U bood nuxurka

Geerisa

Ka Wikipedia

Geerisa waa Degmo dhacda Xeebta Waqooyi ee Somaliland. Degmadani waxa ay caan ku tahay Keymo jiq ah, waana meesha kala qaybisa Buuraleyda iyo banaanka Gobolka,taas oo ka dhigan aaney wax buuro ahi ka shisheyn. Buurta Eela ayaa Waxyar ujirta magaaladan. Dadka Deegaankani waxa ay caan ku yihiin dhaqashada Xoolaha waana meelaha laga helo geela ugu badan Gobolka. Waxa kale oo ay leedahay dhul ku haboon Beeraha.

Beesha Mamasan gaar ahaan Cabdale Gadiid ayaa Deegaan ka ah Degmadan. Geerisa waxa kasoo jeeda Dad caan ah oo uu ka mid yahay Madaxweynihii hore ee Djibouti Hassan Guuleed Abtidoon. Sidookale Caaqilada Caanka ah ee Degmadan kasoo jeeday waxa ka mid ahaa Caaqil Xassan Cawaale,Caqil Cali Duule,Caaqil Gooni koshin,Ganacsade Aden koshin,Caaqil Ismacil Cabdille,Sheekh Caamir ,Sheekh Hiraab oo ku aasan Duleedka Magaladan iyo Dadkale oo caan ah.

faah faahin dheeraad ah

[wax ka badal | wax ka badal xogta]

geerisa waa magaalo u dhow saylac ,maamul ahaana hoostagto saylac waxaana daga beesha ciise gaar ahaan mamaasan cabdalle gadiid waxaa ku dhashay caaqil cali duule, xassan guuled madaxweynihii hore ee jabuuti