Jump to content

Jabhadda Wadaniga Xoreynta Ogaadeenya

Ka Wikipedia
(Waxaa laga soo toosiyay Jabhadda Wadaniga Xoreynta Ogaadeenya))
Calanka Ogaden

Jabhadda Wadaniga Xoreynta ogaadeeniya waa jabhad hubaysan oo dagaal dheer oo gobonimo doon kulajirta Gumaysiga Itoobiya waxay u dagaalamayaan in gobolka somalida ee Ogaden uu dib u helo madaxbanaanidooda Dalka Ogaden dhaqan dhaqaale ahaan ka mid maaha Itoobiya balse maamul ahaan ayaa ciidamada Itoobiya xoog ugu joogaan taaso horseeday dagaal hubaysan in kala horyimaadeen dadka Ogaadeenya dagaalka oo hab shacab u jira ayaa maamul ahaan hagistiisu marxaladdo iyo hogaamin nidaam oo kala duwan soo martay nidaamyadaas dagaalka habka umadnimo u jira hagaaya waxaa u danbaysay Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogadenya oo ku guulaystay Gumaysiga Itoobiya in kala furfurto oo wajaho dagaalo gudahiisa taaso gobonimo doonku u arkaan in u dhawaynayso yoolki xoriyada xaqiijintiisa

Dhulka Ogadenya dhaqan-dhaqaale ahaan iyo nolol ahaan waligii uguma xidhmin itoobiya kumana laha gumaysigu saamayn dhaafsiisan joogitaanka goobo cayman ok gumaysigu maamul ku sheego kuwaasoon jiri karin hadaan ciidamada gumaysigu waardiyaynin tanina waxay keentay in Ogaadeenya noqoto halka u badan ee ciidamada itoobiya joogaan kuwaas ka gaysta gabood falo ka baxsan Aadaminimada oo marar badan Bulshada caalamku qirtay gabood faladaas

Gumaysiga Itoobiya si u wiiqo halganka gobonimo doonka ogadenya wuxuu ku qaaday dagaal furan oo dhamaan qaybaha bulshada ku wajahaayo taaso sii fool xumaysay xaalada Dalka Ogadenya sababtay barakac baahsan balse Gumaysigu kuma guulaysan ujeedka noocyada dagaaladiisa oo ah inuu halganka ku wiiqo

Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogadenya waa matalaha Shacabka Ogadenya ee Gobobimo doonka waana isha laga heli karo wararka saxdaa ee xaalada Ogadenya