Garanuug

Ka Wikipedia
Garanuug
Gerenuk dhidig
Xaalad xanaaneed
Kala soocida cilmiga ah
Boqortooyo: Animalia
Faylam: Chordate
Gacalka: Naasley
Dirka: Artiodactyla
Bahka: Bovidae
Bahka hoose: Qoyska Deerada
Duulka: Qoyska Sagaarada
Kohl, 1886
Noocyada: L. walleri
Magaca laba-geesoodka ah
Litocranius walleri
(Victor Brooke, 1878)
Gerenuk range
Eray la mid ah[2]
  • Litocranius sclateri (Neumann, 1988)
  • Gazella walleri (Brooke, 1979)

Garanuug (Af Carabi : ar‎; Af Ingiriis : Gernuk[3]) (magaca Sayniska: Litocranius walleri) waa jaad ka mid ah deerada oo qoor dheer sida magaceedaba ka muuqata, waxaa laga helaa dhulka saxara ah ee geeska afrika, iyo goboka harooyinka waaweyn ee afrika sida harta turkana iyo harta fiktooriya. Waxaa la yaab leh in luuqadaha kale ay magaca Garanuug, taasi oo si toos ah looga soo xigtay luuqada Afka Soomaaliga ka qaateen tusaale ahaan ingiriiska waxay ku tahay (gerenuk)[4][5] af-isbanish (El gerenuc)[6]

Abla ablayn saynis

Tilmaan

Garanuugta ayaa ah deero aad u dheer, oo hadana aad u qoor dheer, waxay leedahay lugo dhaadheer aadna u dhuudhuuban, tilmaantaas ayaa ka dhigtay garanuugta in judhiiba la garto oon lagu khaldin duurjoogta kalee la jaadka ah, caloosha way ka cadahay cadaankaas oo soo gaaraya gudaha jilbaha, madaxa ayaa xoogaa yar, dhegahu waa yara waaweyn madow iyo cadaan gudaha ka ah, laga soo bilaabo qoorta ilaa dhabarka qaybta sare ayaa midab cawlan, geesaha caloosha iyo saableyda waa cawlan khafiif ah, dhogorta ayaa si siman jirka ugu fidsan, dhamaadka saynta ayaa midab madow ah,

Daaqeeda

Garanuug geed saloolanaysa

Garanuugta ayaa sida duurjoogta cawka quudata waxay kala mid tahay saloogashada geedka quraca iyo dhir kale oo ka baxda dhulka ay ku nooshahay, qoorta dheer ayaa waxay u sahashaa inay meelo sare ka daaqdo geedaha, waxay cuntaa miraha iyo ubaxa sidoo kale, garanuugta ayaan lagu arag meelaha laga cabo biyaha, biyo ku filan waxay ka heshaa dhirta ay ka daaqdo geedaha ama cawska,

garanuugta waxaa badanaa disha libaaxa, haramcadka, dawacada, iyo shabeelka

Taranka

Garanuugta ayaa ku qaan gaarta hal sano, halka garanuugu uu ku qaan gaaro sanad iyo bar, taasoo loo tiriyo hadba cimilada ay dur joogtaani ku nooshahay.

Tixraac

  1. name=iucnIUCN2010 |assessors=IUCN SSC Antelope Specialist Group |year=2008 |id=12142 |title=Litocranius walleri |downloaded=21 June 2012 |version=2012.1
  2. name=MSW3
  3. *Ereyga Gernug oo Af Soomaali ah ayaa asal ah waxaan sii qaadatey oo sideeda magacaa garanuug u istimmaala luuqadaha Ingiriiska iyo Carabiga.
  4. https://en.wikipedia.org/wiki/Gerenuk
  5. https://ar.wikipedia.org/wiki/%D8%BA%D9%8A%D8%B1%D9%86%D9%88%D9%83
  6. https://es.wikipedia.org/wiki/Litocranius_walleri

Xiriiriye dibadeed