Janada

Ka Wikipedia

Dhowaan dunida jannay noqon doontaa – rumaysad.

Ilaahay dhulka wuxuu u abuuray inuu noqdo meel ay binuʼaadanka weligood ku noolaadaan. Ilaahay dadka dhegeysta adduun qurux badan dhexdiisa buu caafimaad kaamil ah iyo nolol weligeed ah ku barakeyn doonaa.

Ilaahay Aadan iyo Xaawa wuxuu dejiyay Ceeden. Janada waxay ku taallay dhulka. Ilaahay ulajeeddadiisa waxay ahayd inay Aadan iyo Xaawa adduunkoo dhan janno ka dhigaan. Jannadii waxaa lagu magacaabay Beerta Ceeden. Beertii Ceeden waxay ahayd beer qurux badan.

Ilaahay doonistiisa waa binu'aadanku inay weligood dunida ku noolaadaan. Binuʼaadanka nabad bay weligood ku raaxaysan doonaan. Jannada qofna ma xanuunsan doono. Dadku waxay jannada ku heli doonaan nolol qanciso. Markaan jannada dib ula midowno kuwa aan jecel nahay, illin baa farxad awgeed naga daadan doonto. Kuwa doonista Ilaah yeela baa ku noolaan doona Jannada.

“Ilaah . . . indhahooda ilmo kastuu ka tirtiri doonaa, oo dhimashona mar dambe ma jiri doonto, oo mar dambena ma jiri doonaan murug iyo oohin iyo xanuun toona, waayo, waxyaalihii hore way dhammaadeen.”

Dhowaan dunida jannay noqon doontaa:

  • Kuwii dhintay waa la soo sarakicin doonaa
  • Mar dambe ma jiri doonaan gaboobid, curyaannimo iyo dhimasho
  • Cunto badan oo nafaqo leh
  • Guryo wanaagsan iyo shaqo lugu farxo
  • Mar dambe ma jiri doonaan dagaal, dembi iyo dulmi

Tixraac[wax ka badal | wax ka badal xogta]