John Wycliffe

Ka Wikipedia

John Wycliffe (1329, Hipswell ee Yorkshire, 1384 Lutterworth, oo u dhow Leicester, Ingiriiska) - turjumaankii ugu horreeyay ee casriga ah ee Kitaabka quduska ah oo Ingiriisi ka yimid luqadaha asalka ah: Cibraaniga iyo Giriigga. Wuxuu kaloo ahaa kii ugu horreeyay ee daabacaadda u adeegsada qaybinta Kitaabka Quduuska ah. Tarjumaada iyo daabacaadda Kitaabka quduska ah.[1][2] Sanadkii 1382, John Wycliffe iyo qaar kale waxay u turjumeen Kitaabka Quduuska ah Ingiriisi. Baybalka Wycliffe wuxuu noqday mid caan ka ah koox loo yaqaan Lollards. Dadkaas waxay jeclaayeen Kitaabka Quduuska ah. Waxay socod lug ah ku mareen tuulo ilaa tuulo oo dhan England. Lollards-ku dadka bay u akhriyeen Kitaabka Qudduuska ah oo waxay siiyeen qaybo ka mid ah gacan-ku-qoran. Shaqadoodu waxay ka dhigtay Kitaabka Quduuska ah mid caan ah mar kale. John Wycliffe iyo kuwa kale waxay rabeen in qof kastaa haysto ereyga Ilaah. Adiguna ma taasaa rabtaa?[3]

Tixraac[wax ka badal | wax ka badal xogta]


  1. Qoraalka Kitaabka Quduuska ah lama kharribin. Qarniyadii la soo dhaafay niman baa naftooda halis geliyay siday Kitaabka ugu turjumaan luqadaha ay dadka ku hadlaan. Afartan nin baa Kitaabka qoray. Qoridda Kitaabka waxay qaadatay qiyaas leʼeg 1,610 sanadood oo bilaabatay sanadkii 1513 C.H. ilaa sanadkii 98 C.D. Sagaal iyo soddonka buug ee u horreeya badnaantooda af Cibraani baa lagu qoray qaar ka mid ahna afka Aramaygga. Buugaggan waxaa loo yaqaanna Qaybta Cibraaniga ama “Axdigii Hore.” Toddoba iyo labaatanka buug ee u dambeeya waxaa lagu qoray af Giriigga. Kuwan waxaa loo yaqaanna Qaybta Giriigga ama “Axdiga Cusub.”
  2. Koorsada kitaabka bilaashka ah
  3. “The Word of Our God Endures Forever”