Dhiig Yari (aneemiyo)

Ka Wikipedia
Unugyada dhiiga cas oo xanuunsan

Dhiig Yari (Af Ingiriis : AnemiaAf Carabi : ar‎) waa erey kasoo jeeda giriig oo u dhigma dhiig li'i, waa xaalad dhacda markii dhiigu ku yaraado jirka, dhiiga oo yaraada ayaa keenta in jirku si fiican u gudan waayo hawshiisii, waxaa yaraanay uksijiinka gaaray jirka taasoo ay ka dhalato daal iyo madax xanuun, iyo awood yari indhaha ah iyo dansanaan jirka ah,  waxaa keena dhiig yarida sadex arimood oo kala ah 

  1. dhiig yari ka timid dhiig la shubay ama dhaawac u dhamaaday.
  2. khalkhal gala qalabka dhiig soo saarka jirka.
  3. iyo in googo' uu ku dhoco unugyada dhiiga iyadoo aysan gaarin waqtigii ay dhiman lahaayeen
    Dhiig yari waa tirada unugyada dhiigga cas-cas oo ka yar sidii caadiga ahayd.

Tilmaan[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Unugyada dhiigga cas-cas waxay ogisjiinta u xanbaaraan qaybaha jidhka oo dhan.  Marka ay tirada unugyada dhiigga cas-cas yar yihiin, ogsijiin yar ayaa soo gasha qaybaha jidhka.  Tani waxay qofka ka yeeli kartaa mid dareema in uu daallan yahay oo daciif yahay.

Waxyaabaha keena aneemiyada[wax ka badal | wax ka badal xogta]

• Dhibaatooyin ka yimaada sida feerada ama birta iyo cuntooyinka kale uu jidhku u isticmaalo • In aan la cunin cunto ay feeradu ku badan tahay • Dhiig ka yimaada afka, hunguriga, caloosha ama xiidmaha • Dhiig ka yimaada hoosta haweeneyda ama dhiig bax badan oo caadada ka yimaada • Dhallaanka ka yar hal sano ee cabba caanaha lo’da ama caanaha ariga • Dhallaanka lagu quudiyo caano boore aan lahayn feero ama bir dheeraad ah.

Tilmaamaha lagu garto[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Haddii aad qabto wax calaamadahaan ka mid ah, takhtarkaaga la xiriir. • Daciif ama daal dareensan tahay • Maqaarkaaga, faruuryaha, cirridka, indhaha dhinacyadooda, ciddiyaha ama calaacalaha gacmuhu midab beelaan. • Indhaha oo ku madoobaado ama mugdo noqdo markaa istaagto • War-wareer ama miyir beelid • Neefsashada oo kugu gaabata ama feedho xanuun • Wadnaha oo si deg deg ah u garaacma • Dhallaanka iyo carruurta oo si gaabisa u kora

Daryeelkaaga[wax ka badal | wax ka badal xogta]

• Takhtarkaagu wuxuu baari doonaa si uu u ogaado sababaha dhiig yarida kuu keenay iyo in uu qorsheeyo daaweyntaada.  Daaweyntaada waxaa ku jiri kara: • Cunidda cuntooyin caafimaad leh oo ay ka mid yihiin furuto, khudrad, rooti, waxyaabaha caanaha laga sameeyo, hilib iyo kalluun.  In aad cunto cuntooyin feeradu ku badan tahay sida khudradda caleenta ah, hilibka guduudan, looska iyo digirta.  Takhtarkaagu waxaa laga yaabaa in uu doonayo in uu la kulmo cunto qore si laguugu qorsheeyo cuntooyin caafimaad leh. • In aad qaadato feero kordhiye. • Cabidda 6-8 koob oo cabitaanno ah maalin walba. • In lagu siiyo dhiig ku shubid si loo beddelo feerada iyo dhiigga kaa lumay haddii dhiig-yari siyaado ah ku hayso. Isla markiiba aad takhtarkaaga haddii aad: • War-wareereysid markaad istaagto • Ay neefsashadu kugu gaaban tahay ama cadaadis feeraha aaddareemayso.

Tixraac[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Lifaaq banaanka ah[wax ka badal | wax ka badal xogta]