Dhig

Ka Wikipedia
Iskuwareega goobada dunida oo muujineysa xaariijimaha loolasha iyo dhigaha.

Dhig (Af Ingiriis : longitude; ) oo wadarteedu tahay Dhigo waa nidaamka isku-xidhka xaglaha siman cabirka juquraafiga oogada dhulka. Xaglaha dhigaha waxaa lagu cabiraa degree.

Xariijimaha dhiguhu waxay ka yimaadaan cidhifka waqooyi ilaa cidhifka koonfureed, waxaana ka mid ah xariijinta Prime Meridian taas oo dhex marta Royal Observatory, Greenwich ee dalka Ingiriiska; midaas oo laga dhigay Dhigta Eber degree ee ay ka bilaabmaan dhiguhu. Sidoo kale dhigtan waa tan soonaha saacada aduunka saldhiga u ah.

Dhigaha meelaha kala duwan ee dunida waxaa lagu cabiraa xagasha bari iyo xagasha galbeed eey Prime Meridianka u jiraan, ayadoo la isticmaalayo in dhigta Prime Meridianku tahay 0° ilaa laga gaadhayo dhigta +180° xaga bari iyo dhigta −180° ee dhanka galbeed.

Halbeega Dhigaha[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Degree

Isticmaalka Dhigaha[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Sharaxaada Amerigo Vespucci ee xaglaha dhigaha.

Dhigaha iyo loolasha waxaa loo isticmaalaa in lagu calaamadeeyo bar ama meel oogada dhulka ka mid ah.

Tusaale ahaan, barta ay dhacdo magaalada Muqdisho waa Loolka 02°02′W (waqooyi) iyo dhigta 45°21′B (bari).

Sidoo Kale Fiiri[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Tixraac[wax ka badal | wax ka badal xogta]