Muscab bin zubeyr
Appearance
Muscab bin Zubeyr bin Cawaam (Af-carabi; مصعب بن الزبير ابن العوام) Wuxuu ahaa gudoomiyaha Ciraaq xiligii khilaafada walaalkiis Cabdullaahi bin Zubeyr. Wuxuuna hogaamiyay ololihii lagu soo afjaray kacdoonkii Mukhtaar Al-thaqafi, Muscab waxaa lagu dilay dagaal uu la galay ciidanka umawiyiinta uu Cabdimalik hogaaminaayay72H/691.
Muscab bin Zubeyr مصعب بن الزبير | |
Gudoomiyaha Ciraaq | |
---|---|
Mudada xukunkiisa | |
686 ilaa 691 | |
Dhashay: | 26H |
Ku dhashay: | Makka Al-mukarama |
Diintiisa: | Islaam |
Ka tirsan: | Zubeyriyiinta |
Aabihiis | Zubeyr bin Cawaam |
hooyadii | Rabaab binti Aniif |
xaaska | Caa'isha binti Dalxa, Sukeyna binti Xuseyn |
Walaalo | Cabdulaahi bin Zubeyr, Curwa bin Zubeyr |
Dhintay: | 72H/691 |
Ku dhintay: | Deyr jaathliiq |
Taariikhdiisa
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Muscab waxaa dhalay Zubeyr bin Cawaam oo ka mid ahaa saxaabada Nabiga scw gaar ahaan Tobanka janada loogu bishaareeyey. Sanadkii 26H ayuu ku dhashay magaalada Makka, hooyadii waa Rabaab binti Aniif oo ah gabar uu dhalay caaqil ka tirsan qabiilka banuu kuleyb.