Girgire

Ka Wikipedia
Haku khaldin "dabqaad".


Girgire ama Burjiko (Af Ingiriis : hearth; Af Carabi : ar‎) waa aalad ka samaysan dhoobo la xarakeeyay ama dhagax la qoray taasi oo loo isticmaalo in lagu karsado cuntada, shido uunsiga, fooxa, bourtka iyo dhamaan noocyada bukhuurka ee la shido. Noocyo badan oo kala duwan ayaa jira kuwaasi oo loo isticmaalo siyaabo kala duwan, sida Burjikada, Idinka ama Dabqaadka iyo kubo-kubo (dhagax qoran loo sameeyey qaabka feerada dharka oo inta la kululeeyo meelo jirka ka mida lagu qandiiriyo) laakiin kuwa ugu isticmaalka badan waa girgiraha ama (Burjiko) oo qaarkood dhego leh, kuwo kale aan lahayn wax dheg ah, kaasi oo laga sameeyay dhoobo ama dhagax la qoray. dhagaxa girgiraha ayaa waxaa caan ku ah gobolka galgaduud gaar ahaan magaalada ceelbuur[1] iyo nawaaxigeeda, waana meesha ugu badan ee soo saarta burjikada iyo wixii la halmaala.[2] hawsha burjikada samaynteeda ah ayaan loo adeegsan wax qalab iyo mishin midna[3], dadka degaanka ayaa soo waday hawsha burjiko samayska sanado badan.[4]

dhagaxa laga sameeyo burjikada ayaa ah dhagax cad waxaana loo yaqaan quarry[5] ama[6] Sepiolite[7]

Isticmaalka[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Girgireyaasha casriga ah

Girgiraha waxaa laga isticmaala dhamaan xaafadaha bulshada Soomaaliyeed, waxayna ka mid tahay dhaqanka dadka Soomaalida.

Samayska[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Sida caadiga ah dhamaan girigireha waxa laga sameeyaa dhagax dhulka laga qodo ka dibna la qoro ilaa loo ekaysiiyo wixii looga baahnaa inuu noqdo sida burjiko ama dabqaad.[8]

Bulsho weynta Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadanada qurbaha waxay aad u codsadaan in loo soo diro dabqaadka. maadaama uu ka mid yahay dhaqanka soomaalida soo jireenka ah si ay guryaha ugu uunsadaan ama ugu qaacsadaan,


Noocyo kale[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Girgireha waxaa aad ugu qaab iyo samays dhow girgire loo yaqaano mabkhara, kaasi oo laga isticmaalo gayiga Carabta.

Muuqaal[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Sidoo kale arag[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Tixraac[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Cadaymo[wax ka badal | wax ka badal xogta]