gudaha dawladiisa oo ku noolaayeen tiro aad u badan oo Calawiyiin ah kuwaas oo taageero u ahaay Safawiyiinta Mar walbana qalalaaso ka geysan karay dawalada, sidaas darteed talaabtii koowaad uu qaaday waxey ahayd inuu amar ku bixiyay in la dilo cid kasta oo calaaqo la leh safawiyiinta waxaa la dilay 40kun.

Shaah ismaaciil iyo Saliim waxey u Kala degdegeen inay xiriir la yeeshaan Mamaliikta Masar, balse Mamaaliikta waxey qaateen inay dhex dhexaad ka noqdaan

Dagaalka[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Natiijada ka dhalatay[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Xigasho[wax ka badal | wax ka badal xogta]