Marka

Ka Wikipedia
Marka

مَركة
Marka is located in Somalia
Marka
Marka
Dalka Soomaaliya
GobolShabeellaha Hoose
DegmoMarka
Tirada dadka
 • Dhammaan230,100
Aag saacadeedUTC+3 (EAT)
File:Magaalada marka.jpg
Bartamaha magaalada Marka

Marka (Carabi: ماركا, Ingiriis: Merca, Talyaani: Merca) waa magaalo ku taala gabaldhaca magaalada Muqdisho una jirto 90 km☃☃☃☃, Marka waa caasimadda gobolka Shabeellaha Hoose waxaana lagu yaqaan quruxdeeda iyo dhaqanka eey dadka degan haaystaan kaasoo aad uga duwan kuwa kale. Waxaa bari ka jirta Badweynta Hindiya Sannadle ah sida (Shiribta,Bereyda, Heleyda IWM.), Magaalada waxay kaloo caan ku tahay soo saarida Dharka Aliindiga.waxaa dagao qabiilo badan oo somali ah iyo inyaroo carab ah qabilada somaalid waxa ugu badan magala iyoo drgana da ku teed san 88%ah bulsho ahaan beesha biimaal maxamed iyo inyar oo carab inay yihiin sheegan.

Dagaaladii Bimalka iyo Talyaaniga ee Magaalada Merca, Jilib, Gendershe, Jazeera iyo Lafoole Magalada waa maaalo taariq fac ween leh dhanka la dagalankii Gaaladii talyaaniga ahayd ee dhulka Muslimiinta ku soo duulay, rabayna inay u noqoto xarunta dhaqaalaha ee bariga africa isla markaana rabay in ay Bulshada somalida ku dhex faafiyaan fikirkooda iyo diintooda qaldan. Lkn waxay bulshadii halkaas deganeed kala kulmeen Jab xoogan oo ayna filaynin, mudo 40 sano ku dhawaadna ay Dagaal kula galeen bad iyo bariba iyo magaaloyin kale sida. Jilib-Merca, Gendershe, Jazeera, iyo Degaanka Lafoole Taasoo sabatiisa lahayd Xasuuqii kumanaan Talyaani ah Hal maalin lagu laayay weerar Raggii Bimalka ahaa inta u dhexeeysa Muqdisho iyo Afgooye ee hdda loo yaqaano Lafoole. ilaa ugu danbayn ay codsadaan in heshiis lala galo.

Heshiiskii Dhaqaalaha Bimalka iyo Talyaaniga Ka dib dagaalo qaraar oo ay galeen Talyaaniga iyo Raggii Bimalka ahaa waxaa jiray Heshiis dhex maray labada dhinac. Heshiiskaas oo ahaa mid dhaqaalo taas oo hayd in bulshadii Soomaaliyeed halkaas Xarunta u ahayd (Bimalka) ay tacabkooda beeraha sida Booska iyo miraha kale ay u dhoofin jireen Dalka taliyaaniga mudo sanado ah oo lagu qiyaaso ku dhawaad 20 sano, ka hor bixitaankoodii. Kadib bixitaankii Taliyaaniga ee koonfurta 1960 dib markale waxaa dib u bilowday Mooskii laga dhoofin jiray Dekeda Marka ee la gayn jiray Dalka Taliyaaniga. Taasoo so soctay ilaa 15 sano oo kale ilaa laga soo gaaro 1975s Markaas oo loo soo wareejiray Dekada Muqdisho xiligiis xukunkii Siad barre.

Tacliinta

Dadka Marka jooga badanaa weey tacliin badanyahiin waxeeyna ka shaqeeystaan badda una dhoofaan wadamada Carabta sida Yemen si eey usoo iibiyaan badeecaadkooda kana soo iibsadaan kuwa kale. Badanaa waxeey yihiin Injineeryo iyo Macalimiin. Sidoo kale waxaa dadka Marka badanaa ka yimaado lagu yaqaan Qaalli iyo Ganacsada yaal. Dugsi tacliin iyo Quraan labado weey ku badanyihiin magaalada Marka waxaana caruurta lagu dheerri geliyaa inay tacliin tooda ka fikiraan si eey u caawiso mustaqbalkooda inkastoo uu hadda dowlad la'aanta eey ka tanbadisay waalidiinta meesha dagan ku waasoo dhib eey ku tahay in eey bixiyaan lacagta dugsiga ama jaamacadda.

File:Magaalada marka 2.jpg
Magaalada Marka

Magaalaga marko waxey ka kooban tahay sadex xaafadood oo kala ah Horseed, Wadajir iyo Howlwadaag waxaana waxaa hoos taga xaafado yar 1- Horseed waxaa hoostaga --- Bulajaan Buufow iyo Lumabardi 2- Wadajira waxaa hoostaga ---- Saraha Beyturaas iyo Awbaale 3- Hoolwadag waxaa hoostaga ---- Xaafa Ruushiya, Sheekh Abroone

Cuntada

Sidoo kale magaalda Marka waxey leedahay hoteelo caan ah dalxiisna loogu imaado sida , Hotel Madiina iyo kuwo kaloo la mid ah. Waxaa kaloo laga heli karaa magaalada Marka maqaayado la fadhiisan la cunaayo sida sambuuska, bajiyaha, kabaabka . Suuqyaasha ku yaalo magaalada waa labo suuq po kala ah kaas oo ku yaalo horseed midna wa Suuqa Weyn ee magaalada Marka. Dadka magaalada Marka joogo badanaa ma cunaan hilibka sida loogu cuno qeybaha kale ee dalka. Dadka badanaa waxeey cunaan malaayga ama kaluunka iyo doorada . Waxaa galabyadii lagu yaqaan in aay cunaan macmacaan yada caanka ka ah Koonfur Soomaaliya ku waasoo lagu cabo qaxwo kharaar. Marmarka qaarne waxeey cunaan bajiye iyo sambuus iyo bisbaas.

Luqada

Dadka Marka degan waxeey leeyahiin lahjo af somali ah iyo ku gaar ah taasoo u dhaw mida loogu hadlo Xamar. Lahjadaan waxaa loo yaqaan Af Marka ama Af Asharaaf waxaana badana ku hadlo dadka gibilcadka iyo lahjad arow la dhaho oo ay ku hadlaan Biyomaalka ee degan koonfurta wadanka. Dadka Reer Marka waxey dhahaan;

" Marka Cadeey, Minin Ow Osman, Muufo kuus kuus iyo macmacaan, Martidii moodo munaafaq waaye."

Taasoo aay ka wadaan qof walbo waa inuu magaalada soo booqdaa oo uu nan dhaafin haddii uu imaado kuunfor Soomaaliya. Waxeey ka wadaan Marka waa gurigii Ow Osman kaas oo ahaa nin caan eh waano magaalo lagu yaqaano cuntaba tii uugu macaanayd ee wadanka taalo. Marti walbana waa inay soo booqataa mar intey nooshahay.

Sidoo kale fiiri

* Qoryooley

  • * Afgooye

* Sablaale

* Kurtunwaaey

* Marka

* Wanleweyn

* Baraawe

Linkiga Caddaynta


Magaalooyinka Gobolka Shabeellaha Hoose Calanka Soomaaliya
Afgooye · Awdheegle · Baraawe · Kurtunwaarey · Marka · Qoryooley · Sablaale · Shalaanbood · Wanlaweyn
Degmooyinka Gobolka Shabeellaha Hoose Calanka Soomaaliya
Afgooye · Awdheegle · Baraawe · Kurtunwaarey · Marka · Qoriyooley · Sablaale · Wanlaweyn