Jump to content

Sida Loo Helo Waddada Jannada?

Ka Wikipedia

Sida Loo Helo Waddada Jannada?

Waxaan ku akhrinay suuradda 21, Al-Anbiyaa’ (Nabiyada), aayadda 105: “Waxaan ku qornay Sabuurrada ka dib markii la siiyey Tawreed: ‘Waxaa dhaxli doona kuwa dhawrsada addoommadayda ka mid ah dhulka.”

وَلَقَدْ كَتَبْنَا فِى ٱلزَّبُورِ مِنۢ بَعْدِ ٱلذِّكْرِ أَنَّ ٱلْأَرْضَ يَرِثُهَا عِبَادِىَ ٱلصَّٰلِحُونَ


Haa, qarniyo ka hor, Sabuurradii (Sebur) 37:29 waxay daaha ka qaadeen in Jannadii la ballanqaaday ay dhulka dusheeda noqon doonto. Waxay u qornayd: “Kuwa xaqa ahu dalkay dhaxli doonaan, oo weligoodna way dhex degganaan doonaan.”

Qur’aanku wuxuu leeyahay: “Ma jiro wax beddeli kara amarka Eebbe.”— Suuradda 6, Al-Ancaam (Lo’da), aayadda 34.

وَلَقَدْ كُذِّبَتْ رُسُلٌ مِّن قَبْلِكَ فَصَبَرُوا۟ عَلَىٰ مَا كُذِّبُوا۟ وَأُوذُوا۟ حَتَّىٰٓ أَتَىٰهُمْ نَصْرُنَا وَلَا مُبَدِّلَ لِكَلِمَٰتِ ٱللَّهِ وَلَقَدْ جَآءَكَ مِن نَّبَإِى۟ ٱلْمُرْسَلِينَ

Kitaabka quduska ah wuxuu ku dhawaaqay mid la mid ah sidatan: “Cawskii cagaarnaa waa engegay, ubaxxiina wuu engegay; laakiinse erayga Ilaaheenna wuu waari doonaa weligiis.” — Ishacyaah 40:8. Dadka qaarkood baa u maleeya in Erayga Ilaahay la beddelay. Nebigii Ishacyaah wuxuu yiri erayga Ilaahay “weligiisba wuu waari doonaa.”

Is barbar dhig suurada 10, Yuunus, aayadda 94-aad: “Haddaad ka shakidaan waxaan idiin soo dejinnay, weydii kuwii akhriyey kitaabka idinka horreeyey.

فَإِن كُنتَ فِى شَكٍّ مِّمَّآ أَنزَلْنَآ إِلَيْكَ فَسْـَٔلِ ٱلَّذِينَ يَقْرَءُونَ ٱلْكِتَٰبَ مِن قَبْلِكَ لَقَدْ جَآءَكَ ٱلْحَقُّ مِن رَّبِّكَ فَلَا تَكُونَنَّ مِنَ ٱلْمُمْتَرِينَ

Ilaah keliya ayaa og mustaqbalka, oo Eraygiisa wuxuu ku sii sheegay dhacdooyin gaar ah oo calaamad u noqon doona in Jannuhu dhow yahay.

Ilaahay dhulka wuxuu u abuuray inuu noqdo meel ay binuʼaadanka weligood ku noolaadaan. Ilaahay dadka dhegeysta adduun qurux badan dhexdiisa buu caafimaad kaamil ah iyo nolol weligeed ah ku barakeyn doonaa.

Ilaahay Aadan iyo Xaawa wuxuu dejiyay Ceeden. Janada waxay ku taallay dhulka. Ilaahay ulajeeddadiisa waxay ahayd inay Aadan iyo Xaawa adduunkoo dhan janno ka dhigaan. Jannadii waxaa lagu magacaabay Beerta Ceeden. Beertii Ceeden waxay ahayd beer qurux badan.

Ilaahay doonistiisa waa binu'aadanku inay weligood dunida ku noolaadaan. Binuʼaadanka nabad bay weligood ku raaxaysan doonaan. Jannada qofna ma xanuunsan doono. Dadku waxay jannada ku heli doonaan nolol qanciso. Markaan jannada dib ula midowno kuwa aan jecel nahay, illin baa farxad awgeed naga daadan doonto. Kuwa doonista Ilaah yeela baa ku noolaan doona Jannada.

“Ilaah . . . indhahooda ilmo kastuu ka tirtiri doonaa, oo dhimashona mar dambe ma jiri doonto, oo mar dambena ma jiri doonaan murug iyo oohin iyo xanuun toona, waayo, waxyaalihii hore way dhammaadeen.”

Dhowaan dunida jannay noqon doontaa:

Kuwii dhintay waa la soo sarakicin doonaa.

Mar dambe ma jiri doonaan gaboobid, curyaannimo iyo dhimasho.

Cunto badan oo nafaqo leh.

Guryo wanaagsan iyo shaqo lugu farxo.

Mar dambe ma jiri doonaan dagaal, dembi iyo dulmi.

Waa inaan ogaano waxyaalaha runta ah ee Erayga Ilaahay, waayo aqoontan saxda ah waxay la mid tahay maalka qarsoon.— Maahmaahyadii 2:4 .

Waa inaan sidoo kale ku dhaqannaa waxa aan baranno, sida uu Abuuraha u qoray: “Tani waa jid. Dadkow, ku dhex socda.”—Ishacyaah 30:21.