Muctasim bilaah

Ka Wikipedia
Al-Muctasim bilaah
المعتصم بالله
Khaliif
Amirul-Mu'miniin
Medieval miniature of people standing before a seated ruler within a stylized edifice
Ergadii Biriizanda ka hor al-Mu'tasim (fadhi, midig), wax yar oo ka yimid Skylitzes Madrid (qarnigii 12aad/13aad)
Kahaliifka 8aad ee khulafada cabaasiyiinta
Xilka9 Augoosto 833 – 5 Janawari 842
Ka horeeyayAl-Ma'muun
Ku xigayAlwaasiq bilaah
DhashayOktoobar 796
Baqdaad
Dhintey5 Janawari 842 (45jir)
Samarra
Ku aasanQasriga Jawsaq , Samaara
Issue
Magaca oo dhameestiran
Abuu Isxaaq 'Maxmad bin Haaruun al-Rashiid al-Muvtasim bilaah
BoqortooyoCabaasiyiinta
AaboHaaruun Alrashiid
HooyoMaarida binti Shabib
DiintaMuctazila, Islam

Qabashadiis xilka[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Kacdoonka khurramiyiinta[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Khurammiyiinta waxay ahaayeen koox gaalo ah oo alla iyo rasuul xalaal iyo xaaraan toona rumeesneen[1], waxey aaminsanaayeen fikirka ibaaxiyada iyo in la wadaago xoolaha iyo dumarka, marnarka qaar islaamnida ayee ku gamban jireen[2][3], abuu Muslim khuraasaani ayee saaid u aaminsanaayeen, dhowr jeer ayee dawlada ku falaagoobeen, waxaa kamid ahaa sunbaad ee abuu jacfar almansuur xiligiisa soo baxay, nin la yiraahdo baabaka khurrami ayaa ka soo baxay dhulka azrbiijaan xiligii ma'muun 816 [4], waxaana raacay dad badan, kacdoonkiisa ayaa socday mudo 20 sano ah[5], waxey yeesheen awood balaaran, meelaha buuraleyda ayee gabaad ka dhigteen waxeyna awoodeen inee jabiyaan ciidamo badan oo loo diray, kumanaan dad muslimiin ahna wey laayeen, dadka safareeda ahna wey boobi jireen, cabsi iyo aragagax ayaa soo food saartay dadkii ka ag dhawaa, dardaaranka ma'muun wuxuu ahaa in xooga la saaro ururkaan.

markuu muctasim xilka fuulay waxa uu isugu geeyay awoodiisa oo dhan, ciidankii ugu horeeyay wuxuu u diray hamadaan waxeyna dudnsheen qalcado iyo dhufeesyo badan oo lahaayeen khurammiyiinta, madax sarena way ka qabteen, ciidan kale oo aad u xoog badnaa ayuu diray waxaana hogaamiya ka ahaa afshiin oo ahaa talyaha sare ee dawlada, waxey u jeesteen "Albid" oo ahayd caasimada khurammiyiinta, dagaalo adag ayeena la galeen sanadii 835 ilaa 837, ugu dambeen ciidanka muslimiinta ayaa ku guuleestay inay ka adkaadaan [6], waxeyna furteen caasimadood, wixii ka haray khurramiyiinta waxey aadeen biriizanda [7][8]

baabaka khurrami Waa uu cararay wuuna dhuuntay, cabaasiyiinta ayaa dul dhigeen madaxiisa lacago badan, mar dambe nin qoosaar ahaa ayaa soo sheegay, waa la soo qabtay waxaana loo kaxeeyay magaalada Samaara, halkaas oo lagu toogtay [9][10][11]

Dagaalkii camuuriya[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Dawlada ruum ayaa ahayd inay xiriir la sameesay khurramiyiinta, waxeyna ka faaideysaneysa ku mashquulida Cabaasiyiinta ee khurramiyiinta ayadoo weerartay dhulka islaamka magaalada zabdara ayee galeen oo gubeen dad badan ayeena qafaasheen[12], Gabar muslimad ah oo ku jirtay dadka la qafaashay ayaa ku qeyl dhaamisay magaca muctasim[13].

Muctasim markuu maqlay akhbaartaas xun aad buu u xanaaqay, wuxuu sii kululaaday markay soo gaartay fariin ka socota imbiraadoorka ruum oo caga jugleen xambaarsan, muctasim wuxuu ugu jawaabay fariin ahayd;

Bislmilaahi raxmaani raxiim intaas ka gadaal waa aqriyay qoraalkaaga waana maqlay hadalkaaga jawaabtuna waa waxa aad arkeyso ee maahan waxaad maqleeyso gaaladuna way ogaan doontaa cida ay u hareeso daarta

waxa uuna la baxay ciidan weyn tiro ahaan shan boqol oo kun gaaraya oo qalbkiisa dagaalka u dhan yahay oo talyaasha ugu sareeyo dawlada ku juraan sida afshiin iyo ashnaas camuuriya oo ahayd magaalooyinka ruum tan ugu bilicsan ayuu u jeesestay jumaada awal 223H oo ku beegan 838 AD, waxey gaareen camuuriya bisha ramadaan isla sanadkaas[14].

Boqorka ruum ayaa ahaa inuu ka dagaal la galay qeyb ciidanka muslimiinta kamid ah oo afshiin hoggaaminayay balse waa lagu jabiyay[15], markuu isk waayay tabar oo ku wajaho ciidanka muslimiinta waxa uuna u cararay caasimadiisa Qusdandiiniya, wuxuuna u soo diray muctasim cudur daar asigoona balan qaaday inuu soo celin doonoo dhamaan dadka uu haysto laakin muctasim wuu diiday wuxuuna ku adkeestay inuu furto camuuriya [16]

Go'doominta magaalada ayaa bilaawday, waxaa lala dhacay manjaniiq, talye kasta waxaa loo xil saaray dhinac ka mid ah magaalada, ka dib 11 bari oo go'doonka socday waxaa dumay suurkii magaalada, muctasim iyo ciidankiisa ayaa gudaha u galeen waxeyna ku dileen dad badan oo sodon kun kor u dhaafaya, in kasii badana wey qafaasheen, ganiimo fara badan oo la koobi karin ayeena ka heleen, magaalada ayaa gabi ahaanba kharaab noqotay.

Imbiraadoorka ruum towfiil markuu maqlay in la burburiyay magaaladii uu ku dhashay camuuriya aad buu uga murugooday sedex sano ka dibna wuu dhintay murugu darteed[17][18].

Guud ahaan muslimiinta ayaa ku farxeen guusha laga gaaray ruum, gabyaanka caanka abuu tamaam ayaa tiriyay gabay caan baxay oo ku bogaadinaayo guushaas[19]

Dhimashadiisa[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Xigasho[wax ka badal | wax ka badal xogta]

  1. فصل الخطاب في شرح مسائل الجاهلية (مطبوع مع رسالة قطف الثمر لصديق حسن خان) المؤلف: أبو المعالي محمود شكري بن عبد الله بن محمد بن أبي الثناء الألوسي (المتوفى: 1342هـ)
  2. {{استشهاد ويب|مسار=https://haithem-alsaab.blogspot.com/2017/05/blog-post_17.html%7Cعنوان=مدونة هيثم الصعب: الخرمية طلائع الانقسام الإسلامي|موقع=مدونة هيثم الصعب|تاريخ الوصول=2017-05-18|الأخير=الصعب|الأول=هيثم سعد|مسار أرشيف=https://web.archive.org/web/20191218144611/https://haithem-alsaab.blogspot.com/2017/05/blog-post_17.html%7Cتاريخ أرشيف=2019-12-18
  3. موقف أصحاب الأهواء والفرق من السنة النبوية ورواتها جذورهم ووسائلهم وأهدافهم قديما وحديثا المؤلف: أبو ياسر محمد بن مطر بن عثمان آل مطر الزهراني (المتوفى: 1427هـ)
  4. فتنة بابك الخرمي – رائد الإباحية - مفكرة الإسلام {{Webarchive|url=https://web.archive.org/web/20170727000937/http://islammemo.cc/2003/06/13/1203.html%7Cdate=27 يوليو 2017
  5. {{استشهاد ويب|الأخير=خماش|الأول=نجدة|وصلة مؤلف=|مؤلفين مشاركين=|تاريخ=|مسار=https://www.arab-ency.com/?module=pnEncyclopedia&func=display_term&id=4192&m=1%7Cعنوان=بابَك[dead link] الخُرَّمي|تنسيق=|عمل=الموسوعة العربية|صفحات=|ناشر=|لغة=|تاريخ الوصول=12 كانون الأول 2011|مسار أرشيف=https://web.archive.org/web/20160304193803/http://www.arab-ency.com/index.php?module=pnEncyclopedia&func=display_term&id=4192&m=1%7C%D8%AA%D8%A7%D8%B1%D9%8A%D8%AE أرشيف=4 مارس 2016
  6. {{استشهاد ويب|الأخير=البعلبكي|الأول=منير|وصلة مؤلف=منير البعلبكي|مؤلفين مشاركين=|تاريخ=1991|مسار=https://archive.today/20120707172506/http://encyc.reefnet.gov.sy/?page=entry&id=247527 |عنوان=بابَك؛ بابَك الخُرَّمي|تنسيق=|عمل=موسوعة المورد|صفحات=|ناشر=موسوعة شبكة المعرفة الريفية|لغة=|تاريخ الوصول=12 كانون الأول 2011|مسار أرشيف=https://web.archive.org/web/20200510110242/https://archive.is/w0BE%7C%D8%AA%D8%A7%D8%B1%D9%8A%D8%AE أرشيف=2020-05-10
  7. iranicaonline.org https://iranicaonline.org/articles/korramis-in-byzantium. Soo qaatay 2020-09-13.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  8. T. Treadgold, Warren. Stanford University Press. ISBN 9780804731638.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  9. Bahramian, Ali; Hirtenstein, Stephen; Gholami, Rahim (2013-12-04). Encyclopaedia Islamica https://referenceworks.brillonline.com/entries/encyclopaedia-islamica/babak-khurram-din-COM_00000014?#d253233843e16.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  10. Kaldellis, Anthony. Harvard University Press. ISBN 9780674986510.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  11. {{استشهاد ويب|الأخير=|الأول=|وصلة مؤلف=|مؤلفين مشاركين=|تاريخ=|مسار=https://archive.today/20120710093706/http://encyc.reefnet.gov.sy/?page=entry&id=270695 |عنوان=بابَك الخُرَّميّ|تنسيق=|عمل=المعجم الكبير|صفحات=|ناشر=مجمع اللغة العربية، القاهرة|لغة=|تاريخ الوصول=12 كانون الأول 2011|مسار أرشيف=https://web.archive.org/web/20200510110242/https://archive.is/K169%7C%D8%AA%D8%A7%D8%B1%D9%8A%D8%AE أرشيف=2020-05-10
  12. تاريخ الرسل و الملوك للطبري
  13. ياقوت الحموي معجم البلدان
  14. البداية والنهاية لابن كثير
  15. [موقع قصة الإسلام لراغب سرجاني]
  16. Template:استشهاد بهارفارد دون أقواس; Template:استشهاد بهارفارد دون أقواس; {{استشهاد بهارفارد دون أقواس|Vasiliev|1935|p=160}.
  17. Template:استشهاد بهارفارد دون أقواس, Chapter 3 Archived Oktoobar 12, 2018 // Wayback Machine. Archived 2018-10-12 at the Wayback Machine
  18. Template:استشهاد بهارفارد دون أقواس.
  19. Template:ديوان أبو تمام.