Xikmada Nolosha iyo Farxada

Ka Wikipedia

Xikmada Nolosha iyo Farxada

  • Xikmad Farxadda Qoyska: Nimanka iyo naagaha is qabo waa inay isla hadlaan: „Ilaahay wuu ku daneeyaa. Yehowah talada Eraygiisa ku jirto buu reeraha siiyaa. Maxay waxgarad u tahay inaad taladan doondoontaan? Yehowah waxa ugu wanaagsan buu kula rabaa. “Maxaa yeelay, isagu dan buu idinka leeyahay.” Taladiisuna mar kasta bay faaʼiido leedahay. Waa inaad is jeclaataan haddii ad xaas faraxsan doonaysaan. Erayga Ilaahay wuxuu yiri ninka waxaa ku waajib ah inuu naagtiisa jeclaado sida jidhkiisa oo kale. Naagtana waxaa ku waajib ah inay ninkeeda ixtiraamto.
    • Nimanyahow, naagahaaga jeclaada - Nimanka waa inay xaasaskooda si wanaagsan ula dhaqmaan - Ninku ma ahan inuu naagtiisa xumeeyo.: „Haddaba sidaas oo kale nimanka waxaa ku waajib ah inay afooyinkooda u jeclaadaan sida jidhkooda oo kale. Waayo, kii afadiisa jeclaadaa wuxuu jeclaadaa nafsaddiisa; maxaa yeelay, ninna weligiis ma nebcaan jidhkiisa, laakiinse wuu quudiyaa, wuuna xannaaneeyaa”. Ninka fiican naagtiisa si kalgacayl leh iyo si heshiis ah buu ula dhaqmaa.
    • Dumaroow ninkaaga ixtiraam - Naagtu waa inay ninkeeda ixtiraamto. "Naagtu waa inay si qoto dheer u ixtiraamtaa ninkeeda.". Naagtu waa inay ninkeeda la shaqeyso.
    • Daacad u Noqo Lamaankaaga Guurka:

“Nin baa . . . naagtiisa xaji, oo waxay noqonayaan isku jidh”. Sinaysiga qofka xaaska ah waa wax xun. Ninka hal naag keliya buu qabi karaa, naagtuna hal nin keliya bay qabi kartaa.

    • Waalidiin, Carruurtiina Tababar: "Ku tababari ilmaha jidkii uu mari lahaa; xataa markuu gaboobo kama tegi doono”. Waalidku waa inay carruurtooda sharciyada Ilaahay ku koriyaan. Waalidku waa inay carruurtooda daryeelaan .Waalidka ma ahan inay carruurtooda ceebeeyaan. Waalidku waxay istaahilaan ixtiraamka carruurtooda. Waa inaan carruurteenna ammaanno. Waa inaan carruurteenna ilaalino.
    • Carruur, Adeeca Waalidkiina: “Carruur, waalidkiin addeeca. . . Aabbahaa iyo hooyadaa maamuus” Yehowah wuxuu rabaa inay carruurtu jawi jacayl badan ku koraan. Carruurtu waa inay waalidkooda ixtiraamaan.
  • Tilmaamaha Xiriirka Nabadda:
    • Noqo mid cafiya: “Sii wad . . . si xor ah midkiinba midka kale ha u cafiyo xataa haddii qof uu wax u haysto mid kale.”
    • Waa inaan sharafta dadka ixtiraamno: "Is-hoosaysiinta u fiirso kuwa kale inay kaa sarreeyaan." Marka aan is-hoosaysiino oo aan ixtiraamno, dadku waxay ku raaxaystaan inay nala joogaan.
    • Noqo mid dhexdhexaad ah: „Runtii waxaan garanayaa Ilaah inuusan dadka u kala eexan: laakiin kii kastoo Ilaah ka cabsada, xaqnimadana sameeya, quruun kastaba ha ku jiree, Ilaah waa aqbalaa.” Abuurahayagu uma eexdo dadka sababtoo ah dhalashadooda, luqaddooda, halka ay joogaan, ama midabka maqaarka. "Nin qudha ayuu ka sameeyey quruun kasta oo dadka."
    • Qabownimada: “Jawaabta qaboobu cadhada way qaboojisaa, Laakiinse hadalkii qallafsanu xanaaq buu kiciyaa.” Ilaahay baa nagu caawin doono inaan badsano qabownimadeenna.
    • Mahadnaq: „In wax la helo, waxaa ka barako badan in wax la bixiyo.” Waan ku faraxsan nahay Ilaahay barakooyinkiisa. Waa inaan diyaar u noqonno inaan walaalaheen u adeegno.
  • Furayaasha Raaxada:
    • Dadka caajiska ah ma rabaan inay shaqeeyaan. Si hufan u shaqee. Waa inaan ku dadaalno inaan iska beddelno sifooyinka xunxun. Dhaqan fiican oo xagga shaqada: „Kii wax xadi jiray yuusan mar dambe wax xadin, laakiinse ha hawshoodo isagoo gacmihiisa ku shaqaynaya oo wax wanaagsan samaynaya si uu u haysto wax uu siiyo ka wax u baahan.” Abuurahayagu waxa uu nagu dhiirigeliyaa in aan aragti wanaagsan ka yeelanno shaqada. Waa maxay sababtu? Qofka dadaala wuu ku farxaa waayo wuxuu awoodaa inuu naftiisa iyo qoyskiisa masruufo.
    • Noqo Daacadnimo. „Waxaannu hubnaa inaannu leennahay niyo wanaagsan annagoo doonayna inaannu wax kasta si qumman ugu soconno.” Waan ku dadaalnaa inaan mar walba runta sheegno. Waa inaynan been sheegin. Haddaynu run sheegno, waxaynu leennahay is-ixtiraam, waxaynu ku raaxaysanayna nabad gudaha ah, habeenkiina si fiican ayaynu u seexataa. Intaa waxaa dheer, kuwa kale ayaa na aamini doona oo ixtiraami doona.
    • Aragti dheeli tiran ee Lacagta: „Dabiicaddiinnu ha ahaato mid aan lacag jeclayn, oo waxaad haysataan raalli ku ahaada, waayo”. Maalmahan, dad badan baa lacagta jecel. Shayddaanku wuxuu rabaa inuu inagu jirrabo xoolo iyo lacag. Si kastaba ha ahaatee, "jacaylka lacagta" waa mid aad khatar u ah. Waxa ay sababi kartaa in qofku uu waqtigiisa iyo xooggiisa inta badan ka faa’ideysto ku dadaalida lacag badan. Lacag raadintu waxay culays ku keeni kartaa guurkiisa, waxayna ka qaadi kartaa wakhtiga caruurtiisa, iyo xataa inay dhaawacdo caafimaadkiisa.
    • Dooro Waxbarashada ugu Wanaagsan: "Ilaalin xigmadda dhabta ah iyo awoodda fikirka." Si aan si dhab ah ugu guulaysano dhammaan dhinacyada nolosha, waxaan u baahanahay waxbarashada Eebbe ina siiyo. Xigmaddu waa mid ka mid ah sifooyinka Ilaahay oo waaweyn.


„Jacaylku wuxuu inagu dhaqaajiyaa inaan danta dadka kale mar walba hormarino”

„Helidda barakada Ilaahay waxay ku xiran tahay inaan dadka oo dhan siyaabahan u jeclaanno. Hal hab aan u muujin karno jacaylka noocan ah wuxuu yahay inaan u gargaarno kuwa baahan.”