Jineefa

Ka Wikipedia
Aragtida guud ee Jineefa

Jineefa (ama Jeneefa, af-Faransiiska Genève, af-Jarmalka Genf) waa magaalo ku taalla waddanka Iswisarland. Waa magaalada labaad ee ugu weyn waddankaas, waxaana lagu qiyaasaa dadka ku nool 206.109. Koonfurta galbeed ee waddankaas ayay ku taallaa, waana magaalada ugu wayn ee qaybta af-Faransiiska lagaga hadlo. Jeneefa waxa ay saldhig u tahay hay'ado badan oo caalami ah oo ka tirsan Qaramada Midoobay, sida Ururka Caafimaadka Aduunka (OMS/WHO), Hay'adda Laanqayrta Cas (International Red Cross) iyo Hay'adda Ilaalinta Xuquuqda Bini'aadanka (Human Rights Watch).

Linkiyo banaanka ah[wax ka badal | wax ka badal xogta]