Golweyn

Ka Wikipedia

Golweyn waa Magaalo iyo Degmo ku taala Gobolka Shabeellaha Hoose , Magaalada Golweyn waxay u dhowdahay magaalada Marka. waxaa magaalo ugu dhow Buulo mareer iyo Shalanbood. waxaa dagta Beesha qubays oo magaalooyinkaas degta iyo qaar yar oo biimal ah. waa deegaan aad u barwaaqeysan waxuuna leeyahay beero iyo sidoo kale bad ay dadka deegaanka kaga jilaabtaan kaluunka. Miraha ay beertaan dadka deegaanka waxaa ka mid mooska, degmada labaad ee ugu soo saarka badan soomaaliya marka laga soo tago degmada Afgooye. waxey wax ka yar 5KM u jirtaa badweynta hindiya taas oo ay dadka deegaanka u sahashey iney si fudud uga soo Kaluumeystaan Badda.

--- Shaqsiyaadka Laga Xusi karo ---

Aqoonyahano caanka ah soomaaliya iyo weliba Gobolka shabeelada hoose, Aqoonyahanada deegaanka waxaa ka mid ah.

Dr. Jamaal Maxamed Barrow: waa wasiir kuxigeenkii hore ee wasaaradda arimaha dibada ee xukuumaddii Saacid iyo safiirkii hore ee soomaaliya U fadhiyey Dalka South Africa, Hadana waa safiirka soomaaliya u fadhiya Dalka Nigeria.

Dr. Yoonis Muuse Cusmaan: waa halyeey aad looga qadariyo deegaanka iyo weliba dhamaan dadka gobolka dega. Wuxuu kasoo Qalinjebiyey Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed khaas ahaan Kuliyada lafoole,

wuxuu door muhiim ah ka qaatey kor u qaadida waxbarashada gobolka, iyadoo uu xiligii abaartii caga bararkii loo magacaabey mid ka mid ah dadkii ugu waxqabadka badnaa ee kaalinta mugga leh ka qaatey la dagaalanka gaajadda iyo Jahliga.

Aqoonyahanada kale ee ku dhashey Magaalada Golweyn waxaa ka mid

PROF: Fowzi Maxamed Baarow, oo ah prof iyo hormuudka kuliayada waxbarashada ee jaamacadda caalamiga ee Zanzibaar,

DR: Anwar maxamed Baarow bari wax ka dhiga jaamacadda caalamiga ah ee Afrika,

Siyaasi: Said Ali Baafo oo ah siyaasiinta maamulka koonfur galbeed hadana ah Lataliyaha Sare ee Wasaarada Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed

Marxuum Mohamuud sheeqey yuusuf (Hoshmin), Marxuum Siid Cali Cabdi Cumar, Marxuum siidow sheekh yuusuf Marxuum maxamed sheekh yuusuf, Marxuum...Dr.maxamed sheekh yuusuf maxamed oo ka mid ahaa asna dadka sida weyn looga qadarin jirey Magaalada

Degmooyinka Gobolka Shabeellaha Hoose Calanka Soomaaliya
Afgooye · Awdheegle · Baraawe · Kurtunwaarey · Marka · Qoriyooley · Sablaale · Wanlaweyn