Końskowola

Ka Wikipedia

Coordinates: 51°25′N 22°3′E / 51.417°N 22.050°E / 51.417; 22.050

Końskowola, Boland.

Końskowola waa magaalo ku taalo koonfur-bari ee dalka Boland, waxayna u dhaxaysaa Puławy iyo Lublin, waxay u dhowdahay Kurów iyo wabiga Kurówkar. Waxay magaalomadax u tahay tuulooyinka (gmina) ee deegaanka Puławy iyo Lublin Voivodeship. Dadka degan: 2188 qofood (sanadkii 2004).

Taariikh[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Tuuladan waxaa la'aasaasay qarnigii 1300 magaceeduna wuxuu ahaa Witowska Wola. Magaceeda waxaa qarnigii 1800 loo bedelay Konińskawola, waana magaca ilaa iyo hada loo yaqaano. Magaalo ahaan waxaa la'diiwaangeliyey 8:dii Juun 1532. Magaalo ahaan waxay muhiim ku ahayd doorkeeda quudinta deegaanada ku dhowdhow. Waxaa hakaasi ku yaaley warshadaha dharka. Dad badan ayaa u soo guuray magaaladaas oo ka soo guuray dalka Boland dhinacyadiisa kala duwan, iyo dad u dhashay Jarmalka.