Denzel Washington

Ka Wikipedia
U bood: gooshitaan, raadi
Denzel Washington
Denzel Washington.jpeg
Mudane Washington sanadkii 2000
Dhalasho Denzel Hayes Washington, Jr.
(1954-12-28) Diseembar 28, 1954 (Wuxuu jiraa 62)
Mount Vernon, New York, Maraykanka
Heerka Aqoonta Fordham University
Shaqada Atoore, filim sameeye
Sanadaha Shaqada 1974 ilaa hada
Xaasaska Pauletta Pearson (ilaa 1983)
Ilmaha 4

Denzel Hayes Washington, Jr. (dhashay Disembar 28, 1954) waa atoore, filimsameeye Maraykan ah. Xirfada jilitaankiisa oo sareeysa darteed ayaa Mudane Denzel wuxuu ku guuleystay labo jeer abaal-marinta Golden Globe, Abaalmarinta Tony,[1] iyo labo jeer oo ah abaalmarinta Academy Awards: mid ahaan wuxuu ugu guuleystay atooraha labaad ee ugu fiicnaa filimka Glory (1989) iyo atooraha koowaad ee ugu fiicnaa filimka khiyaanada iyo dagaalka badan ee lagu magacaabo Training Day (2001).[2]

Mudadii uu atooraha Mudane Washington wuxuu muteeystay abaalmarin badan iyo amaan heer sareeysa kuwaasi oo la xidhiidha shaqadiisa filim jilitaanka ah. Filimaanta aadka loogu amaano atoorahan waxaa ka mid ah: filimka ku saabsan midab-soocii Koonfur Afrika kaasi oo uu matalayo nin la odhan jirey Steve Biko oo ka mid ahaa dhaqdhaqaaqa xoriyad doonka; filimkaasi waa Cry Freedom (1987), filimka kale ee uu matalayo taariikhdii Malcolm X oo isla magacaasi wata Malcolm X (1992 film), filimka uu yahay feedhyahanka Rubin "Hurricane" Carter oo lagu magacaabo The Hurricane (1999 film), tababare kubada cagta Remember the Titans (2000), gabayaa iyo aqoonyahan The Great Debaters (2007), iyo khamarjiga daroogiistaha ahaa ee Frank Lucas oo uu ka matalay filim lagu magacaabo American Gangster (film 2007).

Tixraac[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

  1. "Five Ways Denzel Can Achieve His EGOT Dream". Newsfeed.time.com. June 14, 2010. Retrieved 2011-08-14. 
  2. (April 4, 2002). "Halle Berry, Denzel Washington get historic wins at Oscars. Jet magazine. Digital version retrieved March 17, 2008. Archived Nofeembar 8, 2011 // Wayback Machine