Dagaalkii xoraynta ogaden

Ka Wikipedia
Xorayntii Soomaali Galbeed
Qayb ka tirsan Dagaalkii Qaboobaa

Taankiyeda Ciidamada Soomaalida iyo kuwa lugta ayaa utilaabay Dhulka Soomaali Galbeed EE loo yaqaan Ogaadeenya.
Taariikhda Luulyo 13, 1977 – Maarso 15, 1978
(8 bil, 2 maalmo)
Goobta Soomaali Galbeed
Natiijada
Wada dagaalamay
Ethiopia
 Cuba
 South Yemen
 Soviet Union
Soomaaliya Soomaaliya
WSLF
Hogaanka iyo saraakiisha
Mengistu Haile Mariam[2]
Aberra Haile Mariam[3]
Midowga Sofiyet Vasily Petrov[4]
Kuuba Arnaldo Ochoa[5]
Soomaaliya Siyaad Barre
Soomaaliya Abaan duuliye Cali Matan Xaashi
Soomaaliya Jen Maxamed Cali Samatar
Awooda
Billowga Dagaalka:
47,000 ciidan guud ahaan
ka horjeeday Soomaalida:
4 guuto ciidanka Lugta (1 farsamo)
2 Guuto taankiyo ah
2 guuto madaafiicda goobta
3 guuto ciidan dalaayadaha[6]
Dib:
75,000 ciidanka joogtada ah 1980[7]
1,500 Midowgii Soofiyeet
18,000 Kuuba[8]
2,000 Yamanta Koonfureed
Billowga dagaalka:
35,000 ciidan ah
23 oo isugu jira Qalab iyo gaadiid farsamo
9 guuto taankiyo ah
9 guuto madaafiicda goobta
4 guuto ciidan cirka[6]
Dhamaadka dagaalka:
Ciidanka Qaranka Soomaaliya 63,200[9]
WSLF 15,000
Khasaarada iyo dhaawaca
Itoobiya:
6,133 laga dilay[10]
10,563 la dhaawacay[10]
6,000 laqabtay ama lawaayey (waliba dheeraad ah 1,362 cararay)[10][11]
Kuuba:
400 laga dilay[11]
Yamanta Koonfureed:
100 laga dilay[11]
Ruushka:
33 dhintay lana waayey[12]
Gaadiid qasaaray:
23 Diyaarad[10]
139 Taankiyo ah[10]
108 Baabuurta Ciidanka qaada[10]
1,399 Gaadiid kala duwan[10]
6,453 laga dilay[10]
2,409 la dhaawacay[10]
275 laqabtay ama lawaayey[10]
Gaadiid qasaaray:
28 Diyaarad[10] (1/2 ee diyaaradaha ciidanka cirka)
72 taankiyo ah[10]
30 Baabuurta ciidanka qaada[10]
90 Gaadiid[10]

Dagaalkii xoraynta Soomaali Galbeed waxa uu ahaa dagaal dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya. Kaasoo u jeedada dagaalku u bilaabmay ay ahayd, khilaaf kataagnaa gobolka soomaalida ee Itoobiya amaba Ogaden ee Soomaalida u taqaan Soomaali Galbeed. kadib markii ay fashilmeen dhamaan wada hadaladii siyaasadeed ee ku saabsanaa arinta gobolka Ogaden ayaa ciidamada Soomaaliya waxa ay weerar ku qaadeen wadanka Itoobiya.

Dagaalkii

Todobaadkii ugu horeeyayba waxa ciidamada Soomaaliya u suurto gashay in ay gacanta ku dhigaan badhtamaha iyo koonfurta gobolka Soomaali Galbeed.

Intii dagaalku socday waxa ay ciidamada Soomaaliya marba marka ka danbaysa kasoo hooynayeen guulo aad u balaaran waxa ay ciidamada Soomaaliya daba socdeen oo dabada kaga jireen ciidamada itoobiya ilaa ay la gaareen goobta looyaqaano Sidamo.

Markii la gaadhay Sibtembar sanadkii 1977 ciidamada Soomaaliya waxa ay gacanta ku dhigeen dhamaan gobolka Galbeed waxa kale oo ay qabsadeen goobo iyo magaalooyin muhima oo kabaxsan gobolka.

Kadib markii ciidamada soomaaliya ay go'doon galiyeen magaalda Harar waxa dagaalka soogalay oo itoobiya isisoo garabtaagay wadankii la odhan jiray Midowga Sofiyet.

Sofiyeedku waxa uu taakulo dhanwalba leh siiyay ciidamada iyo dawlada Itoobiya, waxa kale oo uu sofiyeedku ugu deeqay itoobiya inkabadan 18,000 oo askari oo kayimi wadanka kuuba, taaso oo keentaya in ciidamadii Soomaaliya dib loosoo jabiyo laguna qasbo in ay kabaxaan gobolka ogaden.

Ciidankii Xooga dalka: 35,000. wuxuuna kala ahaa:

23 guuto oo infantari ah.
9 guuto oo Taangiyo ah.
9 guuto oo Madaafiic ah
4 guuto oo ciidamada cirka ah.

Ciidamadii cirka Soomaaliya: Guud ahaan diyaaradaha Soomaaliya waxay ahaayeen 52 Diyaaradood, 24 ka mid ahina ay ahaayeen MiG21s. waxyaabaha saacidayay Soomaaliya. Ciidamadu aad ayay akhlaaqdooda iyo tababarkoodu u sarreeyey. sidoo kale mooraalkoodaa aad u sarreeyey. Qalab ku filan ayay haysteen. Ciidankii xooga dalku wuxuu aad uga dhisnaa dhinaca guutooyinka Madaafiicda, madaafiicduna waxay ahayd hubka ugu muhiimsan ee ay wax ku weerarayeen. Quwadaha kale ee Soomaaliya waxa ka mid ahaa ciidamadii kumaandooska ahaa ee birigaydhka, kuwaasoo loo tabo baray qaab aan cidina hor istaagi karin.

Meelaha ay daciifka ka ahayd Soomaaliya. Ciidamda soomaalidu aad ayay uga yaraayeen ciidamada is bahaysigii kasoo horjeeday. halka askari ee soomaaliga ah waxa kusoo beegmayay 12.5 askari oo xabashi ah. Midowgii soviet-ka oo mudo dheer xuluufo la ahaa Soomaaliya, soona tababaray ciidamada xooga dalka iyo saraakiisheenaba, markan wuu inagaso horjeedaa, wuxuuna yaqaanaa dhamaan xeeladaha dagaal iyo meelaha aynu ka jilicsannahayba. sidoo kale waxa dhib ahaa hagaajinta iyo spare u helida hubka iyo qalabka soomaalidu wadatay maadaama ruushkii sameeyeyba aynu is hayno. qoriga rasaastiisu go'do iyo wixii xumaadaba halkaas ayaa lagaga tagayaa loomana helayo spare. Dagaalkan Soomaaliya cid kula socotay ama gaashaan buur la ahayd ma jirin. Maraykanka oo aynu markaaas islahayn xuluufo ka dhigtana madaxweynahoodii xiligaas ayaa diiday oo yidhi waxay nala tahay inaysan Soomaaliya xaq u lahayn inay weerarto Ethiopia. dowladihii kale ee jeclaa inay Soomaaliya garab istaagaana waxay ka cabsanayeen Maraykan ama Ruush, sidaas daraadeed waxay go'aansadeen inay iska aamusaan.

Saraakiishii Ciidamada Xooga dalka Soomaaliya.

Taliyaha guud ee ciidanka Xooga dalka: General Maxamed siyaad barre Abaan duulaha Ciidamada xooga dalka Soomaaliya:

Generaal cumar xaaji Masaala.

Xeeladaha iyo qorshaynta ciidanka:

Generaal Mohamed Cali Samatar.

Taliyaha Ciidamda cirka:

General Cali Mataan Xaashi.

Dawladihii ka qaybqaatay

Cidii isdilaysay

Soomaaliya

Itoobiya

Kaqaybgalayaasha

Midowga Sofiyet

kuuba

Yamanta Koonfureed

Dhimashada labada dhinaca

Dawladaha Dhimashada Dhaawaca Maxaabiista
(1982)
Wadarta
Itoobiya 17,000 25,000 6,000 48,740
Soomaaliya[13] 5,500 2,409 270 7,979
kuuba[Gurmad 1] 400 0 0 400
Yamanta Koonfureed[Gurmad 2] 100 0 0 100
Midowga Sofiyet[Gurmad 3] 33 0 0 33
Wadarta guud 57,252 Ciidan
  1. Waxay ahaayeen ciidamo gurmad ahaan ugu yimid itoobiya.
  2. Waxay ahaayeen ciidamo gurmad ahaan ugu yimid itoobiya.
  3. Waxay ahaayeen saraakiishii ciidanka hogaaminaysay.
Dhulka lagu dagaalamaya
  • Barta buluuga ah : Waa meeshii la isku haystay

Xigasho

  1. Richard Crockat, The fifty years war: the United States and the Soviet Union in World Politics, p. 283
  2. Gebru Tareke, "The Ethiopia-Somalia War of 1977 Revisited," International Journal of African Historical Studies, 2000 (33), p. 648.
  3. Gebru Tareke, "Ethiopia-Somalia War," p. 645.
  4. Payton, Gary D. (November–December 1979). "Nuqul Archive". Air University Review. Waxaa laga kaydiyay the original 2007-11-23. Soo qaatay 2008-02-10.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin)
  5. Gebru Tareke, "Ethiopia-Somalia War," p. 656.
  6. 6.0 6.1 Gebru Tareke, "The Ethiopia-Somalia War", p. 638.
  7. Fred Halliday, Maxine Molyneux, "Ethiopia's Revolution from Above" in MERIP Reports, No. 106, Horn of Africa: The Coming Storm. (Jun., 1982), p. 14.
  8. Cite error: Invalid <ref> tag; no text was provided for refs named EthSom656
  9. Gebru Tareke, "Ethiopia-Somalia War," p. 640.
  10. 10.00 10.01 10.02 10.03 10.04 10.05 10.06 10.07 10.08 10.09 10.10 10.11 10.12 10.13 Gebru Tareke, "Ethiopia-Somalia War," p. 665.
  11. 11.0 11.1 11.2 Gebru Tareke, "Ethiopia-Somalia War," p. 664.
  12. Krivosheev, G.F. "Nuqul Archive". Soldat.ru. La keydiyay asal ahaan 2008-01-29. Soo qaatay 2008-02-01.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin)
  13. Gen Maxamed Cali Samatar, "Dagaalkii xoraynta Soomaali galbeed," BBC Laanta Afka Soomaaliga, 22 Disembar, 2009, 17:37 GMT; 20:37 SGA.