Integration tv

Ka Wikipedia
Logo of Muuqbaahiyaha Isdhexgalka

Integration TV waa barnaamij muuqbaahiye ah saldhiggiisu yahay dalka Kanada oo ay aasaastay Hodan Nalayeh.

Aragti guud[wax ka badal | wax ka badal xogta]

waa mid ka mid ah sawirada muujinaya silsilada ka mid barnaamijyo ay Hodan ku diyaarisay Muqadisho, Soomaaliya

Integration TV waxaa loo aqoonsaday muuqbaahiyhii ugu horeeyay ee afka Ingriisiga ku hadla ee Qurbajoogta soomaaliyeed sidoo kale waxa uu daboolaa in badan oo u baahi qabtay barnaamijyo ay daawadaan inta badan soomaalida, waxaa taa dheer dhacdooyinka bulshada soomaaliyeed ee dagan dalka kanada, fikradaha wawanaagsan ee Qurbajoogta Soomaaliyeed iyo dabagalka arrimaha ku saabsan horumarka Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Integration Television sidoo kale waxaa u hadaf ah isku xirka, bidhaaminta iyo xoojinta qurbajoogta Soomaaliyeed dhammaan caalamka.

Waxaa dheeraad ah soo saarista barnaamijyo todobaadle ah, bandhigyada qaybaha todobaadyada waxaa ka mid ah bedbedela sheekooyinka sida "Shaah & Sheeko" taasoo macnaheedu yahay "Tea and Talk" ee Af-Soomaaliga. Shaah & Sheeko ee lagu martigaliyo Soomaali kala duwan, waxaana looga doodaa qodobo muhim u ah bulshada Soomaaliyeed, waxaana kor loogu qaadaa wacyiga ku saabsan guud ahaan arrimaha bulshada.

Integration Television waxaa laga soo daayaa dabayaaqada todobaad waliba FEVA TV iyadoo laga heli karo YouTube Channel.[1]

Martigaliyaha[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Hodan Nalayeh waa maamule warbaahineed, iskudubaride iyo wariye.[2] Hodan waxay ku dhalatay Laascaanood, Soomaaliya sanaddii 1976 waxay u guurtay Edmonton, Alberta sanaddii 1984. Hodan waxay heshay Bachelor kuna heshay fanka Tabinta ee Jaamacadda Windsor.[3] Inta ayasn aasaasi Integration Television 2014, Hodan waxay noqtay qof sameeya soona saara barnaamijyo kala duwan iyo bandhigyo sifa So You Think You Can Dance Canada and American Idol.

Taariikh[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Integration TV markuu ugu horaysay marso 2, 2014 ayuu ka baxay City TV.[4] Waqti soo horeeysay ee sanadkaan, waa laga joojiyay in lagu soo bandhigo City TV waxaana loo wareejiyay in lagu soo bandhigo YouTube channel.

Bishii May 28, 2015, Hodan waxay ku dhawaaqday in lahu soo bandhigi doono si todaadle ah FEVA TV.

Martida[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Integration Television Hodan Nalayeh oo la fadhisa Kathleen Wynne waraysina ka qaadaysa

Bandhigga waxaa ka soo muuqday marti caan ah kala si Kathleen Wynne, wasiirka iskaashiga iyo xiriirka caalamiga ah Cabdi Caynte, sida atariishada dharka xayeesiisa ee Ayaan Cilmi iyo afhayeenka madaxa muslimiinta amerika Nouman Ali Khan.

Integration TV waxaa ka mid ah waxyaabaha uu soo gudbiyo barnaamij loogu talogalay horumarka Soomaaliya. Bishii Maajo 24, 2015, Integration TV waxaa caddeeyay 18-jir lagu magacaabo Rashid Cabdullahi deggan dalka Netherlands kaasoo soo bandhigay musalsal Integration TV lagu magacaabo "Muqdisho iyo xagaayga".[5] Bandhigga waxuu abaarayin uu iftiimiyo horumarka ka jira Muqadisho, ee caasimadda Soomaaliya. Shan iyo toban silsiladood ee fadhi dhacdooyin ah oo ay ku jirto bandhigga buugaagta muqdisho ee caalamiga ah iyo dhandhigga dhaqanka Soomaaliyeed.

Hawlo biniaadamnimo iyo dhaqdhaqaaq bulsho[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Integration TV maaha oo kaliya Warbaahinluugu talo galay Somali Canadians, waa mid dhammaan u furan bulshada. Bishii Juun 9, 2014, ururka gabdhaha Toronto ayaa ku dhawaaqay in Integration TV uu taabagaliayay.[6] Integration TV sidoo kale wuxuu taaba galiyay 2015 Sanadlihii cuna dhaqameedka xalaasha ah oo fadhigooda ahaa Mississauga, Ontario.[7]

Hodan iyo la sawiran tababaraha ururka gabdhaha cayaartooyda ee Toronto Hanan Warsame (midig) iyo qayb ka mid ah gabdhaha

In addition, Integration TV uses its influential platform to raise awareness for various causes. Nalayeh is the founder of the Somali Refugees Awareness Project, a non-profit organization that advocates for Somali refugees across the world and seeks to help protect and resettle refugees that fled Somalia during the 1990 civil war.[8]

Sidoo kale, Integration TV wuxuu soo daaya barnaamij saamayn leh iyo iftiiminta horumarka qurbajoogta soomaaliyeed waana muasasad aan faaiida doon ahayn. Bishii May 5, 2015, Integration TV wuxuu baahiyay wacyi galinta bulshada soomaaliyeed ee ku aadan xagga dhimirka ee Dr. Abdirahman Ali Habeeb, oo ah mid ku taqasusay caafimaadka xagga dhimirka asigoo xanaaneeya dad dhimirka la' ee Soomaaliya. asigoo kaashanaya Al Jazeera, Integration TV shaagayna in uu taageerayo dhismaha xarun caafimaad ee laga dhiso mcaasimadda. Afar bil kadib, Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu ku dhawaaqay in loogu deeqay dhul Dr. Xabeeb arrintiisii.[9]

Tixraac[wax ka badal | wax ka badal xogta]

  1. FEVA TV. "Nuqul Archive". Waxaa laga kaydiyay the original 2015-06-29. Soo qaatay 2 Oktoobar 2015.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin); Hubi qiimaynta taariikhda: |access-date= (caawin)
  2. Nalayeh, Hodan. Open Parliament. Open North https://openparliament.ca/committees/status-of-women/41-2/35/hodan-nalayeh-1/only/. Soo qaatay 3 October 2015.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  3. Reason, Cynthia. "Nuqul Archive". Inside Toronto. 2015 METROLAND MEDIA GROUP LTD. Waxaa laga kaydiyay the original 14 Bisha Tobnaad 2017. Soo qaatay 4 October 2015.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin); Hubi qiimaynta taariikhda: |archive-date= (caawin)
  4. Hiiraan Online. Hiraan Online http://www.hiiraan.ca/news4/2014/Feb/53415/new_television_show_uplifts_the_image_of_somali_canadians_in_mainstream_media.aspx.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  5. Nalayeh, Hodan. YouTube. Integration TV https://www.youtube.com/watch?v=eATLT383IZg. Soo qaatay 5 October 2015.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  6. Reason, Cynthia. "Nuqul Archive". Inside Toronto. METROLAND MEDIA GROUP LTD. Waxaa laga kaydiyay the original 25 Bisha Shanaad 2015. Soo qaatay 4 October 2015.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin); Hubi qiimaynta taariikhda: |archive-date= (caawin)
  7. Muslim Fest. "Nuqul Archive". Muslim Fest Mississauga. Muslim Fest. Waxaa laga kaydiyay the original 21 Bisha Sagaalaad 2015. Soo qaatay 4 October 2015.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin); Hubi qiimaynta taariikhda: |archive-date= (caawin)
  8. Keung, Nicholas. Toronto Star http://www.thestar.com/news/gta/2011/07/29/somalicanadian_youth_seek_solutions_for_their_homeland.html. Soo qaatay 6 October 2015.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  9. Nalayeh, Hodan. YouTube. Integration TV https://www.youtube.com/watch?v=iVf1T6_HvI8. Soo qaatay 5 October 2015.  Maqan ama ebar |title= (caawin)